Golaha Wakiiladda oo Aafada Sicirka Sarrifka isaga riixay Baanka iyo Maaliyadda.
Posted by xaaji on April 17 2013 14:28:42

Hargeysa(Hargeysa Online)kulan sadex geesood ah oo ay shalay xarunta Golaha Wakiiladda ku yeesheen Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddida Dhaqaalaha ayaa waxa ka soo baxay go’aan ay Guddida dhaqaaluhu xalka Sicirka Sarrifka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)kulan sadex geesood ah oo ay shalay xarunta Golaha Wakiiladda ku yeesheen Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddida Dhaqaalaha ayaa waxa ka soo baxay go’aan ay Guddida dhaqaaluhu xalka Sicirka Sarrifka lacagaha isaga riixeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe.

Xildhibaan Maxamed X Maxamud Cumar Xaashi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha oo Saxaafadda la hadlay kulankaasi kadi ayaa sheegay in ay Guddi ahaan ku taliyeen xalka Sicirka inay Maaliyadda iyo Baanku iska kaashadaan wixii dan loo moodana Guddi ahaan ay kala shaqeeyaan.

“kulanka aanu yeelanay anaga, Baanka iyo Maaliyadda waxa ka soo baxay go’aan ah in horta Maaliyadda iyo Baanku arrintaas isla meel dhigaan oo wixii ay ka maarmi waayaan naga talo galiyaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Dahaqaaluhu.

Waxa uu sii raaciyay isagoo sharaxaad ka bixinaya arrinta ay ka hadlayeen “ Sarriffku wuxuu noqday arrin dhibaato leh, Lacagteenii ma isticmaalo oo Dollar baynu wax kasta ku salaynaa waxay gaadhay marka aad dadkeena Dollar wax ku weydiiso in ay dusha ayay kaaga sheegayaan markaad Somaliland-ta qiimaheeda ku weydiisana Kal kulaytar bay kuu eegayaan” ayuu raaciyay

“Sharciyan lacagteenu waa Soamliland maaha Dollar inay siday tahay ugu dhaqano weeyi haddii aynu doonayn o inay qiimo yeelato.” Ayuu yidhi isagoo ku daray “Waxaanu Ganacsatada iyo shicibkaba ku boorinaynaa inay lacagteena saaraan ahmiyadda si Sicir bararku inooga yaraado oo aynu lacagteena Qiimo ugu yeelno” ayuu yidhi

HargeysaOnline.Net