Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qaarka mid ah jaaliyada reer sanaag muuse ismacill gadhweyn ee wadanka UK oo taageeradooda u muujiyey gudoomiyada baarlamaanka somaliland iyo urur siyaasadeedaka wadani.

Casho sharaf si aad u saraysa loo soo agaasimay ayay jaaliyada ka soo jeeda Gobolka Sanaag (Gadhweyn) ee ku nool waddanka Ingrisku ugu sameeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani mudane A/rahman Mohamed Cabdilaahi Ciro iyo wafti qiimo badan oo la socotay galbeedka magaalada London. Casho sharafkan oo ay ka soo qaybgaleen gudi isku dhaf ah oo ka kooban dhamaanba Beelaha ku nool deegaamada Gobolka Sanaag,(HY Bari Gadhweyn)  marti sharaf kale iyo Gudoomiye Ciro iyo xubno ka kooban weftigiisa ayaa u dhacay si aad u wanaagsan oo xiiso gaar ah

sh100875.jpg

sh100745.jpg

sh100784.jpg

sh100878.jpgsh100895.jpg

sh100838.jpg

sh100884.jpg

sh100780.jpg

 

leh.

Xubnihii u hadlayey gudiga Gobolka Sanaag ayaa ugu horaynba Gudoomiyaha iyo waftigiisa ku soo dhoweeyey xaflada casho sharafta, iyagoo ka warbixiyey in gudigani ka kooban tahay dhamaanba Beelaha Gobolka Sanaag oo aan u kala hadhin, sidoo kale ayay weftigan uga mahadceliyeen ka ogolaansha ay kala soo qayb-galeen casho-sharaftan.
Gudigan ayaa Gudoomiye Ciro iyo xubnihii la socday ee Ururka Waddani ugu bishaareeyey in wada tashi badan ka dib ay bulshaweynta Sanaag go'aansadeen Gudo iyo Dibadba inay taageeradooda siiyaan Ururka Waddani.

Siyaasada hufan ee Ururka, daacadnimada iyo aqoonta horjoogayaasha Ururka, waxqabadka iyo horumarinta deegaamada ee qorshayaasha Ururka Waddani, oo aanu tusaale u soo qaadan karno ka qayb-qaadashada Ururka Waddani jidka Ceerigaabo, Nabad jecaylka iyo ka dhowrsanaanta hadalada xunxun awgood ayaanu u go'aansanay inaanu hadaanu nahay bulshaweynta Sanaag (Ceerigaabo) in aanu kalsoonidayada iyo taageeradayadaba idiin muujino, waxay ka mid ahaayeen hadaladii gudigan.Waxa kale oo hambalyo usoo dirtay kulankan kazoo jeeda degaanka oo degan Dalka Canada,USA, iyo waxa si gaar ah ugu hanbalyeysay ururka Waddani Aamina Berigeeye oo ah haween aad looga qadariyo degaanka Bariga Somaliland iyo dhamaanba.

Gudoomiye Ciro iyo weftigiisii oo ay ka mid ahaayeen Mudane Ahmed Egal,  iyo Mudane Dr Mohamed Osman Fadal ayaa iyaguna gudigan iyo martisharaftii kaleba uga mahadceliyey soo dhoweyntoodan ay weliba taageeridu la socoto, iyagoo cadeeyey in arintani ay ahayd arin ay Gobolka Sanaag ka filayeen. Dhamaantood waftigani waxay ka warbixiyeen qaabka doorashadu u dhacayso iyo sidii looga fiirsan lahaa in shacabku doortaan Ururka iyo Masuuliyiinta lagu aamini karo waddanka kuwaas oo ay ku tilmaameen Ururka Waddani iyo masuuliyiintiisa.

Gudoomiye A/rahman Ciro oo goobta ka hadlay ayaa cadeeyey in hadii Ururka Waddani uu noqdo xisbi qaran uu isu soo sharixi doono jagada Madaxweynenimada S/land, wax weyna uu ka qaban doono Horumarinta deegaamada, Nabadaynta Gobolada iyo la dagaalanka Cadaalad darida iyo weliba arimo kale oo badan, wuxuuna ugu baaqay dhamaanba gobolada dalku inay ku daydaan Gobolka Sanaag oo aysan Codkooda khasaarin doortaana Ururka Waddani.

Xilalka aan hayo sifooyin sharciga waafaqsan ayaan ku joogaa, xilkasta wakhti buu leeyahay, marka wakhtigiisu dhamaadana si wanaagsan ayaan u wareejin doonaa. Waxaan kaloo idiin cadaynayaa inaanan ololahayga siyaasada u isticmaalin hantida qaranka, waxaan kaloo goobtan idiinka cadaynayaa inaan u tartami doono jagada Madaxweynanimada S/land si nadiif ah oon xagxagasho lahayn, waafaqsana sharciga waddanka u yaal, saaxiibadayda tartanku naga dhexeeyana sidaas oo kale ayaan ka filaynaa; waxay erayadaasi ka mid ahaayeen hadaladii Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/rahman Ciro.


Ugu danbaynayna Gudoomiyaha iyo weftigiisan ayaa uga mahadceliyey gudigii xafladan soo qaban-qaabiyey sida sharafta badan ee ay u martiqaadeen una tuseen taageeradooda; sidoo kale Gudoomiye Ciro ayaa bulshada S/land kula dardaarmay in si mug leh looga qaybqaato doorashooyinka Golaha deegaamada ee dhowaan dhici doonta isagoo tilmaamay in dhamaanba aduunku isha ku hayaan qaabka aynu u qabsano doorashadan, taasoo wax badan ka bedeli doonta bulshada caalamka, sidoo kale waxuu ugu baaqay in shacabku Codkooda siiyaan Ururka Waddani oo ah mid aysan ku khasaari doonin.

 

dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa… Maxamed Cali Cade
Dr: Sagawe,    Cabaase,     Keeyse Ahmed Faarah,    Naasir Cabdi Hurun,    Faarax Cali Cigaal,   Cabdikariin Yaasiin Shiikh dalmar,   Mubaarik Muuse Ismaaciil ,    Cabdi Axmed Faarax,    Cabdi Axmed Carab,     Maxamed Bare Ducaale,    Axmed Yuusuf Axmed,  Koos Cali Yuusuf,  Aamina Siciid Xidig


Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com

· xaaji on October 11 2012 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>