Wasaaradda Ciyaaraha oo isku shaandhayn iyo Xil ka qaadis samaysay.
Posted by xaaji on March 09 2013 13:52:38

Hargeysa (Hargeysa Online)Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mustafe Maxamed Qodax, ayaa maroorsaday awoodii Wasiirka Wasaaradaasi, waxaanu isku shaandhayn ku sameeyay agaasime waaxeedyada Wasaarada qaarkood.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo dalxiiska Somaliland Mustafe Maxamed Qodax, ayaa maroorsaday awoodii Wasiirka Wasaaradaasi, waxaanu isku shaandhayn ku sameeyay agaasime waaxeedyada Wasaarada qaarkood, waxaanu shaqada ka joojiyey xoghayaal dhowr ah.

Agaasimaha guud ee Wasaarada dhainyarada iyo dalxiiska Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray khamiistii doraad, waxa uu shaqada kaga eryay, khasnajigii Wasaaradaasi, isaga oo Magacaabay masuul cusub, halka uu laba xoghaynood oo cusubna u kala Magacaabay Wasiirka iyo xafiiskiisa.
Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada oo sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inuu Magacaabay agaasime waaxeedka waaxda dhalinyarada iyo xidhiidhka Madaxtooyada, ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan “Si loo dardar galiyo shaqada Wasaarada DHC&D, gaar ahaan addeegyada ay qabtaan shaqaalaha xarunta ee Wasaaradu waxa lagama maarmaan noqotay in tallaabadan la qaado, iyadoo ay mar walba tahay sunnaha shaqada iyo shaqaalaha la isku bedalo, qaar xilal loo Magacaabo, qaar kalena xilalkii ay hayeen laga qaado, haddaba aniga oo ahmiyad siinaya horusocodka Wasaarada isla-markaana tixgalinaya arimahaas aan kor ku soo sheegay markaan kala tashaday cidda lagama maarmaanka u ah in lagala tashado hawshan waxaan soo saaray qoraalka aan ku kala badalayo shaqaalaha, qaarna xilalkii ay hayeen lagaga qaadayo, halka qaar kalena xilal loo Magacaabay, laga bilaabo taariikhda ku cad warqada waxa loo Magacaabay/badalay – Caasha Axmed Xasab inay ahaato xoghaynta Wasiirka, Asma Jaamac Kaahin inay ahaato xoghaynta Agaasimaha guud, Ayaan Cabdiqaadir Muuse inay ahaato xoghaynta agaasimaha waaxda dhalinyarada iy xidhiidhka Madaxtooyada, Nuura Cumar Xasan inay ahaato qaybta Genderka, Saamiyaha Cabdi Colhaye inay ahaato madaxa aarkiifiyada, waxa xilkii khasnajiga laga qaaday Khadiija Cumar Maxamed, iyaddoo loo Magacaabay Foosiya Cali Aaden, waxa cid walba lagu adkaynayaa inay sida ugu dhakhsaha badan ula wareegto hawsheeda”

HargeysaOnline.Net