Talaabo yididiilo leh bay dhalintii reer Sheffield qaadeen, Aqoonsigii ugu horeeyey ee S/land heshana way keeneen. Xukuumada Siilaanyo waxba kalamay socon dhaqdhaqaaqan mudada socdey balse markii lagu
Posted by abdi on April 13 2014 12:34:43

XUKUUMADA SIILAANYO WAXAY CADAYSAY INAY ICTIRAAF U RAADINTA S/LAND KU BEDELATAY SHILIMO. (Qasim Saleebaan).

Talaabo yididiilo leh bay dhalintii reer Sheffield qaadeen, Aqoonsigii ugu horeeyey ee S/land heshana way keeneen. Xukuumada Siilaanyo waxba kalamay socon dhaqdhaqaaqan mudada socdey balse markii lagu martiqaaday ayay ku hambaabireen; ka dibna waxaa loo soo kala orday in Sawirada la isu dhigo si looga dhexmuuqdo oo loo yidhaahdo anagaa ka soo shaqaynay.

Madaxtooyada S/land oo jeclaystay inay is muujiyaan ayaa ku kalsoonaan waayey Wasiirkoodii Arimaha Dibada ka dibna u soo diray Wasiir kale, Xoogaana Jeebka u soo geliyey. Balse maxaa dhacay, Wasiirkii lacagtii la soo siiyey ee sifaha kale khasnadii Shacabka looga soo saaray markii uu soo gaadhay Magalada Sheffield waxuu kala kulmay waxuusan filayn oo maxay ahayd?. Xubnihii ugu cadcadaa Xisbiga Waddani iyo Madaxdoodii oo goobta Galaa-baxaya!!. Waar meeye Taageerayaashii Kulmiye ee goobtan ku badnaan jiray, Wax jawaab ka siiya ayuu waayey.

Maxuu Wasiirkii Sameeyey? xoogaagii ka soo hadhay lacagtuu watay waxuu go'aan saday inuusan Waddani gacanta u gelin oo jeebkuu dib ugu cabusay isagoo is leh Qari (Qaranimo doonkii iyo Cabsidii Waddani buu isku khalday). Haatuf oo ah Wargeys ay ku faanta S/land oo xogtu soo raadsato ayaa iftiimiyey sida wax u dheceen. Wasiirkii Sida Fiintuu u ololay, Waxuuna xidhay Wargeyskii, Sideed wax iiga sheegtaa (Waar Xukuumadani u ekaa Taynu ka soo Guurnay).

Maxaa ka dambeeyey? Wasiirkii oo isyidhi dadka indhaha caad u mari ayaa warbaahinta ka sheegay inuu lacagtii halkii loogu dhiibey geeyey. Anigoo Shakhsiyan arintaas daba socda waxaan waraystay Dhalintii Aqoonsigan iyo Xafladihii loo dhigayeyba ka soo shaqeeyey una isticmaalay Jeebkooda iyo Juhdigooda. Waxba nama soo gaadhin bay noqotay Jawaabtooda Kooban een Mugdiga ku jirini. Hadaba isweydiintu waa:

1) Wasiirku Xaguu lacagtii mariyey?
2) Lacagta loo dhiibay ma Dhiiri gelin Xubnihii aqoonsigan ka soo shaqeeyey baa loogu dhiibay si ay culaysyadana iskaga kala fududeeyaan, hawlahoodana u sii dardar geliyaan? Mise inuu Kharash ka dhigto?.
3) Wasiirku lacagta ma wax buu ku lahaa? hadiibase ay Haa tahay, Maxaaba ka soo hadhayey Ticket-kiisa Qaaliga ah, Hoteeladiisa Qaaliga ah iyo Kharashkiisa Qaaliga ah marka laga gooyo?.
4) Hadii Haatuf run sheegay maxaa loo xidhay? Yaase Xigi?.
5) Sow ma muuqato in Kulmiye Aqoonsi u-raadintii S/land, ka dhigtay Mashruuc lacag lagu samaysto oo wadanka lagu dhaco?
6) Wasiirkan ma u qalmaa nin xilka sii hayn kara oo wadanku waxqabad ka sugayo? Goormuuse Iscasili ama La Casili?.

Jaabahani waa kuwo dul-hoganaya Xukuumadan aynu codkeenii ugu hiilinay balse Xiligan Xooga inagu haysata, Sharcigii Wadankana dhoobada ku jiiday.  Shacabkuna waxay su'aalahan ka jawaabi doonaan maalinta doorashada ee gacantoodu ka Biqi doonto in Qalinku kaga dhaco Magaca KULMIYE, Indhahooduna ka jeesan doonaan Qofkastoo metelaya Kulmiye. Dhegahooduna Dhibsan doonaan Magaca Kulmiye.


Qasim Saleebaan
kasslmn@aol.com
London