Gabaygii LAYAAB.
Posted by ifraax on July 12 2015 21:42:59
Gabaygani wuxuu ka mid ahaa gabayo na dhex maray aniga iyo ibraahin cabdi inkastoo kiisii aanan haynin waa kan kii aan mparkaa uga tiriyey.

 
 
  1. Inaanu gabay yabooh gelin asaan laysu yabadh siinin
  2. Oo aanu yarad goyn ninkii iga yaqaan baa og
  3. Inuu haybad yahay kii yaraan ku gabyay baa sii og
  4. Inay maanso yeel iyo hub tahay yaanbo iyo xoog dhan
  5. Nimaan yugin itaalkii ayaa ya' iyo wawleey og
  6. Ana inaan aqaan yeesha gabay eray yagleelkeeda
  7. Waxa ii yaqaan aadmigoo yar iyo waynbay og
  8. Adse inaad murtida yaabiska ah curiso yoolkeeda
  9. Oo ay yuhuuntiyo tixduba kugu yartaan sheegay
  10. Tuugsi iyo yabooh iyo inaad adigu yeelyeeshay
  11. Ood soo yabaalisay tixduna kugu yartaan sheegay
  12. Inay yabadh malaa kugu tahoo raan ku yara siiyey
  13. Waa waxaad la yuusteed cidlada uga yu'aysaaye
  14. Hadaad yeeke weligaa ahayd sidan ma yeesheene
  15. Ibraahinow ma aad yaahiseen qaylo yaabadane
  16. Anoon kuugu gaar yeelin weedh iguma yoonteene
  17. Maxaan kaaga yaahoonayaa garasho waa yaabe?
  18. Yalka dhacay wanaagii yulqamay taladi yaaxawday
  19. Al yacnii nimcadii layska rogay dirirti yawlaysay
  20. Kaaraha yulxamay iyo baroon sida yaxaas reemay
  21. Ee loola yimi maatidaa loog yalaxleeyey
  22. Ee goobtan loo yuururay gelisay yaabkaase
  23. Hadaan soo yaxoobsaday burcoon gaadhay yacaygeeda
  24. Yuqle orod hadii aan yal idhi yayda iyo xoorka
  25. Oo aan yureey cadawga idhi oon ku muday yaanbo
  26. Inaad ii yaboohday ahayd geesi yaabadane
  27. Xagaad iiga yaaloonaysaa waa layaab taniye
 
 
                                     allaa mahad leh
                        maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                             mymnaleye@hotmail.com