Ummaddii iyagu is-aqoonsani; Aqoonsi kale waxba kalama maqna!!
Posted by xaaji on January 28 2013 11:13:28

Karaamada, Sharafta, Wadajirka iyo is-fahanka ummadda waxaa saldhig u ah inay iyagu marka hore dhexdoodu is-aqoonsadaan oo is-qadariyaan.


Extended News

 

W/Q: Eng.  Hussein Adan Igeh||Hussein Deyr||UK |

 

  1. 1.    HORDHAC

 

Karaamada, Sharafta, Wadajirka iyo is-fahanka ummadda waxaa saldhig u ah inay iyagu marka hore dhexdoodu is-aqoonsadaan oo is-qadariyaan. In la isku qiro oo la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar ah ee soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran) isla markaana layskaga garaabo wixii gar iyo dawba ah oo la saxo wixii dhalliil, caddaalad-darro ama hagar ah ee jira, waana calaamadaha ilbaxnimo ee ummad lagu tilmaansan karo.

 

Nabadda, deggenaanshaha, wada-noolaanshaha, horumarka iyo dimuqraadiyadda ay ummadda Jam. Somaliland muddada 22-ka sano ku dhaw ku naaloonayaan, waa arrin aad u qiimo badan oo ummadda JSL-na ay ku faani karto, waajibna ay inagu tahay in ALLAH(SWT) loogu mahad-naqo. Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa ah iyagu kuwa arrimahan saldhig iyo laf-dhabarba u ahaa kuwaasoo mar walba la imanayey samir, dulqaad, kala-dambayn, ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka u dhigan iyo ayi-daad aan shuruud lahayn oo ay ayi-dayeen kolba xukuumadda talada dalka haysa.

 

Sidoo kale waxa iyadna xusid iyo is-xasuusinba mudan in wanaaga, horumarka iyo wada-jirka aynu maanta hayno uu ku yimid wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo weliba ta ugu muhiimsan oo ahayd sida ay siyaasiyiinta u dhashay JSL hankooda iyo damacooda siyaasadeedba ay mar walba ugaga tanaasulayey halka ay danta ummaddoodu ku jirto.

 

  1. 1.    U hiili Horumarka, Wanaagga iyo Wada-jirka Ummadda

Washington, London iyo Muqdisho ma go’aamin karaan himilada iyo aayo-ka-tashiga Qaranka iyo dadka JSL. Masiirka, Aayaha iyo Hadafka JSL ma aha mid cid kale gacanta ugu jira oo ay go’aamin karaan. Sidoo kale ha noqoto Xukuumadda talada haysa, Xisbal-xaakimka, Mucaaridka, Goleyaasha sharci dejinta, Salaadiin, Culimaa-udiin, siyaasiyiin iyo qof Xamar hunguri u doontayba midkoodna awood uma laha aaya-ka-talinta mustaqbal ee Qaranka iyo dadka JSL.

Xukuumadda M/weyne Axmed Silanyo ee talada haysaa way ku qasbantahay oo Distoorka Qaranka ayaa ku sandullaynaya inay hormuud iyo horseedba ka noqoto wixii danaha ummadda u adeegaya taasoo lagala xisaabtamayo. Waxa kale oo uu Distoorka Qaranku si cad u qeexayaa in hoggaan kasta oo talada dalka hayaa uu ka leexdo tallaabo kasta oo wiiqaysa ama dhaawac u geysanaysa jiritaanka iyo madax-bannaanida JSL. Qdarka EEBBE ka sokow, waa Shacabka Jam. Somaliland kuwa iyagu leh awoodda aaya-ka-tashi, masiirka iyo mustaqbalka ummaddani meesha ay ku dambaynayaan.

 

Sida aynu la wada soconno, Jam. Somaliland waxay muddo 22 sano ku dhaw raadco dheer ugu jirtay sidii ay bulsho weynta caalamka uga mid noqon lahayd ugana heli lahayd ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Dawladnimada iyo madaxbannaanida Jam. Somaliland waxay taam iyo mid dhamaystiranba noqon kartaa oo keliya markay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.

Qaranka Jam. Somaliland wuxuu dhammaanba buuxiyey astaamaha shuruudda u ah dal xaq u leh inuu helo aqoonsi diblomaasiyeed oo buuxa, shuruudahaa oo ah: Dal, Dad, Xuduud, Calan, Dastuur, Lacag, Ciidan, Golayaasha Sharci dejinta iyo Garsoor dhex-dhexaad ah, Madaxweyne doorasho shacab ku yimid, Saxafad Xor ah, Hay’adaha Xuquuqul Insaanka,..

 

Dhinaca kale, shacabka Karaamada leh ee JSL iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaamanyihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay ku wada noolaadaan nabad-gelyo iyo xasilooni. Waxay hirgeliyeen, u hoggaansameen oo ay ku dhaqmeen nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan.

 

Haddaba, qadiyadda maanta taagan ee ummadda Jam. Somaliland hortaallaa waxa weeye: Waan Jirayaa, iyo Jiri maysid!!.  Waxaynu ka wada dheregsannahay in dalkeenna lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba ah. Dadka ku nool dalka Soomaaliya, muddo 22 sano ah ayey waxba ku heshiin waayeen oo ay wax walba isku khilaafsan yihiin. Waxa jirta hal arrin oo dadka ku nool dalka Soomaaliya ay dhammaantoodba ka siman yihiin amaba ay isku raacsan yihiin. Taasoo ah: In aanay Jam. Somaliland ka go’in dalkii ay ka mid ahaan jirtay oo aanay noqonin Qaran Madax-bannaan oo bulshada caalamku aqoonsan tahay!

 

Waxaan aaminsanahay in dareenka waddaninimo iyo dal-jacaylkuba aanay ahayn wax la iska dhigi karo ama wax la barto ee ay yihiin dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka ku abuuran. Waxa kale oo aan aaminsanahay dhex-dhexaadnimada Saxaafadda iyo Cabbiraadda Fikirka Xorta ahba. Laakiinse waxay ila tahay inaanad xor ahayn marka uu dalkaagu ku jiro xaalad adag oo lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba leh, taasoo lagaga soo horjeedo jiritaankiisa iyo madax-bannaanidiisa. Haddii aad tahay muwaadin ku qanacsan Ahaan-shihiisa Ummadnimo oo Aaminsan Xornimada iyo Gooni-isutagga JSL, xaaladahan oo kale waad garan kartaa wixii uu dalkaagu waajib iyo dawba kuugu leeyahay iyo wixii kula gudboonba. Ka qayb qaado difaaca iyo jiritaanka dalkaaga af, addin, odhaah iyo adduunba!!

 

Waxaan maqaalkan ku soo af-meerayaa tixo ka mid ah Maansadii Abwaan Hadraawi ee “SIRTA NOLOSHA” ee uu Abwaanku si adag wax inoogu sheegay inaguna hoga-tusaaleynayey, isagoo ina leh:

 

Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane!!

Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.

 

Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.

 

ALLAH ayaa Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

 

| By: Architectural-Eng.  Hussein Adan Igeh | |Hussein Deyr| |UK |