Muuse biixi cabdi oo dhabada saaray jidkii uu adhaxda kaga jabayay.
Posted by xaaji on March 02 2013 15:19:52

cabdi casiis maxamed samaale iyo muuse biixi cabdi iyo ku loolamida hogaanka xisbiga kulmiye waxay tilmaamaysa geedi socodka dimoqraadiyadeed ee ka jira somaliland.


Extended News
cabdi casiis maxamed samaale iyo muuse biixi cabdi iyo ku loolamida hogaanka xisbiga kulmiye waxay tilmaamaysa geedi socodka dimoqraadiyadeed ee ka jira somaliland  taasina waxa guul lataabankaro utahay madaxweyne siiraanyo  ookaga dhabeeyey inuu xisbiga kulmiye lagu tartamo cidii hogaaminlahayd mustaqbalka si loo xaqiijiyo himilooyinkii xisbiga  xisbiga kulmiye oo u baahan waji cusub iyo dhiig cusub oo lagu shubo xisbiga  lana doorto hogaan cusub oo aan dalka iyo dadka  midna gudob kulahayn muuse biixina wuxuu aamin sanyahay in wali jabhadnimdii la joogo  waana la dhaafay wakhtigii qorigu shaqayn jiray dalku maanta uma baahna  baala xufto iyo macangagnimo waxa loo baahan yahay inaad dadkaaga dhinac ka raacdo waxakale oonad maanta ugu gulasanayn hogaaminta xisbiga kulmiye afxumadadii hor ee aad tidhi anigoo wax dilikar duco qaadan maayee  kuwaad shalay sidaa kulahayd maantana inaad tidhaahdo madaxwaynenimo ha ii doortaan waa kuu ayaan daro  waxaanad maraysaa maanta marxaladii ina cabdi qaadir  soomalidu waxay ku maah maahdaa ninkii qayrkii looxirayoow soo qoyso adiguna taasina waxay markhati katahay sidaa aan xisbiga kulmiye aanad golihiisa dhexe aanad kalsooni ugu dhex lahayn markaad is ogaatay heerka lagaa taaganyahay inaad  miciin moodo  aflagaado cay waakuugu ayaan daro wakhtigaagina  wuu dhamaaday  gudoomiye nimada kulmiyena cod laguugumadooran  ee  hadii aad is hubto tartan saaxiib  hadiikale aayar  gurigaaga iska joog  ilaa qaaxo taariikhdaada waalahayaa  cabdi casiis samaalena isma gaadhikartaan dalka iyo dadkaa ogo waana shaqsiyaadka fara kutiriskaa ee ka fayow dambiile nimo eex qabyaalad iyo dagaal sokeeye wuxuuna bulshada dhexdeeda ka midanyahay sharaf iyo tixgalin  iyada oo dalka looga qadariyo si aan muuse biixi loo qadarin hadab a muuse biixiyow somaliland waxba kuumayaalane  tolkaana  kuma ogola oo wadiihore uga gobobgalay ayaad hadaba ka sugaysaa inay kudoortaan caaqilaadaadii aad isku jufada ahaydeena kuma ogola suaashu waxay tahay hadaad hogaanka xisbiga kulmiye kuguulaysan waydo miyaad  dagaalami jawaabt waxay tahay maanta dadku maaha dadkii hore wax loo gashanjirey ee lagu beer laxawsnjiray qabyaalada  iyo danaha gaarka ah  dadku way bislaadeen cidmaanta aad adeegsankaraysaana ma jirto hadaad awa odhanjirtay hargaysa ayaan deegaan u ahay hargeysii waa lawadaleeyahay waxaanay ka dhaxaysaa somaliland inta ayka koobantay
hadaba  hadi lagaa helo hambalyee oo iskadaa caadadan xun iyo laila tartamimaayo xilku waa meerto daahir rayaale cod ayaa lagu badalay adna aamin nasiibkaa iyo warqada codbixinta ilayn golaha dhexe ee xisbiga kulmiye kuma doorane madaxwayne siilaanyo ayuunbaa kugu wareejiye madaxnimadana xaga rabi ayaa la bixiyaa kuwa kula tartamayaana  rag adookale ah ee cayda iyo af xumada iska daa saaxiib afxuni nabadna wuu fogeeyaa colaadna wax kamataro allaah mahadleh 

Maxamed Cabdilaahi  Qombor