Waxa Aynu Galney Laba Imtixaan oo Gaagaaban. Bal An is Qiimeynu Natiijada an Keeney.
Posted by xaaji on January 31 2013 11:37:56

Asbuuc ka hor ayay dawladda mareykanku ku dhwaaqdey iney aqoonsatey dawladda Soomaaliya. Dhawr maalmood ka horna dawladda ingiriisku ayaa kula talisey muwaadiniinteedu iney ka baxaan Soomaaliland sababo amni darro awgeed.


Extended News

Asbuuc ka hor ayay dawladda mareykanku ku dhwaaqdey iney aqoonsatey dawladda Soomaaliya. Dhawr maalmood ka horna dawladda ingiriisku ayaa kula talisey muwaadiniinteedu iney ka baxaan Soomaaliland sababo amni darro awgeed.

 Labadan arrimood waxa ay dhaliyeen doodo aad u badan oo la isku weydaarsado warbaahinta iyo meelaha sida tooska loogu kulmo. Dad badan waxa gashey cabsi ah iney wax qaldanyihiin. Halka dadka qaarkiina ay ka muujiyeen cadho badan oo ay u arkaan in Soomaaliland loola dhaqmey si aan caddaalad aheyn oo la daadifeeynayo. Dadka qaarkii waxa ay ku micneeyeen in labadan arrin gaar ahaan tan danbe ee ka soo yeedhey dawladda Ingiriisku iney ahayd ku xumeyn ee aaney ku fadhiyin xaqiiq dhab ah oo nabad gelyada ku saabsan.

 Mucaaridku waxa ay labadan arrimood u isticmaaleen fursad ay si xoog ah ugu dhaliilaan dawaladda iyaga oo ku eedeynaya in siyaasadii arrimaha dibaddu ay gaabis tahay. Dadweynaha guudna werwer ayay ku abuurtey oo dadka qaarkiina waxa gashey cabsi ah amaa wixii yaraa ee ad 22 sanadood soo dhiseyseen khatar ku jiraa.

 Taasi waxa ay keentay in umaddii ay eegto xagga dawladda oo ay miciin mooddo. Sideedaba marka arrin dhacdo, waxa uugu muhiimsani waa in kalsoonida la soo celiyaa umadana la tusaa in taladu gacan aamina ku jirto oo ay is dejiyaan, xitaa haddii aanu arrinku sidaa aheyn. Dawladdii xageeda la eegayeyna si ayaa wax uuga yara qasmeen oo sidii la rabey iyo aftahanimaddii la rabey wax uumey sheegin. Taasina waxa ay keentey in arrinkii la sii buun buuniyo oo laga dhigo wax ka weyn waxii uu marka hore ahaaba. Waxaanuu markii danbena u muuqdey sidii wax la galey xaalad murugsan.

 Qadiyadda Soomaaliland gaar ahaan siyaasadeda ku waajahan Soomaaliya iyo arrimaha dibedda waxa uu qaloocu ugu weyni galey 1996, wixii taariikhdaa ka danbeeyeyna anigu waxa an rumeysnaa iminkana an si cad u arkaa ineynaa dhinicii saxda ahaa u socon. Qaladkaasina maaha wax dawladan manta joogta u gaar ah ee waa wax inaga soo qaldamey oo siyaasigeenii dalka hogaankiisa lagu aaminey aanu isku deyin inu saxo, amabase ay aqoon darro badani ka hayso. Tan ku dheeraan maayo ee an u noqdo mawduucii an doonayey inan ka hadlo.

 Horta ictiraafka dawladda Mareykanku ictiraaftey dawladda cusub ee Soomaalilya waa arrin labadaa dawladdood ka wada dhaxeysa. Sideeba ictiraafka dawlad la ictiraafayaa waxa uu ka kooban yahay laba tallaabo. (1) in dawlad loo ogolado iney ka mid noqota Jimciyadda quyruumaha ka dhaxeysa iyo (2) in dawladdaasi ay xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato dawladaha kale . Dawaladda Soomaaliya weligeeba wey ka tirsaneyd jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa oo calankeeda marna lagama dejin amrna. Markii Madaxweyne Abdiqasim lagu soo doortay Carta, waxa uu tegey golaha loo dhanyahay ee jimcviyadda quruumaha ka dhexeysa oo uu khudbad ka jeediyey. Sidoo kale Abdillahi yusuf, sidoo kale Sheikh Shariif. Waxan uuga socdaa, dawladda Soomaaliya waa dawlad weligeedba Jimciyadda quruumuhu aqoonsaneyd ee maaha wax manta la aqoonsadey.

 Ka sakow Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, dawlad kasta waxa ay xidhiidh la sameysataa dawladaha kale ee aduunka jira. Xidhiidhkaasina waa hadba labadaa dawladood sida ay uugu heshiiyaan. Waxa jira dawlado ka tirsan jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa, balse haddana aan ictiraaf ka haysan dawladaha qaarkood. Masalan Dawladda Mareykanku ma ictiraafsana dawladda Kuuba (Cupa), Kuubana ma ictiraafsana Mareykanka. Labadooda ayay ka dhexeysaa. Kuuba waa dawlad ka tirsan jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa oo dunida laga ictiraafsanyahay. Sidoo kale dawladda Mareykanku ma ictiraafsana dawladda Iran, balse Iran waa dawlad jirta. Israa’iil waxa ay xubin ka tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa balse dawaladaha carbta badankoodu ma ictiraafsana. Waxa kaloo jira dawlado aa ka tirsaneyn Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa balse ay ictiraafsanyihiin dawlado kale oo waxa ka mida Falastiin iyo Taiwan.

 Isku soo duub, Dawaladda Soomaliya markasta wey ka tirsaneyd Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa  oo halkaa ictiraaf uugama baahna, balse waxa ka maqani waxa weeye iney soo celiso xidhiidhkii ay dawladaha la laheyd taasina waxa ay ku xidhantahay dawlad kasta iyo akhtiyaarkeed.

 Su’aashu waxa weeye, saameyn intee leeg ayay Soomaaliland ku leedahay. Arrinta saameynta ku yeelatey Soomaaliland waa ku dhawaaqista Mareykanku ku dhawaaqey ictiraafka dawladda Soomaaliya iyo warbaahinta oo si mug leh uuga hadashey, mucaaridkii oo u isticmaaley dagaal siyaasadeed iyo dawladii oo agnaan noqotay oo waxba sharxi garan weydey, iyo dadweynihii oo ku dhaga barjoobey oo kalsoonidoodii la gilgiley.

 Balse arrinta dhabta ah ee an isdiidsiineyno haddeynu nahay dawlad, shicib iyo mucaaridba waa dawladda Soomaaliya distoorkeeda waxa ku qoran iney tahay dawladda rasmiga ah mid koonfur ilaa Lawyacaddo. Marka aynu wada hadleynana wajigaa ayey meesha ku soo fadhiisaneysaa ee maaha dawlad koonfurta ka wakiil ah. Siyaasi oo dhami uu ogyahay oo kama qarsoona, mucaarid iyo muxaafidba, balse qofna ma doonayo inu dadka si waafi ah uugu sheego.

 Dhawaaqa dawladda Ingiriiska ee ah in muwaadiniintoodu ka baxaan Soomaaliland kama duwana dhawaaqyada maalin kasta ingiriiska iyo dawladaha la  midka ihi ay ka sameeyaan wadamo badan oo kale. Wey dhici kartaa iney siyaasadi ku jirto arrintan. Balse waxay ku haboontahay in la ogaado. Dawaladaha reer galbeedku hadaladan iyo qaar la mida ayay u jeediyaan dadkooda jooga wadamo sida Ciraaq, Pakistan, Afganistan, Yemen, iyo qaar kaleba, dalkeenuna kama duwana kuwaas. Dhawr bilood ka hor dawladda Mareykanku waxa ay muwaadiniinteeda uuga digtay inay u safraan Kenya sababo amni darro awgeed. Hada waa Kenya oo ah dawladaha uugu horreeya Afrika. Marka xagga hagaagsan laga eego, dawladahani waxa ay marar badan ogyihiin waxyaabo aynaan ogeyn. Waxa habooneyd in dawladdeenu ay arrinkaa uuga jawaabto si kalsooni ku jirto oo ah, inu arrinkani yahay wax dawladda ingiriiska u gaar iyadana laga sugayaa iney faahfaahin ka bixiso.

 Labadan arrimood ee Mareykanka iyo Ingiriisku ku dhawaaqeen waa arrimo aad u yaryar marka loo eego dagaalka siyaasadeed ee inoo dhiman. Waxa dhici karta iney inaga horyimaadaan qaar kuwan ka waaweyn oo u baahan in caqli iyo aqoon lagaga hortago. Labadan arrimood waxa inoo ahaayeen imtixaan yaryar oo tijaabo ah, natiijadda iiga soo baxdey waxay u muuqataa ineynaan sidii la rabey uuga soo bixin, balse cashr ayay inoo noqon kartaa aynu uuga diyaar garowno haddiba ay ina soo maraan waxan wax la mida mustaqbalka.

 Anigu ma qabo inay dawladdu wax tallaabo ah ka qaado arrintan iminka illaa iyo inta arrimuhu kala degayaan. Waayo haddii kale waxay u muuqaneysaa firka nax iyo baqasho. Balse waxa haboon in dib loo fadhiisto la xisaabtamo, la isweydiiyo casharka an ka baranney iyo sidii looga hor tegi lahaa waxyaalo kuwan la midi haddii ay mustaqbalka inaga hor yimaadaan.  Marka ay arimaha noocani yimaadaan ma fiicna in la siyaasadeeyo oo dawladda lagu giijiyo ee waxa haboon an la muujiyo mawqif mideysan bal inta dabeyluhu kala degayaan.