Somaliland Mawqif Dabacsan ayay kaga Qeybgeleysaa Shirarka Soomaaliya.
Posted by xaaji on April 14 2013 10:51:46

Haddii laba qof isqabsato, ama laba dal is dilaan amaba laba beelood xurgifi dhex marto oo mid kastaa ay xisaab iyada u gaar ah isku akhrido oo ay takale ka sheeganeyso


Extended News
Haddii laba qof isqabsato, ama laba dal is dilaan amaba laba beelood xurgifi dhex marto oo mid kastaa ay xisaab iyada u gaar ah isku akhrido oo ay takale ka sheeganeyso. Haddaba haddii labadii dhan ee is heystey ogolaadaan in la dhexdhexaadiyo oo cid kale soo dhex gasho, ama dawlado kale ha noqdeen ama guurti u gar qaadeysa ha noqotee. Waxa muhiim ah in labada dhan ee la dhexdhexaadinayaa ay ogsoonaadaan:
1. Waxa ay u badantahay inaan midkoodna helin wixii uu wada sheeganayey oo dhan. Laga yaabee in dhinac ka badsado dhinaca kale, balse marnaba ma dhacdo in dhinac wada helo 100% wixii uu ku doodayey. Taasi waa cadceeda oo galbeed ka soo baxda. Xattaa haddii dhinac garta uu helo, haddana wixii uu wada doonayey ma wada helo.

2. Talabaad kol haddii qof ama dal aqbalo dhexdhexaadinta wey ku adkaaneysaa inu diido wixii ka soo baxa oo gar diid ayuu u eekaanayaa. Sidaa darted waxa muhiim ah in dhinac kastaa uu si fiican uuga sii shaqeeyo oo uu usii lafa guro arrimaha ka hor iman doona, waxa ay dhici karto in lagala horyimaado iyo wixii ay kaga hortagi lahaayeen haddii ay saluugaan.

Bal haddaba, haddii mawqifka ad wada hadalka la tagteyba uu yahay mawqifkii aanad ka kaceyn, dee waad qaldantay. Waxay ayeyd inad sameysato laba mawqif oo kala ah:
1. Mawqifka ad ku doodeyso ee ad gartaba la timid iyo;

2. Haddiiba ay dhacdo in ad weydo hadafkaagaa hore, mawqifka kama danbeysta kuu ah ee aanad ka kaceyn.

Balka soo qaad haddii marka horeba ad istaagto mawqifkaagii kama danbeysta kuu ahaa ee aanad ka kaceyn. Khatarbaad ku jirtaa oo ah ama waa laga soo kicin oo cadaadis ayaa ku fuuli ama wixii la soo jeediyaba waad diidi oo canaad mooyee qof aan gar qaadaneyn ayaad u eekaan. Haddii mawqifka ad taagantahay yahay kaagii kama danbeysta ahaa, dee waxa ay aheyd inaadan dadka wax dhexdhexaadinaya daalin oo aanad ogolaan dhexdhexaadin. Qofna ma ogolaado dhexdhexaadin hadii mawqifkiisu yahay tayda mooyee wax kale I mari mayaan. Kolse haddii ad ogolaatey dhexdhexaadin, waxa ad ogolaadin gorgortan, waxa ad si dadban u oglaatey inad wax ka tegi karto.

Gooni isu taaga Somaaliland wuxu ahaa arrin loo arkey in lagaga nabad galo dhibaato reer soomaaliland lagu hayey 30 sanadood oo loo arkey in haddii la isku sii jiro in dhibkaasi sii soconayo. Balse, Somaliland waxa ay ka tabaneyso ee ay kala hadleyso Somaliya uu ka weynyahay gooni isu tag. Waxa ay tahay in laga wada hadlaa waa  xisaab cad oo ah laba dawladood oo si siman oo aan la isku qasbin iskugu biiray oo midkeed iyada oo huwan magacii dawladda tii kale kula kacdey takoor xasuuq, dhac dil oo khasaarahaasi maanta lagu qiimeeyey 100 Bilyan oo Doolar, oo ay dheertahay gardaro lagu galey magac dawladnimo huwan. Arrinku ma taagna miyeynu kala go’naa iyo miyeynu isku jirnaa. Taasi waxa aynu ka wada hadli oo aynu meel isla dhigi marka aynu marka hore isla meel dhigno wixii dhacey iyo mas’uuliyadooda iyo in Somaliya ay aqbasho mas’uuliyaddaas. Goonti isu taagga iyo wax ma wada qabsan karnaa waa meel soke, horta iga gar bax. Haddii aynaan islaba meel dhigin dhibkii 30 sanadood dhacey, waxa hubaal ah ineynaan isla meel dhigi Karin waxa an wada yeeleyno mustaqbalka.

Mawqifka ay Somaliland hadda taagantahay waa albaabkeedii oo la isku heysto oo aaney sameysan daarad haddii badh laga soo kiciyo ay weli haysato meel ay ka baxdo. Dinaca Somaliya siyaasadoodu wey caddahay, dhiniicii international-ka waxyaabo badan ayay ka soo dhameysteen shirka iminka socdana xataa haddii aan laga hadleyn gooni isu taaga, waxa uu dan u yahay Somaliya. Arrimaha laga wada hadlayaa waa qaar u wada dan ah Somaliya maadama ay yihiin arrimo si dhib yar loogu heshiin karo. Kol haddii laga wada hadlayo ganacsiga hala isku furo, nebedgelyada hala iska kaashado, isku socodka hala fududeeyo oo ay u badantahay in la isla afgarto, maxaa markaa hadhey? illeyn Soomaliya ictiraafkii caalamiga ah oo ay somaaliland tahay gobolo ka tirsan wey heystaaye. Kol haddii taa caalamiga ah ay heysato inta ka dhimanna ay aheyd inahan yaryar ee iminka laga wada hadlayo, muxuu yahay miisaanka kuu hadhey ee ad ku gorgortami kartaa?

Anigu waxa an qabaa in meel cad la isla dhigo wixii dhacey iyo mas’uuliyadeda o aan wakhti badan lagu lumin waxan kale. Haddii taa meel la dhigi waayo oo ay noqon weydo dooda uugu weyn ee ay Somaliland la tegeyso shirarka, maba garan karo difaac kale oo u hadhey oo ay ku difaacdo gooni isku taagga.
 
 
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com