Kulan xasaasi ah oo maanta Nairobi ku dhexmaraya madaxweynaha Somalia iyo kan maamulka Puntland.
Posted by xaaji on June 05 2013 14:20:32

Kulan xasaasi ah oo u dhexmaraya madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Extended News

Kulan xasaasi ah oo u dhexmaraya madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Somalia ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ka dib markii isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka soo laabteen shirar caalami ah oo lagu qabtay dalka Japan, iyagoo markii ay oo soo gaareen Nairobi kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata sida uu sheegay Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow.

C/raxmaan Faroole madaxweynaha Puntland oo isna todobaad kii hore gaaray magaalada Nairobi ayaa kulan isaga iyo madaxweyne Xasan Shiikh ku dhexmaray garoonka Jomo Kenyata waxay ku balameen iney Nairobi ku kulmaan Arbacada maanta ah marka madaxweynuhu ka soo laabto dalka Jaban.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa iney kulankooda diirada ku saaraan sidii xal looga gaari arrimaha maamulka Jubba-land oo si weyn ay ugu kala aragti duwan yihiin, iyadoo madaxweyne Faroole uu doonayo in dowladu aqoonsato maamulka Axmed Madoobe halka madaxweyne Xasan Shiikh uu arintaas ka soo horjeedo.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa saaka u sheegay BBC-da inuu diyaar u yahay haddii loo bahado inuu dhexdhexaadiyo madaxweynaha Somalia iyo Axmed Madoobe, iyadoo hadalka Faroole uu ku soo aaday xili shalay uu magaalada Nairobi gaaray Axmed Madoobe oo Shir ka dhacay Kismaayo loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Jubba land.

C/raxmaan Faroole iyo Xasan Shiikh ayaa siyaabo kala gooni ah ula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyadoo mid walba uu ka codsaday inuu taageero fekerka uu ka aaminsan yahay maamulka Jubb-land, hase ahaatee lama oga weli mowqifka madaxweynaha Kenya inkastoo lagu eedeeyo in dowladiisa ay si hoose u taageerto Axmed Madoobe, lamana oga natiijada ka soo bixi karta kulanka maanta dhexmaraya Faroole iyo Xasan Shiikh oo indhaha ay ku hayaan dadka daneeya arrimaha ka taagan Jubooyinka. 

 

Hargeysa Online