“Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”- M-weyne Ahmed M.M. Silaanyo (Qaybtii 1aad iyo 2 aad.
Posted by xaaji on April 26 2013 12:38:50

Mudane, Anigoo si weyn kaaga mahad-celinaya qaabilaadda iyo soo dhaweynta sharafta leh ee aad igu soo dhawaysay ; anigoo codsigaaga siinaya qadarinta iyo ixtiraamka uu iga mudanyahay, haddana wax kasta oo magaca iyo karaamada Ummaddayda Jam. Somaliland  waa Muqadas aan gor-gortan lahayn ee iga raalli ahaw”.


Extended News

1. Mudane MAYA, Qarannimada Jam. Somaliland waa Muqadas!

 

Mudane, Anigoo si weyn kaaga mahad-celinaya qaabilaadda iyo soo dhaweynta sharafta leh ee aad igu soo dhawaysay xaafiiskaagan magaca iyo taariikhda weynba dunida ku leh; anigoo codsigaaga siinaya qadarinta iyo ixtiraamka uu iga mudanyahay, haddana wax kasta oo magaca iyo karaamada Ummaddayda wax yeelaya, ama aan u adeegayn danaha iyo maslaxadda Ummadayda, waxaan leeyahay MAYA, Qarannimada Jam. Somaliland  waa Muqadas aan gor-gortan lahayn ee iga raalli ahaw”. 

Hadalkani wuxuu ahaa hadalkii Taariikhiga ahaa ee uu Madaxweynaha Jam.Somaliland, Mudana Ahmed M.M. Silaanyo ugu jawaabay codsigii Ra’iisal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Mr. David Cameron, ee uu M/w Ahmed Silaanyo kaga codsanayey in Jam.Somaliland ka soo qayb gasho Shirka 7-da May 2013 lagu qabanayo London si loo caawiyo dalka Soomaaliya, shirkaa oo M/weynaha Soomaaliyana wax ka guddoominayo.

 

Maalitu waa Arbaca 17-kii April 2013, Guushii Abu Dhabay iyo Gar-naqsigii taariikhiga ahaa ee Ankara kaddib; M/weyne Ahmed Silaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa booqasho taariikhi ah, kulan taariikhi ah oo ka dhacay guri taariikhi ah (Num. 10 Downing Street),iyo maalin taariikhi ah ku tagay dalka Ingiriiska. Waxay ahayd booqasho taariikhi ah taasoo ahayd kulankii ugu horreeyey taariikhda ee Madaxweyne ka socda Jam.Somaliland uu la yeesho Ra’isal Wasaare xukuma Boqortooyada Ingiriiska! Waxay ahayd dhacdo taariikh ku leh dalka Ingiriiska oo ahayd aaskii iyo baroor-diiqdii haweenaydii (Mrs . Margaret Thatcher) ugu horraysay (xagga dumarka) ee dalka Ingiriiska Ra’isal Wasaare ka noqota. Hadal taariikhi ah ayuu M/weyne Ahmed Silaanyo oo ah hoggaamiye dal aanay dunidu weli aqoonsanin ku yidhi Ra’isal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, kaddib markii uu ka codsaday in Somaliland ka soo qayb gasho Shirka 7-da May London lagu qabanayo ee looq abanayo dalka Soomaaliya. Waxayna ahayd go’aan qaadasho taariikhi ah!

 

2. Maalin uu haleelku yaraa; Nin la huri waayey mooyee!!

Maalitu waa Arbaca 17-kii April 2013, waxay ahayd maalin loo diyaar garoobayey qaban-qaabada iyo ka qayb galka Aas Qaran, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah iyo xurmoba ke ku leh Xisbiga iyo Xukuumadda hadda ka taliya dalka Ingiriiska. Waa maalin aaskeedii loo dareeray haweenay taariikh culus oo dhinacyo badan leh ku lahayd ummadda ku nool Boqortooyada Ingiriiska. Waa maalin gebi ahaanba hawl-maalmeedkii xukuumadda iyo Barlemaankaba la baajiyey, waa maalin la damiyey (joojiyey) saacadda caanka ah ee Big Ben. Qof kasta oo magac, maamuus iyo milgaba lihi Waxa uu ku dedaalayey inuu goob joog ahaado oo aan looga sheekayn madasha lagu qabanayey aaska iyo xuska qaran, kaasoo loo qoondeeyey kharash kor u dhaafay $16,000,000 (lix iyo toban milyan oo Dollar)

 

Maalintu waa Arbaca 17-kii April 2013, waa Aaskii-Qaran ee Ra’iisal Wasaarihii ugu caansanayd ee Boqortooyada Ingiriiska soo mara. Waa Aaskii Qaran ee Mrs . Margaret Thatcher. Waa maalin nooceeda oo kale ay carriga Ingiriiska ugu dambaysay muddo ku dhaw 50 sano ka hor, (oo ahayd 24 Jan. 1965 aaskii Qaran ee Ra’iisal Wasaarahii Ingiriiska ee caanka ahaa ee dagaalkii II-aad ee dunida Mr. Winston Churchill).  Waxaa ka soo qayb galay aaskeeda 170 dal oo dunida ah, oo 23 ka mid ahi ay Madaxweynayaal goob-joog ahaayeen, kuwaasoo dhammaantoodba marti-sharaf u ahaa Xukuumadda Ra’isal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Mr. David Cameron, oo isagu 12 jir ahaa markii ugu horreysey ee ay Mrs . Margaret Thatcher noqotay haweenaydii ugu horraysay ee noqota hoggaanka xukuumadda Boqortooyada Ingiriiska.

 

Maalintu waa Arbaca 17-kii April 2013, waa maalin uu haleelku aad u yaraa; Nin loo han-weyn yahay oo la huri waayey mooyee!! Halkaa waxaad ka garan kartaa sida uu Ra’iisal Wasaaraha Ingiriisku Mr. David Cameron mashquulka u ahaa iyo inta uu leekaa waqtiga uu heli karayey inuu ku qaabilo cid ama madax kale oo aan aaska ka soo qayb galayn balse iyagu dane kale u socda! Haddaba  Culayska iyo ahmiyadda la siiyey in maalinta culayskeedu noocaas ahaa lala kulmo oo la qaabilo waftigii ka socday Jam.Somaliland ee uu hoggaaminayey Mudana Ahmed M.M. Silaanyo, waa dhacdo taariikhi ah oo aan Qaranka JSL hore u soo marin. 

 

Dawladda Ingiriisku waa dal quwad leh oo ay JSL leeyihiin xidhiidh soo jireen ah, dalkeenana u fidisa kaalmo iyo gar-gaar laxaad leh, dalkeedana ay ku noolyihiin boqollaal kun oo British-Somalilanders ah. Codsiga maalinta noocaas ah ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron waa mid culayskiisa iyo ahmiyaddiisaba leh, muxuuse daarnaa? Maxaa kellifay in kulankani dhaco maalinta aynu culayskeeda soo sheegnay? Labada dhinac (GB iyo JSL) keebaa loo dabaal joogtaynayey oo la rabay in duurka loo diro? Ma la odhan karaa Ingiriisku wuxuu rabay inuu ogaado kalsooni intee le’eg ayay JSL isku qabtaa? Waa su’aalo mudan in la is weydiiyo, jawaabtooda waxaan u daynayaa akhristayaasha sharfta leh!

 

3. Gebagabo:

Sideedaba, Siyaasadda kama shaqayso wax-isu-garasho iyo xishood. Siyaasadda ergise iyo ammaano midnaba looma bixiyo! Siyaasaddu waa wax-kala-iibsi iyo gor-gortan xeeladaysan oo u baahan fiiro dheeri iyo feejignaan weyn oo aad kaga faa’idaysan karto fursadaha kula soo gudboonaada!  Ixtiraam, culays dheeraad ah iyo habrasho aad ku maamuusto qofka uu wada hadalku idinka dhexeeyo, dabadeedna aad il-duufto ujeedadii aad u socotay iyo danta ay ummaddaadu lahayd waa khaladaadka ugu waaweyn ee uu geli karo ninka siyaasiga ahi.

Arrintani waxay badanaaba ka dhacdaa wada hadallada iyo gor-gortanka dhex mara dawladaha hore u maray (reer galbeedku) iyo dawladaha dunida soo koraya (Afrika, Aisia, Carabta, iwm). Qaar badan oo ka mid ah madaxda Afrikaanka ayaa habrada, marka ay dalalkii iyaga gumaysan jiray ugu yeedhaan wada hadal-daneed, dabadeedna waxay il-duufaan dantii iyo maslaxadaha dadkii iyo dalkii ay matalayeen.

 

Bal adiguba qiyaas, haddii uu M/w Ahmed Silaanyo is odhan lahaa waxaad tahay Madaxweynihii Somaliland ugu horreeyey ee la kulma British Prime Minister, dabadeedna uu habran lahaa oo haye fudud ku odhan lahaa codsiga Mr. David Cameron!!! Taa bedalkeeda M/w Ahmed Silaanyo isagoo ku kalsoon waayo-aragnimadiisa iyo khibraddiisa siyaasadeed, isagoo ka duulaya hanka, hiigsiga iyo himilada ummaddiisa wuxuu si deggen ugu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska:  “Mudane MAYA.  Anigoo codsigaaga siinaya qadarinta iyo ixtiraamka uu iga mudanyahay, haddana wax kasta oo magaca iyo karaamada Ummaddayda wax yeelaya, ama aan u adeegayn danaha iyo maslaxadda Ummadayda, waxaan leeyahay MAYA, Qarannimada Jam. Somaliland  waa Muqadas aan gor-gortan lahayn ee iga raalli ahaw”.

 

Wuxuu ahaa Kulan Taariikhi ah, Waxay ahay d dhacdo Taariikhi ah, Waxaa la is yidhi Hadal taariikhi, Waxayna ahayd Go’aan qaadasho taariikhi ah!

 

(INSHA ALLAH, BI IDMILLAAH)

La Soco Qaybta II-aad: “Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”: 

 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland hesho.

 ---------------------------------------------------------------------------------------

.  Hordhac:

Sida aynu wada ognahay, muhimadda iyo baahida koowaad ee Qaranka Jam.Somaliland waa sugidda ammaanka, adkaynta nabad-gelyada shicibka iyo difaaca jiritaanka Qaranka. Baahida ama muhimadda labaadna waa raadinta iyo badi-goobka ictiraaf iyo aqoonsi ay JSL ka hesho beesha caalamka.

Dhinaca kale, waxaynu ka wada dheregsannahay in dawladnimada iyo madaxbannaanida Jam. Somaliland ay taam iyo mid dhamaystiranba noqon karto keliya markay Jam.Somaliland beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.

Ka midho dhalinta hanka iyo hiigsiga ummadda JSL, iyo in geed gaaban iyo ku dheerba loo fuulo ambaqaadka ictiraaf raadinta iyo qadiyadda JSL waa himilo ay aaminsan tahay Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa. Balse Xukuumad walba leh tabteed iyo xeesheed. Waxaa kala duwan qaabka iyo haannaanka ay Xukuumad walba u iib-geynayso qaddiyadda JSL iyo hilinka ay u marayso xidhiidhka bulshada caalamka,

 

Saddex sano ayey ku sii siqaysaa markii ay Xukuumadda KULMIYE talada Jam.Somaliland la wareegtay.  Xukuumadda M/w Ahmed Silaanyo waxaa horyaallay hawlo iyo carqalado badan oo kala duwan oo ay ka dhaxashay xukuumaddii talada wareejisay. La wareegii hoggaanka dalka waxaa ku gedaannaa duruufo cul-culus oo u baahnaa in si degenaan iyo ka fiirsashaba leh loo maareeyo. Filasho iyo yididiillo weyn ayay shicibku ka qabeen in Xukuumadda KULMIYE ay la iman doonto isbeddel muuqda oo dhinacyo badan leh.

 

Muhimmadda koowaad ee M/weyne Ahmed Silaanyo iyo xukuumaddiisu waxay ahayd kor u qaadista iyo kasbashada kalsoonidii shacabka Jam.Somaliland si ummadda JSL ay mar kale ugu kalsoonaadaan Dawladnimada, Caddaaladda iyo Dimuqraadiyaaddaba. Siyaasad arrimo-dibadeed oo hufan oo leh hadaf muuqda, kobcinta dhaqaalaha, wanaajinta adeegyada bulshada, dawlad wanaaga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, ….. arrimahan iyo kuwo kale ayaa lahaa mudnaanta koowaad sidii looga midho-dhalin lahaa.

 

Dhinaca kale, Xukuumadda  M/w Ahmed Silaanyo waxay si weyn uga dheregsanayd in isbeddelka dhabta ah ee ay ummadda Somaliland Xukuumadda cusub ka naawilayaan aanu ahayn: Xukuumad Cusub oo bedesha Xukuumaddii ka horraysay, Madaxweyne iyo Wasiirradiisa oo Xilka, Xafiiska, Guriga iyo Gaadiidkaba ka tirsada kuwii ka horreeyey, iwm!!

 

Isbeddelka dhabta ah ee ay ummaddu Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo uga fadhidaa (intii itaalkeeda iyo awoodeeda ah) waa hirgelinta iyo ka rumaynta hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shicib weynaha Jam.Somaliland (gudaha iyo dibeddaba) kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan, kana mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba. Isbeddelka dhabta ahi waa kii umadda geliya Rejo,Yididiilo iyo kalsooni, iyagoo ku kalsoon kuna qanacsan ahaanshaha-ummadnimadooda, kartidooda iyo awoodda shicibka.

 

2.  Ambaqaadka Weji Cusub oo Siyaasadeed:

Saddexdii Xukuumadood ee talada dalka uga horreeyey Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo, inkastoo ay mid weliba lahayd waayaheeda iyo duruufaheeda u gaarka ahaa kuwaasoo saamayn ku lahaa geeddi-socodka iyo taabbo-galka Siyaasadda Arr. Dibedda Jam. Somaliland, haddana waxay dhammaantoodba ka sinnaayeen dedaalka iyo baadigoobka ictiraaf raadinta, haba ku kala duwanaadeen qaabka iyo tubta ay u marayeen iib-geynta qadiyadda Jam. Somaliland iyo xidhiidhka ay la lahaayeen beesha caalamka.

 

Xukuumadihii talada dalka uga horreeyey Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxa jirtay hal arrin oo ay  dhammaantoodba ka midaysnaayeen, taasoo ahayd inaan Jam. Somaliland sinaba ugu dhex milmin arrimaha ka socday dalkii la odhan jiray Soomaaliya, maadaama uu Qodob Distoori ahi si cad u qeexayey in gebi ahaanba ay Jam. Somaliland ka gaabsato ka qayb-galka iyo ka dhex-muuqashada Sayladaha lagu Dillaalo arrimaha dalka Soomaaliya iyo dadka ku nool. 

 

M/weyn Ahmed Silaanyo markii ay xukuumaddiisu talada dalka la wareegatay, waxa uu arkay baahida Qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado xidhiidhka ay Jam. Somaliland la leedahay bulshada caalamka, taasoo uu yaqiinsaday inay daruuri iyo lagama maar-maanba tahay in la dardargeliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsi raadiska Jam. Somaliland. M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka beesha caalamka ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay  kula dhaqmi jireen bulshada caalamka.

 

Dib u qiimayntaa iyada ah waxa M/weynaha uga soo baxay oo uu arkay inay daruuri iyo lagama maarmaanba tahay in Xukuumaddiisu ay la timaado Qorshe iyo Weji Siyaasadeed oo cusub oo ka duwan kuwii hore u jiray. Si uu Qaranka Somaliland ula jaan-qaado isbeddellada deg-degga ah ee ka dhacaya dunida iyo gobolka geeska Afrika (xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabad-gelyada) kuwaasoo hadda ay adagtahay in laga sii saadaaliyo, waxa uu go’aansaday in la dejiyo Qorshe Qaran oo ku wajahan Siyaasadda Arr. Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kaasoo hagaya si cadna uga tarjumaya baahiyaha Qaranka Somaliland ee xidhiidhka iyo iskaashiga beesha caalamka.

 

M/weyne Silaanyo waxa uu go’aansaday inuu la yimaado Siyaasad cusub oo fur-furan oo ku dhac iyo ku dhiirashoba leh taasoo dalka iyo dakaba u horseedi karta wax kasta oo magac, mansab, maamuus iyo manfacba u leh. Sidoo kale waxa uu arkay sida ay lagama-maarmaan u tahay inuu la yimaado Siyaasad ay ka go’antahay inay ka dhiidhido wax kasta oo wax u dhimaya magaca, milgaha iyo meeqaamka dalka iyo dadkaba. Xukuumadda hadda talada haysaa waxay go’aansatay inay la timaado Siyaasad ku salaysan wada-shaqayn, iskaashi iyo wax-isdhaafsi. Siyaasad aan sugayn in keliya dunidu iyada fahanto oo ay iyada wax u tarto, balse siyaasad diyaar u ah inay iyaduna dunida wax ku soo kordhiso. Siyaad u dar-ban diyaarna u ah inay ka shaqayso xilka iyo waajibaadka ka saaran danaha ka dhexeeya mandaqadda iyo beesha caalamkaba dhan kasta oo ay yihiinba.

 

(INSHA ALLAH, BI IDMILLAAH); La Soco Qaybta III-aad:

 

“Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”: 

 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf muxu daP��aa kellifay in kulankani dhaco maalinta aynu culayskeeda soo sheegnay? Labada dhinac (GB iyo JSL) keebaa loo dabaal joogtaynayey oo la rabay in duurka loo diro? Ma la odhan karaa Ingiriisku wuxuu rabay inuu ogaado kalsooni intee le’eg ayay JSL isku qabtaa? Waa su’aalo mudan in la is weydiiyo, jawaabtooda waxaan u daynayaa akhristayaasha sharfta leh!

 

 

3. Gebagabo:

Sideedaba, Siyaasadda kama shaqayso wax-isu-garasho iyo xishood. Siyaasadda ergise iyo ammaano midnaba looma bixiyo! Siyaasaddu waa wax-kala-iibsi iyo gor-gortan xeeladaysan oo u baahan fiiro dheeri iyo feejignaan weyn oo aad kaga faa’idaysan karto fursadaha kula soo gudboonaada!  Ixtiraam, culays dheeraad ah iyo habrasho aad ku maamuusto qofka uu wada hadalku idinka dhexeeyo, dabadeedna aad il-duufto ujeedadii aad u socotay iyo danta ay ummaddaadu lahayd waa khaladaadka ugu waaweyn ee uu geli karo ninka siyaasiga ahi.

Arrintani waxay badanaaba ka dhacdaa wada hadallada iyo gor-gortanka dhex mara dawladaha hore u maray (reer galbeedku) iyo dawladaha dunida soo koraya (Afrika, Aisia, Carabta, iwm). Qaar badan oo ka mid ah madaxda Afrikaanka ayaa habrada, marka ay dalalkii iyaga gumaysan jiray ugu yeedhaan wada hadal-daneed, dabadeedna waxay il-duufaan dantii iyo maslaxadaha dadkii iyo dalkii ay matalayeen.

 

Bal adiguba qiyaas, haddii uu M/w Ahmed Silaanyo is odhan lahaa waxaad tahay Madaxweynihii Somaliland ugu horreeyey ee la kulma British Prime Minister, dabadeedna uu habran lahaa oo haye fudud ku odhan lahaa codsiga Mr. David Cameron!!! Taa bedalkeeda M/w Ahmed Silaanyo isagoo ku kalsoon waayo-aragnimadiisa iyo khibraddiisa siyaasadeed, isagoo ka duulaya hanka, hiigsiga iyo himilada ummaddiisa wuxuu si deggen ugu yidhi Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska:  “Mudane MAYA.  Anigoo codsigaaga siinaya qadarinta iyo ixtiraamka uu iga mudanyahay, haddana wax kasta oo magaca iyo karaamada Ummaddayda wax yeelaya, ama aan u adeegayn danaha iyo maslaxadda Ummadayda, waxaan leeyahay MAYA, Qarannimada Jam. Somaliland  waa Muqadas aan gor-gortan lahayn ee iga raalli ahaw”.

 

Wuxuu ahaa Kulan Taariikhi ah, Waxay ahay d dhacdo Taariikhi ah, Waxaa la is yidhi Hadal taariikhi, Waxayna ahayd Go’aan qaadasho taariikhi ah!

 

(INSHA ALLAH, BI IDMILLAAH)

La Soco Qaybta II-aad: “Hoggaamiye Cod u yeelay Ummad aan Dunida Cod ku lahaan jirin”:

 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK|

 

Wa Billaahi Tawfiiq,    Guul, Horumar iyo Ictiraaf ay Somaliland hesho.