Qabyaaladdu waa Cadowga Qarannimada iyo Dimuqraadiyadda!
Posted by xaaji on January 24 2013 09:15:45

Dareenka waddaninimo iyo dal-jacaylku maaha wax la barto ama la iska dhigi karo, balse waa dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka ku abuuran.


Extended News

 

1.  HORDHAC:

 

Sarreeye Hufnaaye, Mahad oo dhammi ALLAH ayey u sugnaatay.

 

Dareenka waddaninimo iyo dal-jacaylku maaha wax la barto ama la iska dhigi karo, balse waa dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka ku abuuran, kaasoo muwaadin walba ku qasba in jiritaanka Dalkiisu leeyahay mudnaanta koowaad.  Magaca, sharafta iyo karaamada ay ummadi leedahay waxa markhaati cad iyo tilmaanba ka ah waa halganka, nafhuridda iyo kifaaxa ay soo galeen iyo kolba siday uga gil-gisheen iskagana dulqaadeen dulmigii iyo cadaadiskii lagu hayey. Halgankaa iyo nafhuriddaa la soo maray waxa dabadeed lagu xardhaa Diwaannada Sooyaalka Taariikheed ee ummaddaasi leedahay, kaasoo loo sii gudbiyo fac ka fac, isla markaana noqda Bar wax laga soo dheegto iyo Halbeegga Xasuusta Taariikhda ee ay ummaddaasi soo martay. Kaasoo ay dabadeedna Xuskiisa, Xurmadiisa iyo Xaq-siintiisaba mariyaan si aanay xasuustooda uga libdhin.

 

Ma aha dhacdo si dhibyar lagu illoobi karo laguna dafiri karo halganka dheer ee loo soo maray dib u xoraynta dalka hooyo, marxaladahii iyo waayahii adkaa ee ay ummadda JSL u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Jam. Somaliland ee maanta taagan, taasoo guusheedii, gobannimadeedii, dawladnimodeedii iyo dheeftiiba maanta la wada hadhsanayo.

 

Waxa nasiib darro iyo wax laga xumaadoba ah marka ay ummadi si dhib yar ku illawdo ahaanshaheeda ummadnimo iyo taariikhda halgankeeda, ay xasuusan waydo waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda ay maanta hadhsanayaan.  Waxa nasiib darro inteeda le’eg ah marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay. waxa muuqata inaysan ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii adkaa ee soo maray.

 

Haddaba waxaa muuqata in ummadda Jam. Somaliland ay illowshiiyo dhaw yihiin oo aanay badanaaba waxba ururin isla markaana aanay si fiican u dhugan taariikhda iyo waayaha soo maray. Arrintani waa tilmaan aad u xun oo aan adduunka kale iyo dalalka inala deriska ahba ayna inala qabin oo aan ka dhicin. Waxay aniga ila tahay hab-dhaqanka noocan ah waxaa inoogu wacan waa qabyaaladda, qof-jeclaysiga ama qof-necbaysiga ay bulshadeenu caadaysatay. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga indho-saabeen mudnaantii ay lahayd ahaanshaha Ummadnimadu, taasoo aad mooddo in xataa Caqiidatul-Islaamkiiba uu Qabiilku inalaga weyn yahay.

 

2.    Danta Qarankaa Mudan ta Qabiilka

Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay ka siman-yihiin, kaasoo muwaadin walba ku qasba inuu/inay mudnaanta iyo muhimadda koowaadba uu siiyo/ay siiso Dalka iyo Qarannimada. Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyadduna waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada jirtaa waxa weeye in dareen-wadareedka waddaninnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso uu bulshadeenna aad ugu ku yar yahay, halka uu dareen-wadareedka qabiilka oo Qarannimada u cadow ahina uu aad ugu xoog badan yahay.

 

Waxa wax aad looga xumaado ah in Mudane ummaddu soo dooratay, halkii uu dadkii soo doortay oo dhan ka matali lahaa inuu isku arko inuu Qabiilkiisa oo keliya Golaha u fadhiyo. Miyaanay wax aad looga xumaado iyo mashaakil intiisa le’egba ahayn in Mudane ka mid ah Golaha Wakiillada oo Qof Xamar hunguri u doontay oo jiritaanka i JSL cadow ku ah oo ka soo horjeeda Qarannimadeenna, inuu Xildhibaanku reernimo ku qaabilo uguna hiiliyo, oo weliba yidhaahdo isku reer baannu nahay!!

 

Dhinaca kale, aaya la’aanta Qabyaaladda waxa tusaale cad u ah rag leh waxaanu nahay muwaadiniin u dhashay JSL oo Madaxweynihii ay shalay doorteen, mujaahid xalaal ah oo ummadda oo dhan ku leh karaamo iyo qadarin, kii shalay ka xoreeyey kuwii dadkooda xasuuqayey inay maanta yidhaahdaan London baanu ka dacweynaynaa, halka kuwii 100,000 oo Somalilanders ah xasuuqayna ay maalin walba arkaan una dhoolla cadeeyaan. Wax kale maahee Qabyaaladda iyo reer nacaybka ayaa indho tiray, oo inay Qaranka iyo Qoomiyadda u hiiliyaan Quus bay ka joogaan.

 

ALLAH ha u naxariisto Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”  mar uu ka hadlayey xumaanta, dhibta iyo mashaakilka ay QABYAALADDU leedahay, maansadisii “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi” wuxuu ku yidhi:

 

Dugsi ma leh qabyaaladi;

Waa dararta baahida;

Waa astaanta di-u-dhaca;

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal.

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah;

Damqa oo ku joogsada.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHUN), maansadiisii ERGO waxa uu ku yidhi:

“UF” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda!

 

Haddaba akhriste, bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qaban karin wada adeegsato, waxaa hubaal ah in jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan uu INA DAANWEYNE yahay!!

 

Waxa ila quman in Bulshadeenu guud ahaan, gaar ahaanna Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Saxaafadda ku ab-tirsada JSL  ay kala saaraan Mucaaridnimada Xukuumadda talada haysa iyo waajibka Muwaadinnimo ee Dalkooda ka saaran. Dabcan wixii ay xukuumaddu ku qaldan-tahay waa la toosin karaa, iyada oo laga wada duulayo wixii dalka iyo dadkaba danahoodu ku jiraan. Waxa si cad u muuqata inay cadawga Jam. Somaliland arkeen sida ay dawladdu M/weyne Ahmed Silanyo u dardar gelisay hawlaha qaranka oo ay wer-wer ka qabaan in dhakhso la inoo aqoonsado, taasina ay keentay inay isku habar-wacdaan oo isku dayaan wax kasta oo ay sumcadda, jiritaanka iyo qarannimada Jam. Somaliland ku dhaawici lahaayeen isla markaana ay sameeyaan wax kasta oo ay aqoonsiga JSL ku horjoogsan lahaayeen.

 

Haddaba waxaan ummadda u soo jeedin lahaa in aynu ka digtoonaanno in innagu aynu isku mashquullo oo aynu iska daba shaqayno. Aynu dhammaanteen ka wada hawl-gallo difaaca Dalka af iyo addinba. Waa ianaynu u jeesanno sidii aynu cadawga JSL (gudaha iyo dibeddaba) ugu midoobi lahayn isla markaana aynu si wada-jir ah ugaga midho dhalin lahayn qaddiyaddeenna laba iyo labaatan jirtsatay.

 

JSL; Qaran adag iyo Qoomiyad mid ah,

 

ALLAH ayaa Mahad leh, WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

By Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)