Dowlada Ciraaq oo 22 sano ka dib mashaariic ay ku baxeyso malaayiin dollar ka fulineysa Somalia.
Posted by xaaji on May 31 2013 14:24:10

Dalka Ciraaq oo muddo dheer ay dhibaato ka taagneyd ayaa 22 sano ka dib waxaa uu ka hirgelinayaa Soomaaliya mashaariic dhismo oo ay ku baxayso lacag gaareysa 15 milyan.


Extended News

Dalka Ciraaq oo muddo dheer ay dhibaato ka taagneyd ayaa 22 sano ka dib waxaa uu ka hirgelinayaa Soomaaliya mashaariic dhismo oo ay ku baxayso lacag gaareysa 15 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Magaalada Baqdaad ayaa Heshiis arrinkaasi ku saabsan waxaa ku kala saxiixday wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliya iyo wasaaradda howlaha guud ee dalka Ciraaq ka dib wafdi ka socda dowlada Somalia oo halkaas booqday.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha guud, dib udhiska, gaadiidka badda, Dekedaha iyo Tamarta ee xukuumadda Somalia Eng. Nadiifa Maxamed Cismaan ayaa heshiiskaasi u saxiixday dowlada Somalia.

Nadiifa Maxamed Cismaan ayaa waxay sheegtay in lacagtaas lagu dhisayo goobo ay ka mid yihiin xaruntii wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, machadkii horumarinta maamulka iyo maareynta SIDAM oo qaab casri ah loo dhisi doono iyo sidoo kale isbitaalkii Laasereeti ee xanuunnada maskaxda iyo qaaxada lagu daaweyn jiray xiligii beri-samaadkii.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha guud, dib udhiska, ayaa uga mahad celisay deeqdaasi dowlada Ciraaq oo ay sheegtay iney horey Somalia uga hirgelisay mashaariic fara badan, iyadoo xustay in labada shacab uu weligood ka dhexeyn jiray xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

HargeysaOnline.Net