Somalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa looga cabsi qabaa inay gaystaan mid la mida falkii ay dhawaan magaalada boston.
Posted by xaaji on April 28 2013 13:02:38

Somalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in looga cabsi qabo inay gaystaan amaba ku dhaqaaqaan mid la mida falkii ay dhawaan u gayteen laba wiil oo walaalo.


Extended News

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in looga cabsi qabo inay gaystaan amaba ku dhaqaaqaan mid la mida falkii ay dhawaan u gayteen laba wiil oo walaalo ahaa oo ka fuliyaay qarax magalada Boston ee dalka Mareykanka kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac badan.

Hadaba Soomaalida ku nool magaalada Minneaplois, Minnesota ee dalkaas Mareykanka oo markii horeba ku caan ahaa xag jirnimo iyo inay qaar badan oo ka mid ah ay dagaal jihaad ah ay ugu kicitimeen dalka Soomaaliya oo ayna ku biireen maleeshiyaadka kooxda Ashabaab ayaa waxaa la seegay in waqtiyadii ugu dambeysay lagu hayo il gooni ah, Soomaali kale oo gaadheysa ilaa iyo 7 qof oo loo haysto inay xidhiidh la leeyihiin argagaxisada kuwaas oo ku xidhan xabsiyada magaalada Minneapolis ayaa waxaa la filayaa inay dacwadoodu ay bilaabato bisha soo socoto, iyadoona sida uu sheegay Cabdirisaaq Biixi oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi inay jiraan mar walba dad ka dambeeya oo maskaxda ka badalay inay dhalinyaradaasi noqdaan kuwa ku dhaqaaqa falal argagaxisinimo ah, Cabdirisaaq Biixi oo wiil uu abti u yahay oo ku noolaa magaaladaasi lagu dilay dagaalada Soomaaliya ka dib markii uu halkaasi u tagay inuu ka qeyb qaato dagaalka jihaadka oo uuna ka dhinac dagaalamo maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa sheegay inay jiraan dad qarsoon oo dadkaa dabada ka riixaaya islamarkaana ku dhiiri galinaaya inay naftooda u huraan jihaadka.
Ugu dambeyntiina iyadoo wixii ka dambeeyey qaraxii labada wiil ee walaaha ahaa ee u haystay dhalasha Mareykanaka laakiinse asal ahaan ka soo jeeday dalka Chechnya ay ka geeysteen magaalada Boston ay keentay in fiiro gaar ah loo yeesho dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkaa Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay kooxaha sirdoonka ee dalka Mareykanku ay wadaan baadhitaano lixaad leh oo ay ku ogaanayaan cida iyo sababta ka dambeysa Soomaalida isu badasha inay noqdaan jihaad kuwo u diyaar ah islamarkaan naftooda qaaliga ah u huraayo inay ku dhintan jihaad.