Dibad Bax looga soo horjeedo Madaxweeynaha Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Posted by xaaji on May 26 2013 21:17:48

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo weliba qodobadii kasoo baxa shirkii madaxda urur goboleedka IGAD.


Extended News

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacay dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo weliba qodobadii kasoo baxa shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

Shir dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ayay dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD isku raaceen in dowladda Soomaaliya ay hormuud u noqoto arimaha maamul u sameynta dalka, iyadoona sidoo kale qodobadii la isku raacay ay kamid ahaayeen in dowladda Soomaaliya ay qabato shir dib u heshiisiin ah oo maamul KMG ah loogu dhisi doono Jubooyinka.


dibad_bax_kismayo_1.jpg

dibad_bax_kismayo_2.jpg

dibad_bax_kismayo_3.jpg

dibad_bax_kismayo_5.jpg

dibadbax_kismayo_04.jpg

Boqollaal qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur ayaa waxay socod dheer kusoo mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyagoona ku dhawaaqayay halku-dhigyo ay uga soo horjeedaan siyaasadda dowladda Soomaaliya ee arimaha Jubooyinka.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dibadbaxan ay uga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo siyaasadeeda arimaha Jubooyinka, waxayna ugu baaqeen dowladda in ay faraha kala baxdo arimaha Jubooyinka.

Dibadbaxa ayaa kusoo dhamaaday jawi daganaan ah, mana jirin cid ka tirsan masuuliyiiinta Kismaayo oo la hadlay dibadbaxayaasha.


Dibadbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli masuuliyiin ka tirsan maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo ay shalay digniin u direen xildhibaanada iyo saraakiisha ciidowladda ee ku sugan Kismaayo, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedaan maamulka Jubbaland garabka uu madaxweeynaha ka yahay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).



HargeysaOnline.Net