War Deg-Deg ah: Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Moqdisho.
Posted by xaaji on May 05 2013 20:22:00

Moqdisho(Hargeysa Online) Ugu yaraan 10-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen howl wadeeno ka tirsan dowladda Soomaaliya


Extended News

Moqdisho(Hargeysa Online) Ugu yaraan 10-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen howl wadeeno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana gaadiidka la beegsaday ka mid ahaa gaadhiga Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa mid si aad ah looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska KM-4, waxaana dadka ku dhintay ku jiray dad shacab ahaa oo saarnaa gaadiidka dadweynaha oo halkaas marayay.

Ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaadhay howlwadeenada dowladda ee halkaas marayay, iyadoo sidoo kale la sheegay in halkaas ay marayeen gaadiid ay la socdeen wafdi Turki ah, kuwaas oo ku socday safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho oo 100-mitir u jirtay halka uu qaraxu ka dhacay.

“Gaadhiga wuxuu ahaa mid yar, waxaana uu daba socday gaadiid waday wafdi, si kaddis ah ayuu ugu qarxay goobta, dhegaha oo dhan ayaa na xirmay, runtii wuxuu ahaa qarax weyn oo aanan dhawaanahan maqlin,” ayuu yidhi Cumar Salaad oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa isgoyska KM-4 markii uu qaraxu dhacayay.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta soo gaadhay, iyadoo markaas kaddib halkaas laga qaaday maydadkii dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay, waxaana goobta oo dhan xidhay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ayna weli ka hadlin weerarkaas inay ka dambeysay iyo inayna ka dambeyn, balse hoggaamiyaha kooxdan ayaa ku boorriyay xoogaggooda inay xoojiyaan weerarrada ay ku hayaan dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kaddib markii hay’adaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho.

Xaaladda ayaa hadda deggen, iyadoo weli ay goobta ku sugan yihiin ciidamada dowladda oo u diidaya dadku inay halkaas maraan. waxaana goobta qaraxu ka dhacay lagu arkayaan gaadiid gubtay oo uu ku jiray kii ismiidaaminta lagu fuliyay.

HargeysaOnline.Net