Salaadiinta Waxgaradka Odayaasha Aqoonyahanka Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale weyne ayaa shaaciyey inay si buuxda u taageersan yihiin Shirweynaha.
Posted by xaaji on May 27 2013 19:13:29

Salaadiinta Waxgaradka Odayaasha Aqoonyahanka Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale weyne ayaa shaaciyey inay si buuxda u taageersan yihiin Shirweynaha.


Extended News

Salaadiinta Waxgaradka,Odayaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale-weyne ayaa shaaciyey inay si buuxda u taageersan yihiin Shirweynaha uu ku baaqay Suldaan guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI oo ka dhici doona degmada Aw Barkhadle taariikhdu markay tahay 25/6/2013, looguna magacdarey “Barkhad laba”.

Sidaa waxalagu sheegay baaq ay ku saxeexan yihiin, waxaanu u dhignaa sidan:

“Anaga oo ah Salaadiinta, Waxgaradka, Odayaasha, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale-weyne ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kadib markii aanu maanta isugu nimid shir qaatey muddo lix sacadood ah oo uu shirgudoominayey Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,kadib dood iyo falaqeyn dheer waxaanu isla garanay oo aanu si buuxda u taageernay shir-weynaha uu ku baaqay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI oo horaanta 8/6/20013 uu shirka hore ka dhici doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska,Shirkaas oo loogu magac-daray “Barkhad Wan”,isla markaana u sii gogol-xaadhaya shirweynaha guud ee ay beeshu u dhan tahay kana dhici doona Degmada Aw Barkhdle ee Gobolka Maroodijeex taariikhdu markay tahay 25/6/2013,Shirweynaha guud oo loogu magac-daray ”Barkhad laba”

Shirkaas oo ah shir dhaqan oo ay beeshu aayaheeda kaga tashanayso, isla markaana waafaqsan jiritaanka qaranka Somaliland iyo xukuumada talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Shirkanina waxa uu la mid yahay Shirarka kale ee ay beelaha Somaliland qabsadaan.

Sidaa daradeed, Waxay beesha CiIdagale-Weyne taageersan tahay, jiritaanka iyo gooni isutaaga Somaliland iyo ilaalinta nabadgelyada oo ay beeshu kaalin laxaad leh kaga jirto.

Magacyada ku saxeexan baaqana waxay kala yihiin sidan:

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed
Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal.
Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle
4. Chief Caaqil Xasan Badmaax Maygaag,ahna guddomiyaha Cuqaasha Beesha.
Chief Caaqil Aabi Caaqil-Yare
Chief Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi
Chief Caaqil Khadar Maxamed Axmed
Chief Caaqil Faysal Maxamed Axmed Guun
Chief Rashiid Cabdilaahi Faajeer
Chief Caaqil Liibaan Fadhfadhle
Caaqil Cali Jaamac Kaahin
Caaqil Maxamuud Cabdi Biite
Caaqil Cumar Cabdi Gurey
Caaqil Cali Maxamed Xuseen
Caaqil Cabdilaahi Axmed Diiriye
Caaqil Cali Cabdi Wacays
Caaqil Maxamed Indha-cade
Caaqil Gacan Axmed Muuse Afweyne
Nabadoon Maxamed Ibraahim Khuuriye
Oday Cumar Xaaji Daahir (Cumar Tareydh).
Oday Xasan Ismaaciil
Oday Ciise Aw Maxamuud Xaashi (Ciise Ruush)
Oday Xuseen Xasan Bad-maax
Ganacsade Axmed Cabdi Biite
Ganacsade Cabdinaasir Ciise Muuse
Eng.Cabdikariin Maxamed Nuur (Bitijoor)
Aqoonyahan Xasan Cabdiqaadir Kaarshe
Abwaan Cawil Ismaaciil Aadan
Ibraahim Xasan Carablow (Ibraahim Dheere)
Sheekhal Baladka Magaalada Hargeysa Sh. Ismaaciil Maxamed Ciis
Xuseen Ibraahim Askar
Ganacsade Cabdi Beekin Cismaan
Ganacsade Axmed Barawaani
Chief Caaqil Baashe Aw Aadan
Oday Khadar Axmed Like”



Hargeysaonline Network