Tog wajaale oo la,ildaran sixirbarar ay sameeyeen sariflayaasha dollarka.
Posted by xaaji on March 12 2013 10:30:42

Magaalada tog wajaale oo kutaal goob  staratiijiya ah islamarkaana ah xarunta ugubalaadhan ee ganacsi iyada oo kulmisa qoomiyado kala duwan oo u ganacsiyimaada  hadaba waxa jira in todobaadkii u danbeeyey.


Extended News

Magaalada tog wajaale oo kutaal goob  staratiijiya ah islamarkaana ah xarunta ugubalaadhan ee ganacsi iyada oo kulmisa qoomiyado kala duwan oo u ganacsiyimaada  hadaba waxa jira in todobaadkii u danbeeyey ay magaaladu la ciir ciirayso sixirbara baahsan oo ay sababtay lacagaha qalaad oo isku badalkoodu kor u kacay taasi oo ay keentay in sariflayaasha dollarka ka ganacsada hawada ku shareereen doollarkii  qaar kamid ah

ganacsatada degmada togwajaale oo aanu kawaraysanay ayaa waxay nooxaqiijiyeen in sarifkii doolarku kor ukacay islamarkaana ay saamaynku keentay ganacsigoodii  hadaba waxa si faah faahsan nooga warbixiyey ganacsato kala duwan oo uu kamidyahay     ganacsade

carab cumar ducaale kasii oosheegay in qiimihi sarifka dollarka maraykanku marba marka kasii danbaysa ay sii qaliyaynayaan sariflayaasha  dollarka kanacsada  tasina uu sheegay in ganacsigii magaalada dhibato ku hayso waxakale oo isaguna kahadlay ganacsade

maxamed xasan (malow) mr malow oosheegay in dadkii u safar imanayey magaalada tog wajaale  halkii ay maalintii hore kaga tageen qiimaha  maceeshada ay malinta danbe ugu imanayaan  qiimihii oo kor usii kacay taasina ay sababto in dadkii  safarka ahaa magaalada ay waxba ka iibsan waayaan sixirbarar dartii waxa kale oo hakaa kahadlay ganacsade
 
cabdilaahi boosaaso oo sheegay in xukuumada somaliland ay kagabisay waajibaadkeedii loo igmaday hadaba arinta isway diinta mudani waxay tahay maxay xukuumada somaliland iga soo gaadhi wayday umada reer tog wajaale nimankan  arxanlaawayaasha  ah ee maalinba sida ay doonaan kadhiganaya sarifka  ee aan eegayn dhibaatada ay abuurayaan waxa kali ah ee ay ka fikirayaaqn ay tahay danahooda gaarkaa iyaga oo doonaya sidii ay u helilahaayeen macaash aad u farabadan maalin walba hadaba waxa loobaahanyahay kooxdan budhcad sarifeedkaa in umada laga qabto ee bulshada kootada ku xidhay hadii arintani sii socoto waxa meesha kabixidoona nolol maalmeedka qoysas aad tiro badan oo aan waxba iibsankarayn hadaba hadii aanu nahay gacsatada degmada tog wajaale waxaanu ka codsanaynaa xukuumada somaaliland  inay umada ka qabato kooxdan yar ee dhibaatada ku haysa ganacsigii magaalada  islamarkaana bulshada kudhacaya sarika               

 
Sacad maxamuud obsiiye

Tog wajaale News office