Siilaanyo oo lagu aflagaadeeyey Gudaha Xarunta Machadka Atlantic Ee Uu Khudbadda Ka Jeedinaayey.(Daawo)
Posted by xaaji on April 26 2013 13:21:01

Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Washington ninka lagu magacaabo Rashiid Gaaruf uu isagu ka danbeeyey casuumaddii loo fidiyey xubno ka soo qayb gallay kulankii dhawaan madaxweyne Siilaanyo.


Extended News

Warar kasoo baxaya ayaa tilmaamaya in wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Washington ninka lagu magacaabo Rashiid Gaaruf uu isagu ka danbeeyey casuumaddii loo fidiyey xubno ka soo qayb gallay kulankii dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku qabtay xarunta daraasaadka siyaasadda ee mac-hadka ATLANTIC ee magaalada Washington Dc xubnahaasi oo qaarkood ay cay iyo aflagaado kala daaleen madaxweyne Siilaanyo qaarkoodna kuba tilmaameen inuu yahay gacan ku dhiigle xasuuqay ugu yaraan 15 Kun oo qof halka gabadh ka mid ahina ay wadatayba sawir muujinaya gabadh yar oo ay sheegaysay in Siilaanyo amar ku bixiyey in la dilo.
Madaxa machadka daraasadka siyaasadda ee Atlantic Council qaybtiisa Afrika J Peter Pham oo isagu ahaa ninkii xidhiidhinaayey munaasabadda ayaa la sheegay in maalmo ka hor intaan madaxweyne Siilaanyo sooba gaadhin magaalada Washinton uu ka codsaday wakiilka Somaliland ee Washington Rashiid Gaaruf inuu isagu soo martiqaado xubnaha ama dadka soomaalida ah ee kulanka ka soo qayb gallaya, isagoo u dhiibay kaadhadhkii lagu gallaayey ama ogolaanshahii goobta lagu imanaayey.

Rashiid Gaaruf wakiilka Somaliland u fadhiya Washington ayaa la sheegay inuu ogolaanshahasi siiyey ilaa shan xubnood oo ka soo jeeda jabhadda KHAATUMO ee la dagaalanta Somaliland oo qaarkood ka yimaadeen gobolka Mennisota, iyadoo la sheegay in martiqaadkaasi ay fududaysay Marwada u dhaxday wakiilka Somaliland ee dalka maraykanka Rashiid Gaaruf oo iyada laftigeedu ka soo jeeda magaalada Buhoodle, waxaana ka mid ahaa Nin iyo Gabadh kelmado cay iyo aflagaado ah ku boobay madaxweyne Siilaanyo oo ay xita gaadhay heer la fadhiisin kari waayey oo ay goobtii banaanbax kala hor yimaadeen.

Rashiid Gaaruf ayaa qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee dalka maraykanku ku tilmaameen inuu si dadban ula shaqeeyo kooxaha ka soo horjeeda qaranimada Somaliland isla markaana ay xaaran tahay in qof noocaasi oo kale ahi uu hayo xilkaasi.

Hoos Ka Daawo Video-ga iyo aflagaadada ay kooxdii uu casuumay Wakiilka Somaliland ee Washington Rashiid Gaaruf kula kaceen madaxweyne Siilaanyo

 

HargeysaOnline.Net