Wacyi Galinta Shacbka Somaliland Kaad Ahayd Ahawv Yaan Lagu Doorsan.
Posted by xaaji on February 24 2013 13:06:25

Marka Labaad waxaan Maanta qalinka U qaatay Inaan Bilaabo Barnaamijkan Oo La Magac baxay Wacyi Galinta Shacbka Somaliland Oo Ah Q1aad Waxaana Igu kalifay markii aan arkay mudooyinkan dambe shacabkii Reer Somaliland.


Extended News

Marka Hore Waxaan Salaamya Saxaafda Dhexdhexaada Ah Iyo Shacabka Sharafta Leh Ee Reer Somaliland Gudha Iyo Dibadaba Waslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaatu, Bacda Salaanta Islaamka,
 
 
Marka Labaad waxaan Maanta qalinka U qaatay Inaan Bilaabo Barnaamijkan Oo La Magac baxay Wacyi Galinta Shacbka Somaliland Oo Ah Q1aad Waxaana Igu kalifay markii aan arkay mudooyinkan dambe shacabkii Reer Somaliland ee ahaa murayada layska dhex daawado laguna daydo iyagii oo aad moodo inay milmayaan ama nin aan hore u sheegay oo layidhaa MR MADHANE HUNGURI uu awrkiisa ku kacsanaayo kaas oo aan dan Iyo muraad kala hayn Jiritaanka Somaliland ee loo soo huray naf iyo maal Ninkaasi Magac iyo maamuus midna madhawro Sharafna way kala Tageen kii ayaa raba inuu kala jabiyo Shacabka Xalaasha ah isagoo ku soo gabanaaya waxyaabo Raqiisa Iskana Dhigaaya inuu Yahay Wadani,
 
Tusaale waxaad arkaysaa oo kuu  cadaynaaya waxyaabaha aan dareemay waxaad arkaysaa bulshada qaar kamida gaar ahaan qurbaha aanu joogno oo ka hadlaay Ra,Iisal Wasaaraha Somaliya Ayaa Is Casilaaya Oo Waxa Lagu Talo Galay Bisha Shanaad Shirka Ka Dhacaaya London In La Siiyo Somaliland Waxa Kale Oo Ina Qabsaday Dhawaan Markanka Ayaa Somaliya Ictiraafay Maxaa Kaa Galay,Miyaanay liidnimo ahayn miyaanay sharaftaada Turxaan ku ahayn, Maxaa Kaa Quseeya Somaliya waxaad tahay Somaliland Waxa Ku Ictiraafay Wadajirkaaga Wanaagaaga Iyo Wax Qabsigaaga, Uma Baahnid Maraykan Iyo Talyaani Toona Waxaad U Baahanatay Inaad Xoojiso Alxamdulilaahi Rabil Calamiin Ilaahayna Waa Ku Sii Siyaadinya Maansha Allahu,
 
Hadaba waxaan Leeyahay Bulshada Reer Somaliland Waxa Soo Kala Dhex Galay Mad Madaw Cadho Ka Timi Doorshadii Golayaasha Deegaanka Taasna Hada waa laga soo Gudbay  
 
Waxaadse Kala Saartaan Qaranimada Wadaniyada Magacaaga Iyo Mabdaaaga Waxaad Ahayd Dal Iyo Dad Lagu Bartay Hal Adayg Iyo Dhaqan Wanaagsan Waxaad ahayd Dalkii Ugu Horeeyay ee Shanta Somaliya Calan Qaatay 26-06-1960 Hadana Waxaad Dawlad Ahay La soo Noqoshadiin Somaliland Modo Kbadan 22 Years Waxaad Maalintii Burco 18-May 1991 Aad Samaystay Golah Guurtidad Reer Somliyana Maanta Ayay Ku Baraarugeen Inay Samaystaa oo Ay wali Wadaan san saankii Waxaad Tahay Dawlad Iyo Bulsho Lagu daydo Oo Mabda Iyo Ujeedo Leh,Hadab Hanoqonin Kuwii Uu Dhirbaaxo Jin Yidhi Ilaahay Ha U Naxariistee (MABDA NIMAAN LAHAYN IYO LABARAY MAXAY LASHEEGAA)Waxaan Ku Joojinaya Maant  Kaad Ahayd Ahaw 
 
Walaalaheena Reer Somaliyana Ilaahay Xaqa Ha Garansiiyo Muradadoona Haw Sahalo Ha Noolaadaan Aamiin 
 
Somaliland Guuuuuuuuuuuuuuuuuul Iyo Gobanimo Ilaahay Horumarka Iyo Hanaaka wanaagsan Haw Sii Siyaadiyo Dalka Iyo Dakaba Aamiin Aamiin Aamiin  Allaahu Maa Cisal Islaamu wal Muslimiin Wabilaahin Tawfiiq Waxaan Leeyahay Markale( Kaad Ahayd Ahaw)
 
 
By Sidiiq Sh Farah Gabaar
Gaashaan_1986@hotmail.com