waxaa i hoday magaca MURTIMAAL.COM Qalinkii maxamed yaasiin maxamed ilkacase
Posted by abdi on November 20 2015 02:34:44

wakhti dheer ayaa laga joogaa intaan xidhiidhka la samaynayey shebekeda murtimaal taasi oo aan hawada u soo mariyey in ka badan 100 MAQAALO IYO MAANSOOYIN ISUGU JIRA kuwaas oo aanan mar keliya ka arkin ama aanan ka maqal jawaabta quruxda badan ee ay soo ciliyaan markaad fariin u dirto,dhamaantood waa ay tuureen mana ay eegin inaan xaq ugu leeyehey sida muwaadiniinta kele inay araa dayda iyo maansooyinkaygaba ay soo bandhigaan sida hal abuurada kale ee ila midka ah,waxaadse moodaa inuu cunfi qof jeclaysi iyo qaraabo kiil uu ka buuxo shebekadan iyo masuuliyiintoodaba,
       waxaa keliya oo isoo hoday inaan xidhiidh la sameeyo waa magaca ay sidato kaas oo aan dhaqan ahaan ahayn mid la kala xigo balse ah goob ay ku kulmaan murtiyahano soomaaliyeed bar loogu talo galay inay ku soo bandhigaan fikirka iyo murtidooda iyagoo u wada siman aan kala xigina,waxaase cad in maamulka shebekeda murtimaal ay ku shaqayso sifo kala qoqob ah bulshaduna aanay u wada samayn ee ay cid gaar ah u adeegto inay soo ban dhigto afkaarahooda oo keliya.
                           waxaan kula talin lahaa masuuliyiinta shabakada murtimaal inay u sinaadaan afkaaraha bulshada macaamiisha u ah ama ay bedelaan magacan ka dhexeeya halabuurada afka soomaaliga ku wada hadla oo ay la baxaan mid iyaga iyo intay jecel yihiin ama qoyskooda ah ku kooban si aan hanaba yaraatee aan loola wadaagin bar kulankooda.
                  tani waa saluug cabsho oo ka dhan ah shebekada murtimaal oo aniga igu gooni ah waana dhaqan xaqiiq ah oo aan kala kulmay inaan haba yaraatee aan la soo gudbin fariimaha iyo murtida aan u soo diro taasoo ay iigu soo jawaabaan inay soo gaadhaan dhamaantood hadaba waxaan leeyahay u cadaalad fala umada idinla soo xidhiidha ee aad kala soocaysaan.
                                                maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                                mymnaleye@hotmail.com
                                                               myaasiin143@hotmail.com
                                                                       Antwerpen     Belguim