Somaliland development found macneheedu yahay sanduuqa horumarinta Somaliland,sababaha loo as aasayna waxay tahay ama macnaheeduba tahay in Somaliland lagu hour mariyo , maa daama ay Somaliland kabaxday wixii loo yaqaanay degdega (emergency) oo loo gudbay wakhtigii horumarka ama afka qalaad waxa loo yaqaano (development )hadaba mashruucaasi ma ushaqeeyaa qaabkii ama ujeedadii loo aas aasay.
1.Hadaan ku horeeyo su,aasha koobaad ee ah ma u sha qeeyaa mashruucaasi qaabkii ama ujeedadii loo aas aasay? Aniga oo is ticmaalaya aragtidayda gaaban waxan leeyahay maya ,maya, waayo? Lacagaha sanad kasta la sheegaa waa 60,000,000 milyan oo dolar sanad kasta , hadaanay kaba badnaynba hadana lacagta intaas lee gee lasheegayo majirto meel lataaban karo oo wax lagaga qabto hadaan laga tagin waxan maqalnaa gobolada bariga ayaa meeshaasi wax laga qabtay , ama school heb laayo ayaa dib udhis lagu sameeyay intaasi yar een soo sheegayna waxan maqlaa kali ah marka madax waynaha , ama wasiir uu booqdo gobolada bariga,gobolada galbeedka iyaga warkoodaba hasoo qaadin wali ma aan maqal Gobolka Gabilay ayay (SDF) tu wax kaqabatay Gobolada Awdal iyo Gobolka Salal iyaga warkoodaba hasoo qaadin.labadaa gobo lee Awdal iyo Selel wali magacaa (SDF) maba soo gaadhin lagamaba yaqaano
2. Su,aasha labaad oo ah ma u siman yihiin mashruucaasi (SDF) Gobolada dalku? Jawaabtu waa Maya waayo waxay ahayd sanad kasta in la qorsheeyo lacagta sanduuqaasi ku jirta , waxay ahayd in la shaaciyo saamiga gobolkastaaba ku leeyahay sanadkasta.mar hadii taas lawaayay ma waxa la garan waayay haba ku kala badnaadaane in dhamaan gobolada Somaliland gobolkasta wax kazoo gaadhaan labadaa midna lama hayo waxay noqotay kali ah inay ku koobnaato oo kali ah Gobolo gaar ah gaar ahaan gobolada bariga oo kali ah ay uu ku kooban yahay mashruucaasi(SDF) waxana cad in Gobolada galbeedku aanay qorshahaba ugu jirin.
3.Su,aasha sadexaad Ma u siman yihiin shaqaalaha mashruucaasi kashaqeeyaa (SDF) dhamaan dadka Somaliland ku nooli mise reer gaar ah ayuu shaqaalaha mashruucaasi (SDF) uxidhan yahay? Jawaabtu waa maya uma sina shaqaalaha mashruucaasi kashaqeeyaa ma odhan karo waa reer kali waxan leeyahay waa jufo kali ah (Habar yoonis) jufadaasi kali ah ayuu sanduuqaasi gacanta ugu jiraa iyaga uunbaa isku koobay shaqaalaha mashruucaasi haba yaraatee ma jirto cidkale oo qabiiladaa kala duwan ee dagan Somaliland oo ka shaqaysa mashruucaasi(SDF) hana la ila hubsado.
4.Su, aasha afraad mashruucan dhaqaalihiisa ma gobolo gaar ah ayuunbay dawlada kulmiye hogaamiyaa ugu talo gashay? Jawaab taydu waa haa waayo hadii aanay arintu sidaaasi ahayn sidaasi wax uma dhaceen mar uunbaa la arki lahaa haba yaraatee in yar oo cadaalada ama Hal- mashruuc oo dhinaca galbeedka usoo fakaday oo laga fuliyo gobolada galbeedka gaar ahaan Awdal iyo Selel.
Qalinkii .Axmed C/lahi Jamac
Contact: cabdile3@gmail.com
Lasoco Qaybaha danbe. Oo kasii xasaasisan qaybahaa hore een soo sheegnay