Dhamaan wariyaasha Hargeysa Online oo Tacsi u diraya qoyskii uu ka baxay wariye Maxmed ibrahin raage.
Posted by xaaji on May 02 2013 11:07:37

Waxaan dhamaan  wariyaasha Hargeysa Online ay tacsi u dirayaa alle ha u naxariiste wariye Mohamed ibrahin raage ,oo ahaa weriye ruug cadaa ah meelo badanna la soo shaqeeyey.


Extended News

Waxaan dhamaan  wariyaasha Hargeysa Online ay tacsi u dirayaa alle ha u naxariiste wariye Mohamed ibrahin raage ,oo ahaa weriye ruug cadaa ah meelo badanna la soo shaqeeyey , waxaanu ahaa weriyihii Shabakada Hargeysa Online ugu soo warami jiray magaalada mogdisho sanadkii 2009 ilaa 2010kii uu wararkii ugu danbeeyey Hargeysa Online uga soo direy magaalada Xero dhiigta noqotey ee mogdisho

 

 

 

 

 

Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay walaalkeen maxamed ibrahin raage illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Tifatiraha Hargeysa Online

Eng.Kamal Mohamed Ali

USA

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa wararkii ugu danbeeyey oo Archiveka Hargeysa Online Server ku keydsanaa uu soo galiyo Shabakada Hargeysa Online Sun 4/26/09 4:06 AM

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Maareyaha dekeda Xamar oo ka soo hor jeestay Qorshe dib loogu furayo Dekedii Ceel Macaan.

 

(Muqdisho:Hargeysa-online.Com)-Maareyaha dekeda Xamar ayaa ka soo hor jeestay Qorshe dib loogu furayo Dekedii Ceel Macaan.

 

Cabdi Jiinow Calasow oo ah Maareeyaha Dekeda Muqdisho ayaa ka soo horjeestay qorshe dib loogu furayo Dekedii macmalka aheyd ee Ceel Macaan, isagoona tallaabada dib loogu furayo ku tilmaamay mid lagu curyaaminayo dhaqaalaha Dowladda.

 

Qorshahan la doonayo in dib lagu furo Dekeda Ceel Macaan ayaa soo if baxday maalmihii u dambeeyay, iyadoona Dekedan ay aheyd mid shaqeyneysay xilliyadii dalka ay ka talinayeen Hogaamiye Kooxeedyadii, isla markaana ay ay xirneyd Dekada Muqdisho.

 

Furnanaashaha Dekada Muqdisho oo caqabad ku aheyd Hogaamiye Kooxeedyadii dalka kala qo-qobay ayaa ugu dambeyn sanadkii 2006-dii waxaa albaabada u furay Maxkamadihii islaamiga oo dagaal Muqdisho uga saaray Hogaamiyeyaasha dagaalka, iyadoona wixii xilligaas ka dambeeyay ay xirantay Dekeda Ceel Macaan oo uu maamuli jiray Ganacsadaha caanka ah Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

 

Sida ay sheegayaan wararka qorshahan hada socda ayaan la ogeyn inuu Xaajiga ku lug leeyahay, hase ahaatee waxaa la sheegay in dib u furida Dekeda ay wax ka wadaan Ganacsatadii Shirkadii Banaadir oo ay hogaanka  u hayeen Reer Cumar Cadaan.

 

Dekeda Ceel Macaan oo ku taal dhanka waqooyi bari ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddo ku dhow saddex sano aysan howl gelin, waxaana howlaha hada ka socda Dekedaas macmalka ah ay tahay mid aad u gaabis ah, waxaana halkaasi laga qaadaa Dhuxul.

 

Ma cada hadii albaabada loo furo Dekedaas sida ay saameyn ugu yeelaneyso Dhaqaalaha Dowladda oo inta badan ka soo xarooda Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho, oo tan iyo wixii ka dambeeyay markii Maxkamadihii ay fureen ay shaqeyneysay.

 

Darawalada gaadiidka Bl-ka ah ee magaalada Muqdisho oo ka cabanaya goobaha biyo fadhiisadka ee wadooyinka magaalada Muqdisho. 

 

(Muqdisho:Hargeysa-online.Com)-Wadaayaasha gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya goobaha biyo fadhiisadka ee wadooyinka magaalada Muqdisho.

 

Wadayaasha gaadiidka Bl-ka ah ee ka shaqeeya xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay saameeyn ku yeesheen roobabkii ka da’ayay magaalada Muqdisho.

 

Darawalada qaar oo ay maanta Hargeysa-online.com la kulantay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka wareegaan wadooyinka ay biyaha fadhiistaan oo ay maraan xaafadaha dhexdooda halkaasi oo ay kala kulmaan dhibaatooyin dadka deegaanka kuwaasi oo ay sheegeen in ay dhegxaan iyo geedo waaweyn soo dhigaan wadooyinka qarda jeexa ah ee xaafadaha dhexdooda ah.

 

 

 

Gaadiidka Bl-ka ah ayaa waxaa ay xiliyada roobabaka ku yaraadaan wadooyinka magaalada Muqdisho taasi oo loo aaneyo wadooyinka oo aad u burbrusan iyo gaadiidka qaarkii oo aan mari Karin wadooyinka qarda jeexa ah ee xaafadaha dhexdooda ah.

 

 

Maamulka islaamiga ee Gobolka Gedo oo ka horjeestay go'aankii Baarlamaanka.

 

 

(Baardheere:Hargeysa-online.Com)-Maamulka islaamiga ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen mowqifkooda iyo aragtidooda ku aadan Go’aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Diinta Islaamka,kaasoo ay ku tilmaameen mid lagu qiyaanayo dalka iyo Diinta islaamka,islamarkaana uu yahay go,’aan aanan marnaba la aqbali karin.

 

Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo Shiikh Ismaaciil Aden Xaaji oo saaka la halayey Warbaahinta ayaa sheegay go’aankii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu ku ku go’aansaday in dalka lagu dhaqo shareecadda Islaamka, in go’aankaasi uu yahay  mid lagu qiyaanayo shacabka, diinta iyo dalka sida uu hadalka u dhigay.

 

Mar wax laga waydiiyay sababta ay wali u diidan yihiin go’aankaasi Maadaama madaxweyne sheekh shariif oo shalay hoggaaminayay Maxkamadaha uu maantana Madaxwayne uu yahay ayuu sheegay Gudoomiyaha Islaamiga Gobolka Gedo in Shiikh shariif uu shaqsi mabaadiidiisu ay wax iska bedeleen waa sida uu yiri Sheekh Ismaaciil oo Dowladda uu madaxda ka yahay sheekh shariifka ku tilmaamay Rido iyo mid u adeegta gaaladii lala dirirayey,waxba ayan ku darsan doonin xitaa haddii buu yiri si walba loo taageeero.

 

Gobolada dalka oo dhan waxaa laga hergeliyey ayuu yiri Sh.Ismaaciil ku dhaqanka shareecada Islaamka,haddii ay dowlad yihiin maxaa u diidey in ay tagaan Gobolada dalka ee Xoogaga Islaamiyiintu ay ku maamulaan shareecada Islaamka,marnaba ma taageeri doona ayuu yiri dowlad ku sheeg markii horeba nidaamka gaalada lagu soo dhisey sida uu hadalka u dhigay.

 

Baarlamaanka KMG ayaa dhawaan go’aansaday in dalka lagu maamulo shareecadda Islaamka, waxaana arrintaan soo dhaweeyay qaar ka mid ah qeybaha bulshada iyo culumada Soomaaliyeed iyo waliba inta badan xoogaga hubeysan, waxaana dhamaan qeybahaasi,ugu baaqeen dowladda in arrintaan ay ka dhabayso oo ay fuliso ku dhaqanka sharciga Islaamka.  

 

 

Amaro lagu mamnuucayo ka ganacsiga daawoyinka Dhacay oo laga soo saaray magaalada Kismaayo.

 

(Kismaayo:Hargeysa-online.Com)-Maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo ayaa ammaro ka soo saaray daawoyinka dhacay ee lagu iibiyo magaaladaasi.

 

Kidib wareegto uu maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo soo saaray ayaa waxaa looga digay ganacsatada daawoyiinka in magaaladasi aysan soo galin daawo dhacday isla markaana aan lagu daadin daawoyinka magaaladaasi.

 

Wareegtadani oo uu ku saxiixnaa madaxa waxaada caafimaadka magaalada kismaayo Shiikh C/qani Gurxan oo maanta warbaahinta u aqrinayay wareegtada ay soo saareen ayaa sheegay in maanta wixii ka danbeeya aan lagu arki Karin Farmashiyayaasha magaalada Daawoyin dhacay sidoo kale xaafadaha magaalada aan lagu arki Karin daawooyin daadsan.

 

Sidoo kale waxaa uu sheikh C/qani sheegay in cidii lagu arkaa iyadoo jabisa amarka maamulka uu ku soo rogay daawoyinka laga qaadi doono talaabo ku haboon.

 

Arintani ayaa waxaa ay ka danbeeysay kadib markii xaafadaha magaalada Kismaayo lagu arkay daawooyin dhacay oo dhex daadsan taasi oo laga cabsi qabo in caruurta magaaladaasi ay cunaan.

 

Ma ahan markii ugu horeeysay ee maamulka islaamiga wareegto uu ka soo saaro magaalada kismaayo.

 

Max’ed Ibraahin Raage

Hargeysa Online

Muqdisho Somalia.