wasiirka maaliyada oo isuduwe soo magacaabay gobolka gabiley xilkana ka qaaday maamulihii kastamka.
Posted by xaaji on March 25 2013 09:06:01

wasiirka wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis maxamed samaale ayaa maanta  isku shaandhayn ku sameeyey saqaalaha.


Extended News
wasiirka wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis maxamed samaale ayaa maanta  isku shaandhayn ku sameeyey saqaalaha ka hawlgala waaxaha kaladuwan ee wasaarada maaliyada wasiirka oo soo  usoo magacaabay  cumar xasan caalin maamulihii hore ee kastamka kalabaydh inuu noqdo isuduwaha wasaarada maaliyada ee gobolka gabiley iyada oo xilkiina laga qaaday maamulihii kastamka degmada tog wajaale maxamed xaaji mahdi IRAN  laguna soo badalay nin kasoo jeeda gobolka maroodijeex  wasiirka maaliyada oo hore  ucadeeyey mowqofkiisa inuu isku soo sharaxayo gudoomiyanimada xisbiga kulmiye ee talada haya waxkale oo wasiirku kafaa iidaysanayaa inuu xilal cusub usoo  magacaabo beelaha aan wasaaradiisa kadhex muuqan beesha cumar aadan oo hore cabasho uugu gudbisay inaanay  wax xil ah wasaaradiisa ka hayn balse wasiiku si deg deg ah uuga soo jawaabay soona magacabay cumar xasan caalin iyada oo uu wasiirku ka faa iidaysanayo si aanu jaanis uugu helin dhigiisa loolanka  kulajina hanashada  beelaha sacad muuse  arintani oo kusoo beeganta y shir uu dhawaan u qabtay gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi beelaha sacad muuse martiqaadna usameeyey arintan isu shaandhaynta ah  ayaa wasiirka ku diirigalisay inuu soo dhaweeyo beelaha aan mansabka kahayn wasaaradiisa taasina waxa dhabar jab siyaasadeed ku  keenaysaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyado  baryahandabe ayjirto isku habarwacasho iloolan siyaasadeed oo dhemaraya muuse iyo samaale iyo midwaliba midka kale rabo siddu uga guulaysan lahaa hadaba iswaydiintu waxaytahay cabdi casiis  maxamed samaale  wuxuu beelihii kaladuwana kuysoo jiidanayaa inn usoo magacaabo mansayo uu kusoo jiito  balse muuse biixi  muxuu kusoo jiidankaraa?
Maxamed Cabdilaahi Qombor
Tog Wajaalle News Office