Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Hambalyo dhamaan Umadda reer Somaliland, gaar ahaan unugyada qarsoon ee heeganka..

Hadal hayn ayaa ahayd findhicilku ma xaaraan baa, mise waa xalaal, iyo soo hadal qaadkiisaaba xun.


Doorkan waxaa reer Somaliland lagu dayey qorshe aad u liita oo aanay gayin. Inta aan ogayn baan u sheegayaaye Somaliland ma hurudo, ee waa umad aad u feejigan, si dhawna ula socota danahooda gaarka u ah.  Waxaase jira, in Ilaahay siiyey dulqaad iyo deganaansho ay Ilaahooda ku sugaan.  Ayaan daro, dulqaadkaas ayaa maangaab faro badani u qaataa doqonimo haysa reer Somaliland.  Somaliland waxay u badheedhay wakhti ay sidan aad uga liidatay in ay qaataan go’aan ay ogaayeen in caalamka intiisa badan ka hor iman doono.  Maanta waa dawlad dhamaystiran oo aad uga xoog badan wahktigii ay go’aankan (la soo noqoshada dawladoodii) qaateen, mana muuqato wax ku kalifi kara ama baahi ay u qabto in ay ka noqdaan go’aankaasi. Waa umad u badheedhay in caalamka oo diidan ay kaligood noolaadaan.  Dawlad la soo noqoshadu wuxuu ahaa go’aan umaddeed, cid wax ka bedeli kartaana, aanay jirin.

Waxaase cajiib iyo wax lama filaan ah noqotay, in mar qudha ay reer Somaliland ka maqlaan xukuumadda maanta talada haysaa, si waliba, dhib yar oo jees jees ah- Madaxwaynaha Somaliya ayaa Hargeysa ka soo dagaya.  Waxgarad badan waxay ku noqotay fajac iyo amkaak.  Hadaba, sidee bay u dhacday in Somaliland loogu badheedh, isku day noocan oo kale ah, iyadoo 30 sanadood dawlad ahayd.  Cajiib: In yar aynu dul istaagno siday wax u dhaceen.   Iyadoo qadiyadda Somaliland laga ixtiraamo caalamka, oo ay meel sare marayso, ayey xukuumaddii tan ka horeyso go’aansatay in ay waxoogaa lacag ah ka doontaan Xamar, wax ay markaas ku macneeyeen lacag ay Somaliland la lahayd Somaliya.  Laga bilaabo wakhtigaa ilaa iyo maanta labada madaxtooyo ee Somaliya iyo Somaliland waxay leeyhiin xidhiidh wada shaqayneed, oo laga qariyo ummadda, waa siday isleeyihiin eh. Laga bilaabo wakhtigaa ilaa maantana xukuumadda Somaliya wax-baa u sii kordhayey, Xukuumadda Somaliland-na wax baa ka sii dhacyey.  Waxaana qadiyaddii dhamayd laga   doorbiday lacag aan badnayn. Lacagtaa yar ee Xamar inagaga soo duulduushaa, waxay keentay in indhaha caalamku ay u arkaan Somaliland, qolo aan wax badan diidanyeyn, ee gorgoran iyo inay wax badsadaan uun, isu giijinaya. Waxay labada madaxtooyo isla qaateen in ay wada galaan mashruuc loogu yeedho wadahadalada Somlailnd iyo Somaliya.  Mashruucan waxa labada madaxtooyaba ugu jira waxoogaa lacag yar ah.  Lacagtaa yar ee ay Somaliland u baahnayn, waxay maanta qadiyaddii Somaliland gaadhsiisay heerkii ugu hooseeyey abid.  Aragtida reer Somaliya wakhtigan, ee ku aadan Somaliland- waa gobal Somaliya ka mid ah.  Waxay si badheedh ah ugu yeedhaan Somaliland gobolada waqooyi.  Wixii ay Somaliya ugu yeedheen maalintii dhawayd“cudurdaarka,” ayuu madaxweynaha Somaliya ku shegay in uu la hadlayo gobolada waqooyi.  Waxaa taas ka sii daran madaxweynaha Somaliland oo aqbaly hadalkaa.  Bal adba.

Waxay umadda Somaliland, xukuumadda wakhtigan, faraysaa in ay dhamaan ka baxdo, joojiso mashruuca loogu yeedho wadahadalada Somaliland iyo Somaliya.  Dani uguma jirto Somaliland mashruucaasi.  Wahtigii Soamliya lala hadli lahaa lama gaadhin, yaan la degdegin.  Waxaa ka horeeya arimo badan oo ay kow ka tahay in wadahadalada daacad laga yahay.  Walaalayaal, Somaliya wali may helin hogaan ay iyagu iska dhex doorteen, oo daacad u ah.  Ilaa iyo maanta waxaa loo keenaa, oo loo caleemo saaraa, dad ay wataan wadamo kale, oo dano gaara ka leh Somaliya.  Waxaa kale oo xukuumadda Somaliland looga fadhiyaa in ay isku kalsooni la timaado, caalamkana aanay ka aqbalin wxii hoos u dhigaya rabitaankooda- sida lacagta ka doonta Xamar. 

Xukuumadda Somaliland ee wahktigan waxaa la gudboon in aanay kaligeed la cararin, oo aynu tunka saaran arimaha masiiriga ee umadda Somaliland.  Waar, kaligiin kuma filidin, hadaad waxgardkiina la tashataana, macnuhu ma aha waxba garanmaysaan.  Hadda ogaada, waxgardka umadduna ma aha, afarta dilaal ee aad ka shaqayn kari la’dihiin. Ceeb ma aha, dadkaaga oo aad la tashataa, ee waxaa ceeb ah in aad umadda la hor timaado, wax aanay gayin sida madaxweynaha Somaliaya ayaa wkhtigan Hargeysa ka soo tagaya.  Taasaa ceeb iyo habaarba ah. 

Waar, jar ha iska tuurina, Somaliland-na cuqubo ha ka galabsanina.  Qadiyadda barteedii ku soo celiya.

Somaliland ma hurudo, kuna noqonmayso Soamliya.  Waa fariin culus oo ku socota xukuumaddan Somalilnd iyo kuwa ka danbeeya.

Allahayoow u gargaar Somaliland.

Abdirizak Ahmed Jama

rizakj@yahoo.com

· abdi on March 28 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>