Qoys Soomaali ah oo ku nool Dalka Mareykanka oo soo wajahday cabsi iyo wel wel.
Posted by xaaji on April 08 2013 12:18:49

Qoys Soomaaleed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen gaarigiisa.


Extended News

Qoys Soomaaleed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel fara badan ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen gaarigiisa oo ayna jajabiyeen kooxaha cunsuriyaasha ee dalkaas Mareykanka.

Qoyskaan Soomaalida oo ku nool magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku waabariisteen baabuurkooda oo muraayadaha laga jajabiyey islamarkaana dhulka la dhigay labad muraayadooda ee baabuurkooda, Sidoo kale ayaa waxaa loo saarey muraayda hore ee baabuurka warqada ay ay ku qoran tahay fariin la xariirta erayo nacayb iyo cunsurinimo ah arintaas oo wel wel iyo walaac ku beertay qoyskaas, Odeyga lahaa baabuurkaas la waxyeeleeyay oo lagu magacaabo Cabadirisaaq Cali Shire ayaa sheegay inuu ku waabaraiistay baabuurkiisa oo labada muraayadooda laga jabiyey asagoona ku daboolay daaqadahaas caag ama balaastig

Daawo Muuqaal Ahaan oo baabuurkooda muraayadaha laga jajabiyey

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta qoyskaan Soomaaliyeed ku qabsatay magaaladaas ay tahay mid soo noq noqtey oo marar oo hore ay badan dad Soomaaliyeed ay la kulmeen arimo la xiriiro cunsurinimo ayaa sarkaal u hadlay booliiska magaaladaas oo lagu magacaabo Brian Winters waxaa uu sheegay in markasta oo baabuurka la jabasado oo wax lagaa xado ay tahay wax aan wanaagsaneyn laakiin markii dhib loogu geysto baabuurkaaga waxa aad tahay oo aad asal ahaan ka soo jeedo ay tahay mid xanuun badan dhibka loo geystay qoyskaasi ay ka daran tahay warqada fariinta ah ee cunsurinimada ah asagoona sheegay inay baari doonaan iyadoona aysan hada jirin cid falkaas loo qabtey ama lagu thunsan yahay laakiin qoyskaas Soomaalid ayaa waxay shaki ka qabaan nin kale oo Soomaali ah oo ay dhibaato kal dhaxaysay mar hore, Milkiilaha baabuurkaas la waxyeeleeyay ayaa sheegay inuusan haysan lacag uu ku sameysto baabuurkiisa