Intii uu raggu sugayey shaqo dawladeed oo loo magacaabo Dumarku caruurta ayay korinayeen.
Posted by ifraax on March 09 2014 02:01:52

Markii Dalka la soo galey 1991-kii, mey jirin wax shaqo ah oo laga
shaqeeyaa noocey doonto hanoqotee. Gaar ahaan raggu wey iska
taagtaagnaayeen. Ninkastaa wuxu sugayey mansab dawladeed oo loo
magacaabo ama hey'ad uu u shaqeeyo. Dumarkiise, markiiba wax ay
bilaabeen hawlo yaryar oo hooseeya balse ay ka soo saaraan quutal
yawmka caruurtooda.

Mid jaadley noqota oo maalin oo dhan bacadka fadhida, mid khudran yar
iibisa, mid koonteynar yar furata oo makhaayad yar ka furata. Mid inta
ay kildhi iyo bakeeriyo qaadato shah karisa oo fadhiisata hadba
meeshii guri laga dhisayo oo kuuliga shaaha ka iibisa.

Waxa an xusuusta marka an ka soo lugeeyo shacabka ee an laamiga soo
maro illaa calaamadaha u dhow airporka, wadada hareereheeda waxa
fadhiyey dumar joonyad yar cadceedda iskaga dhigay oo wax iibinay. Muu
jirin guri Hargeisa ah oo waxa lagu kariyaa aaney keenin gabadh soo
dhididey oo maalin oo dhan fadhidey qorax.

Intii uu raggu sugayey shaqo dawladeed oo loo magacaabo Dumarku
caruurta ayay korinayeen. Dhalinyarada iyo raga iyo hablaha maanta
magaalooyinka taxaashaya ee wax bartey, mid walba hooyo ayaa bacadka u
soo fadhiisatey sanado badan.

Haddii aan wax kale la tareyn, waxa waajib ah inu qof walbaa, gaar
ahaan raga iyo wiilasha iney hooyooyinkood madaxa ka dhunkadaan uuguna
mahadnaqaan sida ay reeraha u soo badbaadiyeen


Bile - Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com