Tartankii Ciyaraha Gobolada Somaliland Oo Maanta ka Furmay magaalada Hargeysa.
Posted by xaaji on June 02 2013 15:05:41

Tartankii ciyaaraha gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmiya uga furmaaya Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.


Extended News

Hargaysa (Hargeysa Online)Tartankii ciyaaraha gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmiya uga furmaaya Caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Tartankan oo ay ka qayb qaadanayaan 13 Gobol, Iayagoo dhammaantod ku soo xeroodeen Magaaladda ciyaaruhu ka dhacayaan Ee Hargeysa.

Sidoo kale waxaa laga dareemayaa guud ahaan Magaaladda Hargaysa xamaasadda ciyaraaha, iyadoo goobaha ay dhalinyaraddu isugu timaado ay si weyn ugu hadal hayaan. Waxaan meesha ka maqnayn tageerayaal kala duwan oo la socda Gobolada tartanka ka qayb qaadanaaya.

Gobolada Hawd, Maroojeex, Gabiley, Togdheer, Awdal iyo Sanaag ayaa la filayaa in midkood la caraabi doono guusha koobka. 

 HargeysaOnline.Net