Amaanka Madaxtooyada Somaliland Hargeysa oo dayacan iyo qorshayaal laga warhelay oo lagu khaarajinayo Madaxweynaha wadanka.
Posted by abdi on August 25 2015 08:48:55

Amaanka Madaxtooyada Somaliland Hargeysa oo dayacan iyo qorshayaal laga warhelay oo lagu khaarajinayo Madaxweynaha wadanka.

 

Warbaahinta madaxabaan ayaa heshay xog sira oo laga soo maleegay deegaanka uu Suldaan Wabarka galay wadanka aynu jaarnahay soo maleegeen isaga iyo rag kale oo ka soo jeeda beeshooda kuwaas oo dhamaantood ku heshiiyay sidoo asaasin amba khaarajin lagu sameyn laha madaxweynaha wadankeena Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Xogahan ayaa tibaaxaya inuu lagu kala qaatay lacago faro badan oo la doonayo inaa amaanka wadanka Somaliland lagu khalkhaliyo iyadoo laga faa'ideysano xaaladaha maanta wadankeena ka jira.

 

Warkan ayaa intaas ku daraya hadii siilaanyo doorasho qaban waayay inaa la iska qaado sida kaliya ee la iska qaadi karono waxay noqotay inaa la heshiiyo Suldaanka Baxay maadaamo nin ay ilma adeeryihiin uu haysto madaxtooyada Somailand ninka madaxtooyada haysta ayaa lagu magacaaba Askar Cali Maygaag kaasi oo si toos ah ugu xidhan suldaanka baxay.

 

Ninkaasi oo kasoo jeeda beesha Suldan Wabarka Baxay ayaa sheegaya inuu in badanna ka mid ahayd agendaha loo baxay sida hadii ay wax dhacaan inuu halkaasi wuxuu sameyn karo ka sameeyo.

 

Waxase yaab badan madaxweynaheenu sida uu isku aaminay ninka la sheegay inuu rabo inuu dilo ee ilma adeer labaadna la ah Suldanka ku taamayo qaranimadeenii inuu dumiyo.

 

Iska kaste ahaate qaar kamida sirdoonka somailand ayaa noo xaqiijiyay magaalada Hargeysa inay ku sugan yihiin qaar kamida maleeshiyo kamida maleeshiyada Suldanka oo meesha uu ku naas nuujiyo Jananka ciidamada Madaxtooyada Somaliland.

 

Amuurtani ayaa hadii ay run tahay iyo hadii kaleba wadata khatarteeda loona baahanyahay shacabka somaliland inay ka digtoonaadaan isna cadeeyaan.

 

Qore; Wariye Cabdilahi Gaajo

Hargeysa , Somaliland

Wariye Madaxbanaan