Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xuska 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Militeriga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xus ballaadhan oo loo sameeyey Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Militeriga Somaliland.



Madaxweynuhu intaanu gaadhin goobta xafladdu ka qabsoontay waxa uu kormeer iyo xadhig ka jarid ku maray miiska saraakiisha ciidanka qaranka oo lagu soo kordhiyey xarumo muhiima oo ay ka mid yihin qaybta jidh dhiska saraakiisha iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey cusbitaalka Ciidanka qaranka ee Birjeex.
Waxaanu u soo gudbay Munaasibadda dabbaal-degga sannad-guurada 26-aad ee Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliand oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka Militeriga oo ay madaxweynaha kala qaybleen shir-guddoonka golaha wakiillada, wasiirada wasaaradaha gaashaandhigga, arrimaha gudaha, warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, horumarinta biyaha, badhasaabka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka soo maray, taliyayaasha iyo hoggaannada kala duwan ee ciidamada qaranka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay axsaabta qaranka, madaxda safaaradaha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay Somaliland ku leeyihiin, saraakiil ka socota dalka Ingiriiska iyo Itoobiya, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha ugu horrayn lagu soo bandhigay masraxiyad ku qotonta dedaalka iyo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan guud ahaanba dalka iyo horumarkiisa.

202022637162364966640270.jpg

202022637162365037049600.jpg

202022637162365101074401.jpg

202022637162365209778825.jpg

202022637162365589126091.jpg



Taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo munaasibadda xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka qaranka, guulaha ay gaadheen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

“Laga soo bilaabo sannadkiisii koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku heegan u ahaa difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Somaliland, waxana uu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna ku tallaabsaday fidinta maamulka dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba xuduudaha Somaliland iyo gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee dawliga ah marka ay sugayaan amniga qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka ay timaaddo xaalad degdeg ahi.”ayuu yidhi taliye Nuux Taanni.

Wasiirka wasaaradda Gashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa isna bogaadiyey guud ahaanba ciidanka qaranka, saraakiishooda, dablayda iyo xaasaskooda, waxana uu xusay inuu ciidanku Astaan u yahay qarannimada iyo dawladnimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka qaranku waxa uu astaan u yahay midnimada qaranka, taas oo ka turjumaysa dhammaanba ummadda reer Somaliland, sida Distuurka iyo xeerarka ku xusanna waxa uu ciidanku leeyahay mabaa’dii iyo waajibaad qaran, waxana uu u xilsaaran yahay difaaca madax-bannaaniada Somaliland.”

Intaas ka dibna waxa hadalka qaatay madaxweyne Biixi oo ugu horeyn u hambalyey ciidanka qaranka, ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca qarankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi keentay inuu qarankani guulaysto.

“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edaab wanaagsan yahay oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku xidhan ciidanka qaranka, ka Booliska, ka asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdood ku xidhiidha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas ku daray “Adduunyada ninna magac buu u joogaa, ninna dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac doontaan, dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef doonin, waanan ku hambalyeynayaa doorashadooda.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu billad-geesi guddoonsiiyey labada taliye qaybeed ee 31aad iyo 12aad ee Ciidanka qaranka Somaliland, Gashaanle Sare Cismaan Faarax Cawaale (Doolaal) iyo gashaanle sare Axmed Hurre Haariye oo muddadii ay shaqaynayeen muujiyey adkaysi, shaqo-wanaag iyo masuuliyad, waxaanu madaxweynuhu xusay in ay diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira dahab iyo qalin.

 

Hargeysa Online

· abdi on February 02 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>