Waxa soo socda, oo aan wad aheyn, waa La sii garan karaa. Ma garan kartaa Somaliland halka ay joogi doontana 2015?
Posted by xaaji on April 11 2013 11:21:31

Cinwaanka maqaalkeyga mid u eeg ayaan laba bilood ka hor soo daabacey aniga oo ka hadlaya meesha ay u badantahay in Soomaaliland joogi doonto sanadka 2015.


Extended News

Cinwaanka maqaalkeyga mid u eeg ayaan laba bilood ka hor soo daabacey aniga oo ka hadlaya meesha ay u badantahay in Soomaaliland joogi doonto sanadka 2015. Laba nin oo ii soo qorey emailo ayaa midna igu yidhi “waar ma saaxir baad tahay, maxaad ku ogaatey waxa dhici doona 2015” halka midka kalena igu yidhi “waar istaa furleyso, qeybka waxba kama ogide”. Markaan dhowr email is weydaarsannney labadii ninba wey ku qanceen hadalkeygii waaney i raali geliyeen, in kastoo midkood uu weli igu diidanaa qeyb ka mid aheyd hadalkeyga.

Roobka berry di’i doona dadbaa sii sheega. Asbuuca soo socdana sida ay hawadu noqon doonto qaar kale ayaa sheega. Qaar waxa ay sii sheegaan cadceedu maalinta ay madoobaaneyso 10 sanadood dabadeed iyo saacadda ay madoobaaneyso iyo daqiiqadda ay madoobaaneyso. Dadkani midkoodna faaliye maaha, saaxirna maaha, dad gaalo ahna ma wada aha ee muslin badan ayaa ku jira.

Dad qaarkood waxa ay sii sheegaan goorta ay dawladi dhaceyso oo waa la sii sheegay inta bilood ee Gaddafi lagu ridayo. Waxa lagu sii sheegey mey aheyn faal iyo sixir toona, maney aheyn male ee aqoon kale oo waxa soo socda lagu sheego ayaa jira. Saddam Hussein oo ku doodayey in haddii dagaal dhaco inu Israa’iil iyo iyo Yurub baabi’in doono oo ay dawlado badani ka sii gaashaanteen, ayaa haddana dadkii cilmiga u lahaa dagaalku yidhaahdeen nasiib ayuu leeyahay haddii 90 maalmood uu dagaalamo. In intaa ka yar ayaa lagu jiidhay oo dawladiisii lagu riday.

Maxay tahay waxa wax lagu sii ogaan karo? Waa cilmi sahlan oo Ilaahey addoomihiisa barey. Qofka haya macluumaadkii muhiimka ah ee laga sii ogaan lahaa arrinta markaa laga hadlayo, si dhib yar ayuu ku ogaan karaa. Qaddaafi waxa la sii ogaa hubka uu heysto ciidankiisu inta ay yihiin, tababarka ay leeyihiin, halka ay kala joogaan, inta diyaaradood ee uu kicin karo hadduu dagaal dhaco, mid walba orodkeedu inta uu yahay IWM. Waxa loo diyaariyey awoodahaa uu leeyahay oo dhan mid walba tii lagu beegayey ee baabi’in laheyd. Waxa la sameystey qalabkii lagu ogaan lahaa inta kiiloomitir ee dhulka iyo dayaxa iyo cadceedu isku jiraan iyo mid walbaa xawaaraha ay ku socoto oo markaa laga soo saari karo sanadka, iyo maalinta iyo daqiiqadda ay cadceedu madoobaaneyso ama dayuxu madoobaanayo. Cimigan oo dhan, waa wax Ilaahey umaddiisa barey ee maaha sixir iyo farl tooona. Arrintu waxa ay ku dhibeysaa marka aanad heyn macluumaad badan oo kuu sahala inad jawaabta hesho.

Bal hadda haddii ad inuun xisaabta algebrada soo dhigatey, tan ka shaqee:

Haddii lagu yidhaa:

 

X + Y = 10

 

X waxa ay ka taagantahay wax aanad aqoon, Y iyana waxa ay ka taagantahay wax kale oonad oqoon. Wey kugu adagtahay inad hesho jawaab waafi ah oo ad u turjumi karto mid ad ku hawl gasho. Wax aanad oqoon qiimihiisa oo loo geeyay wax kale oo aanad iyana oqoon qiimihiisa ayaa isku noqdey 10. Waa laga yaabaa inaad maleyso oo tidhaa tolow wax hore een la aqoonini ma 4 baa takalena markaa waxa ay noqoneysaa 6.

Bal ka soo qaad in labaddii qiime ee aan la aqoon in midkood laguu sheego waxa uu yahay oo masalan lagu yidhaa X = 3. Jawaabtu waa sahal oo Y iyana waxa ay noqoneysaa 7, oo waxa ad ku soo saareysaa wax aan la oqoon oo loo geeyey 3 ayaa isku noqdey 10. Waxad markaa isweydiineysaa muxuu yahay waxa marka saddex lagu daro noqonaya 10 ku, dee waa 7 ba.

Dad ayaa u heysta in siyaasaddu tahay wax waxan ka duwan oo malaasan oo aan sahal aheyn. Siyaasigana waxa an u heysanaa qof maskax iyo mu’aamaraad yaqaan oo wax kala deberaya oo aftahan ah. Intaasiba waa suuro gal marka laga hadlayo arrimaha bulshada iyo daakhiliga, balse,  waxaana ay macno sameynayaan marka ama doorasho lagu jiro ama dad iyo taageerayaal la abaabulayo. Balse marka laga hadlayo siyaasad arrimo dibadeed, waxa ay u baahantahay xisaab kale oo cilmi iyo odoros u baahan. Waa arrin u baahan inad awood u leedahay inad arki karto sawirka weyn ee arrintaasi ku gedaaman oo aanad ku mashquulin arimaha yaryar ee tafaariiqda ah ee maalin laha ah.

Markan araartaa intaa kaga hadho, akhristow, waxa ad ka shaqeysaa labadan xisaabood. Waxa ad soo saarataa qiimaha uu xaraf kastaa leeyahay ee isku darkoodu ay kuu soo saareyso jawaabta labadan natiijo ee kala duwan.

 

A  +  B  +  C  = Somaliya iyo Somaliland oo ah laba dawladood oo kala madax banaaan.

 

X  +  Y  +  Z  = Somaliya iyo Somaliland oo isku hal dawlad ah, magaca ad doonto ku sheegoo

 

Midna ku darso. Labadan xisaabood midna khayaali maaha ee waxa jira dad maanta kaaga shaqeynaya oo soo saaraya jawaabta, kuuna kala sheegi kara.

Bal horta adigu isku day, inta aan jawaabtaa laguu sheegin!!!!