Laba dumar ah Oo Maanta Lagu Xukumay Magaalada minneapolis Ee Gobalka Minnesota.
Posted by xaaji on May 17 2013 17:44:55

Maxkamada Fedaralka ee Dalka Marykanka ayaa maanta xumun dheer oo kla ay 20 sano iyo 10 sano ah ku kala riday laba haweena oo hore loogu eedeeyaay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al Shabab ee ka dagaalanta gudaha Somaliya.


Extended News

Maxkamada Fedaralka ee Dalka Marykanka ayaa maanta xumun dheer oo kla ay 20 sano iyo 10 sano ah ku kala riday laba haweena oo hore loogu eedeeyaay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al Shabab ee ka dagaalanta gudaha Somaliya.

Labadan dumar ayaa waxaa lagu haystaa in ay gacan dhaqaale siiyeen kooxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanku ku darsatay liiska Argagixisada aduunka.

Waxaa lagu eedeeyay ama lagu helay in ay dhaqaale ay qaab gurmad abaaro uga soo ururiyeen soomaalda Minnesota, kuwaas oo ay dabadeed u direen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale mid ka mid ah lagu helay in ay xiriir ay la sameysay masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka wada hadleen howlo ay ku tilmaameen "jihaad" iwm.

Dumarkan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee lagu xukumo gobolka Minnesota kuwaas oo arrimo argagixiso oo Soomaaliya ah lagu haystay.

Sidoo kale waxaa todobaadkan aan ku jirno ay maxkamada federalka eedalka Maraykanku xabsiyo u dhexeeya 20 sano ilaa 3 sano ku kala xukuntay wiilal somaliyeed oo iyagana lala xidhiidhinayaay inay qaar kamidii u tageen inay ka ag dagalamaan kooxda Al shabab ee ka dagaalanta koonfurta Somaliya halka qaarkalan lagu eedeeyaay inay ku taageerayeen dhaqaale ay ka ururiyaan dalka Maraykanka gudihiisa.

HargeysaOnline.Net