Siyaasad ku Dhac iyo Dhiiranaanba leh ayaa u Adeegi karta Danaha iyo Maslaxadaha ay leedahay Jam. Somaliland.
Posted by xaaji on April 12 2013 21:35:01

Muddo ka badan 20 sano ayey Jam. Somaliland gebi ahaanba ka gaabsatay inay ka dhex muuqato sayladaha lagu dillaalo arrimaha iyo qadiyadda dalka Soomaaliya iyo dadka ku nool.


Extended News

 

Muddo ka badan 20 sano ayey Jam. Somaliland gebi ahaanba ka gaabsatay inay ka dhex muuqato sayladaha lagu dillaalo arrimaha iyo qadiyadda dalka Soomaaliya iyo dadka ku nool. Shicib, Xukuumad iyo Goleyaal Sharci-dejinba waa laga midaysnaa in  Jam. Somaliland aanay sinaba ugu dhex milmin arrimaha ka socda dalkii la odhan jiray Soomaaliya waxaana ka yaallay Qodob distooriya oo arrintan xakamaynayey. Waqtiga iyo waayihii markaa jiray ayaa khasbayey in sidaa la yeelo waxaanan aaminsanahay inay ahayd talo iyo tallaabo aad u muhiim ah oo Rabbi ina waafajiyey, dalka iyo dadkana ka bedbaadisay carqalado iyo faro-gelin shisheeye oo khatar ku ahaan lahaa wada-jirka ummadda iyo jiritaanka qarannimada Jam. Somaliland.

 

Jam. Somaliland waa dal curdin ah oo ku yaalla Gobol ay Xasaraduhu ku badan yihiin oo aan laga sii saadaalin karin xaaladdiisa nabad-gelyo iyo ta siyaasadeedba, isla markaana ay ku gedaaman yihiin colaado iyo khataro joogto ah. Jam. Somaliland waxay si xad-dhaaf ah u buuxisay shuruud kasta oo ku xidhan inuu dal aqoonsi ka helo dunida, balse nasiib darro waqti dheer ayey beesha caalamku dalkan iyo dadkan indhaha ka qarsadeen. Himilada iyo hiigsiga ummadda Jam. Somaliland, intay doonto ha qaadatee weli waa halkeedii, waxayna dedaal iyo raadco dheerba ugu jiraan sidii loo heli lahaa aqoonsi iyo ictiraaf caalami ah iyo sidii ay Jam. Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka iyo quruumaha ku midoobay xorriyadda.

 

Haddaba, go’aan kasta oo ay ummadi qaadato waxaa saldhig u ah waayaha, wacyiga iyo marxaladda siyaasadeed ee xilligaa taagan. Haddii aynu isweydiino Somaliland ma sii wadi kartaa ku adkaysiga go’aanka ah inaan Xamar lala hadal?? Arrintani ma u adeegaysaa danaha iyo maslaxadaha Qaranka Jam. Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah?? Inaan Xamar lala hadal wakhti iyo xaalad u gaar ah ayey lahayd, balse ku sii dhegennaanta arrintaasi uma muuqato inay wakhtigan xaadarka ah u adeegayso danaha iyo masaalixaadka Qaranka Jam. Somaliland. Waxa lagama maarmaan ah in lala yimaado Siyaasad ku Dhac,  Dhiiranaan iyo Hadafba leh  oo la jaan-qaadi karta isbeddellada xawliga ku socda ee dunida ka dhacaya, isla markaana  u adeegi karta Danaha iyo Maslaxadaha ay Jam. Somaliland ka leedahay dunida.

 

 

2. Dano Joogto ahi markay jiraan, waxa jiraya Xidhiidh Joogto ah!

 

Xidhiidhka Diblomaasiyadda ama ka Iskaashi ee dalalka dunida u dhexeeyaa ma aha mid mar walba meel iska sii yaalla oo si weyn la iskugu hallayn karo ama aan weligii isbedelayn. Wakhtigan xaadirka ah dunidu waxay gashay xilli ay adagtahay in laga sii saadaaliyo qaabka ay u socdaan isbedellada siyaasadeed ee caalamka ka socda. Xidhiidhka dalalka dunida u dhexeeyaa waxa hadda weji kale u yeelay dhacdooyin waaweyn oo muhiim ah oo dunida ku cusub sida: hoos-u-dhaca dhaqaalaha ee dunida oo dhan saameeyey, kacdoonnada isbeddel-doonka ee dunida carabta oo dhan ka bilowday iyo soo if-baxa quwado cusub oo dhaqaale (BRICS economic block) oo tartan la galay quwadihii dhaqaalaha dunida hoggaanka u hayn jiray ee Reer-Galbeedka.

 

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed iyo ka Iskaashi ee dunida u dhexeeyaa waxa haga ama uu ku salaysanyahay fikirka odhanaya: “Marka ay jiraan Dano Joogto ah, waxa iyana jiraya Saaxiibtinnimo Joogto ah.” Taasi oo macnaheedu yahay marka ay jiraan Dano Joogto ah oo Dhaqaale, Siyaasadeed, Difaac iyo Nabaedgelyo; waxaa hubaal ah inay jirayaan Saaxiibtinnimo Joogto ah iyo is-qadarin si danahaa guud ee dalalkaa u dhexeeya loo ilaaliyo.

Sideedaba siyaasadda waqtigan casriga ah waxaa lagama maarmaan ah inaanad marnaba ka maqnaan meel magacaagu yaallo, ama lagu gorfaynayo arrimo si toos ah iyo si dadbanba saamayn ugu yeelan kara danaha iyo maslaxadaha dalkaaga. Ardayga fasalka ugu xariifsani haddii uu maalinta imtixaanka ka soo daahiri waayo, inuu ma-gudbe noqonayo wuu ogyahay! Cid mar walba ku ducaysata inaad ka maqnaato, haddii aad u rumayso wax kasta oo uu goobtaa kaga hadlo waa u meel mar!! Cidda aad is-haysaan miiska ay fadhiyaan adna waa inaad dhinaca kale ka soo fadhiisataa oo idinkoo siman aad sheegataa wixii aad gar iyo dawba u leedahay.

 

3. Soomaaliya waa inaynu la hadalno goob kasta iyo goor kastaba!  

 

Bulshada caalamkana in badan oo ka mid ah ayaa weli isku qalada Jam. Somaliland iyo Soomaaliya, una haysta weli inay Jam. Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna illaa hadda jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray.

 

Haddii aynu nahay Jam. Somaliland, dalka Soomaaliya waxa ina dhexyaalla wax aynu ka wada hadli karno balse aan iyaga haba yaraatee muhiim u ahayn, taasoo ah Qadiyadda Gooni Isu-taagga Jam. Somaliland. Haddaba haddii aynu inagu qadiyaddeena bulshada caalamka ka iibin weyno oo meel walba u mari weyno, ma waxaynu filaynaa in dad aan jiritaankaagaba ogolayni ay fagaarayaasha caalamka inooga hadli doonaan, ama ay wanaagba inaga sheegi doonaan, oo ay odhanna doonaan reer Somaliland baa maqane xaqooda ha loo dhigo?! Xaaasha!!! Ha u fadhiyin taa!!

 

Dalka Soomaaliya iyo dadka ku nooliba, muddo 22 sano ah ayey waxba ku heshiin waayeen oo ay wax walba isku khilaafsan yihiin. Balse waxa jirta hal arrin oo dadka Soomaalida ah iyo hoggaamiyeyaashoodu ay dhammaantoodba ka siman yihiin amaba ay isku raacsan yihiin. Taasoo ah: In aanay Jam. Somaliland ka go’in oo aanay noqonin Qaran Madax-bannaan oo bulshada caalamku aqoonsan tahay! Waxayna dedaal weyn ugu jiraan wax kasta oo aqoonsiga Jam. Somaliland lagaga hortagi karo ama lagu carqaladayn karo. Ummadda Somalilnader-ka ah waxa waajib ku ah inay arrintan si fiican u ogaadaan indhahana ku hayaan.

 

Guntii iyo gebo-gebadii, ummad ahaan waxa  waajib inagu ah inaynu si buuxda u taagerno oo aynu garab istaagno tallaabo kasta oo ay qaado Xukuumadda talada dalka haysaa oo lagu baadi goobayo ictiraafka iyo gooni isu-taagga Qaranka Somaliland, iyadoo aanu marnaba gor-gortan geli karin madaxbannaanida Qaranka Jam. Somaliland, lagana duulayo shuruucda iyo xeerarka ku qoran Distoorka Qaranka Jam. Somaliland. Weynu ku qasbanahay inaynu Soomaaliya la hadalno goob kasta iyo goor kastaba! Waayo innagaa dan leh!! 

 

By: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|