Kibir waa gabay dheeg.
Posted by abdi on June 11 2015 19:55:18
Gabaygan kibir la baxay waa gabay dheeg aan ka soo dheegtay gabaygii alle haw naxariistee darwiishkii ismaaciil mire waxaanan kaga hadlayey halgankii ka dib sidii ay yeeleen rag badan oo siyaasiin iyo kornaylo ahaa oo ay taladii dadku ay iyaga gacantooda ay ku jirtay iyo siday ku haboonayd in lala xisaabtamo waajibkoodana la mariyo markiise taa la waayey nin walibana oo reer hoosta ka galay in noocan looga faaloodaa waa muhiim waxaanse qabaa in taageerayaashoodii beeluhu ay dhibsan doonaan,waana kan
- Keligaa adaa talin karuu kaahin ciirsadaye
- Kashiisaba ma gelin Yoonisbaa koodhka kaa heliye
- Kama'iisu waxa uu ka riday kal iyo buur dhaabe
- Waataa colaaduu katibaydhibay karkeediiye
- Iminkuu kadeedkii ku xidhay kaawo aan go'ine
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Iyadoo karaar qaadatoo kaaha la ifaysa
- Oo uu kartoon iyo anfoco keenay badi yaare
- Laga helay korsocod iyo cashuur amase keer dhuuni
- Dhegawayne kaydkuu heliyo kawlki badi saydhye
- Kadbo aadyar isagoon is odhan buu dhanxiir koraye
- Waakaa kornaylkii qaldamay keeb la yuurura e
- Iminkuu kediga merayaa koranki waalnaaye
- Waa kolanyo nimankii arlada kuruska waynaaye
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Ninkaan kadabsan ciidiisa iyo calanka koonkiisa
- Ee kani mid maahiyo kobtani waa cidluun bu'aya
- Ee dowlad kaamila ma aha ugu kalaamaaya
- Kub ka duule keysow bulshadu waa ay karahdaaye
- Kufkaa Gaal ayaa Eebahay kebed ku awdaaye
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Koox ururtay kii shalayto hagay maanta karahooda
- Kunba edeg ardaa iyo kungoys inuu ku soo awdo
- Uu kala dilaa may ekayn kaamam wada yaale
- Siilaanyo waa uu kadibay gubayna kaadhkiise
- Korjoogii wuxuu doorkan galay kaabe reer hebele
- Hayeeshee wixii uu kasbaday waa la kulan siine
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Kunka waayo arag ee colaad kow isaga siiyey
- Kasi waaye ina biixigaa kadaya dhuuxoode
- Sidii awr la kooreeyey bay daba kashleeyeene
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa ha la ogaado
- Kinsi buu ahaa faarax nuur kaalintuu galaye
- Kobii uu fadhiyey bay taladu kooras ku ahayde
- Isu keen wuxuu gabay tirshaba gacalna soo koobye
- Waxse gabay kalkiisii markay guray kor saareene
- Kaartaa lagu tuhmaayiyo garaad ama kornayl wayne
- Kaakaca ayuu yidhi ragii badina kooreeye
- Kumanaan halyay baa dartii aakhirow kacaye
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Kacaankii afwaynaba ragii kaalin jiray moorgan
- Carte iyo kun jirow baan ogaa waase kala haabe
- Kursi doonku waakaa hodiyo taliski kaaraane
- Haduu kadabso somaliland uu kabta u yeesho
- Kiis qaranka kama uu galeen lagu kur gooyaaye
- Waxse kaabay waa looyarkaan keenin qodobkiise
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Kaamilkoodhka maantuu ahaa dunidan oo kowa
- Ee qoriga kaaraha la baray bii em kiyo lowga
- Liishaanka kore iyo markii xagasha loo koobay
- Kabtan carab inuu cadow jabshuu kooraskow galaye
- Kola lagama filin inuu bulshada kaabigow dhigo e
- Wax kabaday kadeedkiyo dhib iyo qax iyo kuur kuursi
- Maatadii hadaad kabanaysaan uu kaskeed galaye
- Isna kadab go'iisaa u dhigan kaadan dabadeede
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Nin kuhaama shilke wiilka kora kurayga liishaama
- Nin karhaaya kaariyo baroon kooxo ku hubaysan
- Oo aan dhashiikuhu kadibin suugu kabashlaynin
- Mid kormeera janan kaarto dhiga wiilal kadab gooya
- Oday keena kiish iyo rasaas koromo loo loogo
- Dhakhtar kabaya talis wada kamilan oon kobtaba joogin
- Siyaasigan kelifay ee kobcee kadaya ruuxdiisa
- Ee ay kildhiga madaxa iyo ay kurtow gelisay
- Ku kastoo kabtida nabada iyo samaha koor gooya
- Munaafaqad nin koolkooliyiyo nacaska soo kiila
- Kadabkii inuu go'ay horay kaafka ugu tiile
- Darse kuwaa ka daran baa jiriyo dhawr karbaashyo leh
- Oo intay kibren oo kibreen oo macashu koorowday
- Yaa weliba kasgaab li'i hadana loo kitaab dayaye
- Waa kuwaa miriyo kaabulkii koondharka ahaaye
- Waana loo katibay inaan dirkaa kimis u laabnayne
- Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
- Kaabaduu qotomiyiyo xornimo calankan kii taagay
- Kalgacalkii dadwaynaha hadii goosashadu keentay
- Keli talisba waa wixii siyaad saaray kaaraha e
- Kama ii qabiilkuna wakaa geeyey kiiniya e
- Iyadoon heshiis lagu kamilin kiisna lagu qaydan
- Ku tagiyo ku joogaba xisaab laysu kumi taaban
- Inuu kaalo tuur noo baxshoo kadab na dhaafsiisto
- Kadeedkiyo dhibkeedii haduu kuududaa xamare
- Kasxumaanta waa lagu jabaa ee kaa hala ogaado
- Kii ugu sareeyiyo kobtii taladu ay joogtay
- Tuutaha kolkuu soo xidhiyo koodhka iyo shaadhka
- Ee uu colaadii katibay uu kulmiyey beesha
- Kolkay curatay baaruudu ee keebka lagu boobay
- Koofiyadii ceebaha sidaa la kuftay xeerkeede
- Ruux waliba kobtuu dhigay xiligu wuu kamilayaaye
- Kas xumaanta waa lagu jabaa ee kaa hala ogaado