Himilo Toosan, Horumar Muuqda iyo Hiigsi Dhab ah! (Qaybtii 1-aad)
Posted by xaaji on April 08 2013 11:52:14

Asaaskii iyo ku dhawaaqii gooni-isutaagga Jam. Somaliland  iyo markii ay qaranimadeedii beri hore luntay la soo noqotay (18 May 1991), waxa uu ku soo beegmay xilli ay Dunidu gashay marxalad iyo weji taariikheed cusub.


Extended News

 

1.     Dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa iyo ku Dhawaaqii Gooni-isutaagga JSL 

 

Haddii aynu si kooban dib u yara milicsanno asaaskii iyo ku dhawaaqii gooni-isutaagga Jam. Somaliland  iyo markii ay qaranimadeedii beri hore luntay la soo noqotay (18 May 1991), waxa uu ku soo beegmay xilli ay Dunidu gashay marxalad iyo weji taariikheed cusub, kaasoo la kowsaday duruufihiisa iyo saamayntiisa gaarka ah ee uu guud ahaanba dunida oo dhan ku lahaa, gaar ahaana saamayntii dhaqaale iyo nabadgelyo ee ay marxaladdan cusubi ku yeelatay dalalkii lagu magacaabi jiray wadammada Dunida Saddexaad. Xilligaa isaga ah waxa uu diwaanka taariikhda caalamka ugu suntanyahay ama lagu tilmaansadaaba: Dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa.

Gaashaanbuurtii reer galbeedka ee NATO, iyaga oo aan adeegsan quwad iyo weerar milatari ama aan ku xad-gudbin xuduudo caalami ah iyo xeerarka UN-ta u dhigan, ayaa  waxay xagga dhaqaalaha, fikirka, horumarka teknoolojiyada iyo propagandada ku muquuniyeen kagana adkaadeen gaashaanbuurtii reer bariga ee Warsaw. Markii ay Labadii Quwadood ee waaweynaa ee dunida ku loollami jiray ay kala adkaadeen, dalalkii la odhan jiray Dunida Saddexaad (Africa, Latine Amerika, Bariga dhexe iyo qaaradda Asia) ee labadan quwadood ay kasbashadooda iyo soo kala jiidashadooda loollanka adag ee joogtada ah ugu jiri-jireen; meel cidlo ah ayay ku dhaceen aarintuna waxay noqotay loo kala tag xabaal-iyo-nikeedii.

 

Haddaba laga bilaabo dhammaadkii sannadihii 1990-aadkii, waxay dunidu gashay xilli cusub oo kala guur ah kaasoo watay duruufihiisa iyo waayihiisa u gaarka ah.

Sidaasi ayuu Yagleelkii Qarannimada Jam. Somaliland  kula kowsaday xilli ay kala adkaadeen labadii quwadood ee talada dunida ku loollami jiaray (NATO iyo Warsaw ) oo midkood meesha ka baxay, talada iyo amar-ku-taaglaynta dunidana waxa keli ku noqday oo u soo hadhay Maraykanka iyo xulufadiisa. Dabadeed waxaa bilaabmay amar-ku-taaglayn iyo in la isku awood sheegto, weerar iyo dagaal bilaa ujeeddo ah oo lagu qaado laguna bur-buriyo waddamo dhisnaa oo iyagu isku filnaa, i raac oo yeel sidaan rabo anigaa awoodda lehe haddii kale waad iga soo horjeeddaa...

 

Dhinaca kale, kaalmadii iyo wixii ay dhaqaale reer-galbeedku siin jireen Dunida Saddexaad waxaa loo leexiyey dalalkii ka mid ahaan jiray quwaddii Warsaw ee laga adkaaday. Si aanay uga abuurmin qalalaase iyo kacdoonno lagaga soo horjeedo gaashaanbuurtii reer-galbeedka ee guulaysatay, waxa la isla gartay in maal, muruq iyo maskaxba loo huro sidii waddamadii ka mid ahaan jiray gaashaan-buurta Warsaw looga dhisi lahaa xagga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo dimoqraadiyadda.

 

Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa kaddib, iyada Qaaradda Afrika waaba la iska illoobay oo cidi dan wey ka geli weyday. Afriki waxay lumisay muhimaddii dhaqaale iyo tii is-taraatijiyadeed ee ay beri lahaan jirtay. Dabadeed waxaa Afrika ka bilaabmay dagaallo sokeeye iyo qalalaase aan xad lahayn, cid ehel u noqota oo kala dhex-gashana may helin. Sidaasi ayuu ku dhawaaqii gooni-isu-taagga Jam. Somaliland  ugu soo beegmay xilli ay Dunidu gashay marxalad iyo weji taariikheed cusub. Su’aasha in la is weydiiyo u baahani waxay tahay: Saamayn intee le’eg ayuu dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ku lahaa aqoonsiga iyo ictiraafka Jam. Somaliland  ee muddo dhaafay?

 

2.     Xil-qabashadii Xukuumadda iyo dhacdooyinkii Dunida ee ay la kowsatay

 

Guushii Xisbiga KULMIYE ee doorashadii 26-kii Juun 2010 kaddib; markii ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo talada dalka la wareegtay waxay ku soo beegantay oo ay la kowsatay xilli ay Dunida oo dhan hadheeyeen xaalado iyo dhacdooyin muhiim ahaa kuwaasoo bulshada caalamka oo dhan ku lahaa saamayn baaxad leh oo xagga Dhaqaalaha iyo Nabad-gelyadaba ah.

 

1) Guud ahaanba waxa Dunida ka dhacay hoos-u-dhac dhaqaale oo baaxad leh oo aan dunida ka dhicin muddo ku dhaw 70 sano, kaasoo bulshada caalamka oo dhan ku yeeshay saamayn weyn oo dhinacyo badan leh. Waddamada reer-galbeedka ee dunida dhan walba hoggaanka u hayey waxa ka dhacay arrimo lama filaan ahaa: waxa kacay Bangiyo iyo Shirkado waaweyn oo magac lahaa, waxa korodhay shaqo la’aantii, waxa yaraaday is-aaminkii u dhexeeyey dawladaha, shirkadaha iyo shicibkaba. Waxa yaraaday maal-gashigii iyo kobocii dhaqaale. Waddamo qani ahaan jiray ayaa qarka u saarmay inay gebi ahaanba kacaan, waxana lagama maarmaan noqotay in baaho iyo qaadhaan lagu bed-baadiyo. Waddamadii reer-galbeedka ee dhaqaalaha dunida sida ay doonaan ka yeeli jiray ayaa waxa naxdin iyo filanwaa ku noqday in tar-tan lala galo oo ay samaysmaan quwado kale oo muhiim ah oo dhaqaalaha iyo nabad-gelyada dunidaba saamyntooda ku leh, .....

 

2) Dhacdada kale ee muhiimka ah ee ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo la kowsatay waxa weeye xilli ay dhammaanba Dunida Carabta ka bilaabmeen kacdoonno iyo kacaanno isbedel-doon ah. Shucuubta iyo Dalalka carabta oo badanaaba warbaahinta iyo indheer-garadka reer-galbeedku ay ku tilmaansan jireen Caqli Gudhan, Dhaqan Goblan ah iyo Ilbaxnimo Wahsatay  ayaa waxa mar keliya si aan ku talagal ahayn uga bilaabmay kacdoonno shicib oo baaxad leh oo isbeddel-doon ah, lagagana soo horjeedo Keligood-Teliyeyaashii dalalka carabta ka telin jiray ee muddada dheer dulmiga iyo xaq-darrada ku hayey dadkooda iyagoo u adeegi jiray dano cid kale.

 

Ummadda carabta ayaa waxay shirrabeen awoodda uu shicibku leeyahay, dabadeedna waxay ogaadeen in mustaqbalka iyo aaya-ka-tashigoodu uu gacantooda ku jiro. Waxa si isdabajoog ah hal-hal u daatay Keligood-Teliyeyaashii Carabta ee arxanka darnaa (inkasta oo ay weli qaar sii joogaan), taasoo wax weyn ka bedeshay danihii iyo qorsheyaashii xagga siyaasadda, dhaqaalaha, nabad-gelyada iyo is-taraatijiyadda Bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee ay lahaayeen waddamada reer-galbeedku.

 

Sida ay ku doodayaan dadka iyagu u dhuun daloola siyaasadda caalamka, hoos-u-dhaca dhaqaalaha ee dunida oo dhan saameeyey, kacdoonnada isbeddel-doonka ee dunida carabta iyo soo if-baxa quwado dhaqaale oo aan reer-galbeed ahayni waxay dib u soo nooleeyeen rajadii iyo muhimaddii ay lahaayeen dalalkii Dunida Saddexaad, kuwaasoo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa kaddib la iska illoobay!

 

3.         Xukuumadda  Ahmed Silaanyo waxay la timid Siyaasad Furfuran oo Ku Dhac leh

 

Xukuumadda  M/w Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la wareegtay waxaa horyaallay hawlo iyo carqalado badan oo ay ka dhaxashay xukuumaddii talada wareejisay. Si uu uga midho dhaliyo himilada iyo hiigsiga xukuumadda cusub, waxa uu Madaxweynuhu hawlaha Qaranka iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadiisaba uu u igmaday dadkii uu is lahaa way ku habboon yihiin, kuwaasoo uu ku xushay aqoonta iyo khibraddii loo baahnaa ee ay dalka iyo dadkaba ugu adeegi lahaayeen.

 

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo iyadoo ogsoon kana duulaysa in dawladnimada iyo madaxbannaanida Jam. Somaliland ay taam iyo mid dhamaystiranba noqon karto keliya markay Somaliland beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa, waxa M/weynuhu yaqiinsaday inay daruuri tahay in la dardargeliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsi raadiska Jam. Somaliland. Haddaba, ka dib markii uu M/weynaha Jam. Somaliland tixgaliyay baahida Qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado xidhiidhka ay Jam. Somaliland la leedahay bulshada caalamka, waxa uu dib u qiimayn ku sameeyey qaab dhismeedka Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Qaranka Jam. Somaliland xukuumaddiisa ka hor kula dhaqmi jiray bulshada caalamka.

 

M/weyne Ahmed Silaanyo waxa uu arkay inay daruuri iyo la gama maarmanba tahay in Xukuumaddiisu la timaado qorshe iyo weji siyaasadeed oo cusub oo ka duwan kuwii hore u jiray. Si uu Qaranka Somaliland ula jaan-qaado isbeddellada deg-degga ah ee ka dhacaya dunida iyo gobolka geeska Afrika (xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabad-gelyada) kuwaasoo hadda ay adagtahay in laga sii saadaaliyo, waxa uu go’aansaday in la dejiyo Qorshe Qaran oo ku wajahan Siyaasadda Arr. Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kaasoo hagaya si cadna uga tarjumaya baahiyaha Qaranka Somaliland ee xidhiidhka beesha caalamka.

 

(La soco Qaybta 2-aad)

 

By:  Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|