Koox dhalinyaro Soomaali ah oo dhibaato baaxad weyn leh ku haysa shacabka ku Dhaqa Magaalada Fridley MN
Posted by xaaji on June 06 2013 16:47:40

Booliiska magaalada Fridley ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu baadi goob ugu jiro koox dhalinyaro Soomaali ah oo dhibaato baaxad weyn leh ku haysa shacabka magaaladaas.


Extended News

Booliiska magaalada Fridley ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu baadi goob ugu jiro koox dhalinyaro Soomaali ah oo dhibaato baaxad weyn leh ku haysa shacabka magaaladaas.

Kooxdaan Soomaalida ah oo lagu qiyaasay ilaa iyo 7 qofood ayaa waxaa la sheegay inay magaalada Fridley, gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka inay dadka dariiqa maraya inay sabab la'aan ay jirdil u geysanayaa iyadoona dhibkii ugu dambeeyey ay gaarsiiyeen laba nin oo ku gudo jirey orod iyo jimicsi ay samaynayeen, dhalinyaradaan ayaa waxay garaaceen nimankaas iyadoona ay marka hore garaaceen mid ka mid ah ragaas oo ayna sanka jabiyeen xilli uu ninkaas samaynaayey orodkaas ka dibna ilaa iyo 20 daqiiqo ka dib ayay dhalinyaradaas isla goobtaas ay ku jirdileen nin kale oo asagana ku ordaayey goobtaas, Arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay inay Soomaalidaas ay sabab la'aan ay u jirdileen ragaas iyaga oo aanan waxba waydiisana ama xataa aan ahayn kuwo dhac u geysanaayo ragaas laakiin un jirdilkaas u geystay arintaas oo ay booliisku la yaabeen waxa sababay.

Ugu dambeyntiina iyadoo booliiska magaaladaas uu baadi goob ugu jiro Soomaalidaas dhibaatada ku haysa shacabka magaaladaas ayaa sidoo kale waxay booliiska ay ka codsadeen dadka magaalada inay la soo xiriiraan oo ay soo gaarsiiyaan cidii macluumaad ku saabsan Soomaalidaas haysa, Lt. Mike Monsrud oo ka mid ah booliiska magaaladaas ayaa waxaa uu sheegay inay dhacdadaan tahay mid la yaab leh maadaama aan la aqoon waxa uu ujeedka Soomaalidaas yahay asagoona sheegay inaysan u muuqin arin la xiriirta dhac ama dambiyo kale maadaama aysan Soomaalidaas soo hadal qaadin wax ku saabsan arintaas.

 

Hargeysa Online