Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

S.N.M, intii ka soo hadhay- Maxay ku doorsadeen Somaliland-tii..

Marka ugu horeysa umaddu waxay qiraysaa sharafta iyo karaamada ay u hayaan mujaahidiintii u soo halgamay qarankan Somaliland.  Waxa aan wakhtigan indhaha laga lalin Karin in wadankeenu marayo marxalad cakiran oo u baahan in wada tashi umaddeed lagu furdaamiyo halis ku soo wajahan.


S.N.M waxay u soo halgamaysay in ay ka midho dhaliyaan rabitaanka shacabkooda, wax iyada u gaar ah, ma ay wadan.  Halgankiina ma gaadhin halkii yoolkiisu ahaa.  Sabab, markaa halgankii loogu kala weecdana Meesha ma yaalo.  Wali waa halkiisii.Waxaase wahktigan layaab noqotay oo muuqata in S.N.M iyo umaddii la kala qaybiyey, iyadoo kala qaybintaa loo aanaynayo guno yar oo mudakarkii mujaahidiinta, hoos ahaan loogu qoray. Waxaad maanta arkaysaa raggii ugu waawaynaa halgamayaashii qarankan, marka ay ka soo muuqdaan warbaahinta, in ay u wada muqdaan sidii dad rahman oo habrasho ba’ani ka muuqato, oo dan mooday in ay iswada carab tiraan, si aanay qasab ugu noqon in ay dul istaagaan, fartana ku fiiqaan halka ay wax ka qaloocan yihiin ee dhabta ah. Waxaabay doorbidi lahaayeen in aan waxbaba la weydiin. Cajiib!

Hadda umaddu way la jeceshahay in ay daryeel, wuxuu doonaba ha ahaadee, ay helaan dadkii qarankan u soo dagaalamay.  Waxayse ahayd xalaal iftiin baa la qashaa eh, in sharciga la mariyo, oo aan si suuq madow ah, kolba inta qof-qof, ama kooxo la idiinku yeedho, wax la idiinku qarin.  Maxaa qarinta keenay? Hadaad runta sheegtaan, intii yarayd baa idinka joogsan, Somaliland way idinkala hanwayn tahay, mana aha waxii aad naftiina u soo hurteen, waar ma gaydaan.  Istaaqfurulaysta oo isha kubadda ha ka qaadina.  Sidaasaad haybad ku leedihiin.  Xalaashada gunadan yar ee kalida iyo qarsoodiga la idiinku qoray, si aydaan kaalintiina aad ku leedihiin qarankiiana u banaynin. (nin lagu seedow ha seexan). Malafsiga ha baranina. Ceeb!

Waynu ognahay dariiqii waa inagu dheeraaday, laakiin wakhti la kala leexado uma dhawin.  Umadda reer Somaliland qaybaheeda kala duwani ‘samirka’ ha ku mitidaan.  Guusha aynu daba soconaa ma foga, cidii doontaa ha isku daydo in ay horistaagto eh.

Allahayoow, Somaliland guusha u soo dhawee.

Abdirizak Ahmed Jama

Calgary,

rizakj@yahoo.com

· abdi on March 28 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>