WAR DEG DEGA: Dhul-Gariir Ku Dhuftay Galabta Magalaada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.
Posted by xaaji on May 23 2011 01:10:32

Boorame(Hargeysa Online)Dhul gariir aan qiyaastiisa la garaneyn ayaa  ku dhuftay Magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame abaaro 5:35 PM ee Galabnimo.


Extended News

Boorame(Hargeysa Online)Dhul gariir aan qiyaastiisa la garaneyn ayaa  ku dhuftay Magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame abaaro 5:35 PM ee Galabnimo, kaas oo laga wada dareemay Magaalada oodhan isla markaana khalkhal ku abuurtay shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

 

Hadaba, Si aanu wax uga ogaano khasaaraha u geystay dhul gariirkani ayaa wariye Cabdifataax waxa uu la xidhiidhay xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boorame, taas oo loo xaqiijiyey inay jiraan khasaare uu geystay dhul-gariirku, balse aan la garan baaxada khasaaruhu leeg yahay.

 Si kastaba ha ahaate, Waxa muddooyinkii ugu danbeeyey Magaalada Boorame wax caadi ah ka noqday dhul-gariirada ka dhaca, taas oo dadka  Boorame ku dhaqan ay la qabsadeen.