Saddex Doonyod oo Ay Saarnayeen 200 oo Tahriibyaal Reer Somaliland ayaa ku qarqoomay Badda Liibiya.
Posted by xaaji on June 16 2013 16:28:12

Hargeysa(Hargeysa Online) Saddex Donyood oo ay saarnayeen Tahriibayaal Reer Somaliland oo gaadhaya ilaa 200 Qof Ayaa Badankoodu ku qaraqmeen Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Saddex Donyood oo ay saarnayeen Tahriibayaal Reer Somaliland oo gaadhaya ilaa 200 Qof Ayaa Badankoodu ku qaraqmeen Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Tahriibayashan ayaa khamiistii waxay ka baxeen Xeebaha Dalka Liibiya iyaga oo wakhtigaasi doonayey in ay tahriib ku gaalan dalka Talyaaniga, Balse intii ay ku gudo jireen Badda ayaa wax ka hortimid Cilad Farsamo Doonyahaasi ka dhacaday Dhinca mishiinka iyo waliba Badda oo kacsanayed.

Siddaasi Wax Noo sheegay Mid ka mid Dhalinyarada Reer Somaliland ee ku sugan Magaalada Tiriboli ee dalka Liibiya oo caawa aanu khadka Telefoonka ku wareysanay.

Waxanu yidhi “Walaahi Walaal Saddex Doonyood ayaa naga baxay, Saddexdii markii ay Baddii galeen ee Maalin naga maqnayeen ayaa naloo sheegay in ay la soo daristay Cilaado ku yimid dhinaca miishiinada, iyo waliba bada oo kacsaneyd, 65Qof wax naloo sheegay in uu markab uu badbadiyey markabakasi mar wax la leeyahay xagaasi talyaaniga ayuu u qaaday, halka qaarna ay sheegayan in uu dib u soo celiyey, lakiin wax war aha kama hayno kuwaasi, wax kale oo jirta in Doon iyada la soo jiiday oo Xeebta la keeyan basle Dad ayaa ku dhintay doontaasi, dhinca kale Hal Doon ah ayaa la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, lakiin Haddii xaqiiqda aan kusheego dadka waalidiinta ah ee nala soo hadla Niyadaanu u dhisnaa, lakiin adiga wariyaad tahay runtaan ku sheegaya walaal Dhammaan dadkaasi waa wada Reer Somaliland oo waa dhalinyaradii reer Hargeysa, Boorma iyo Burco Cid kale oo ku wehelisaa way yartahay, haddii anay jirinba, Wax kale oo jirta in qolba Meeshanu degen nahay Kolba Qof la soo helay oo laga keenay badda Guriga lanoogu keenayo marka wax dhintay iyo wax badbadaye way leeyihiin.”Ayuu yidhi.

Hargeysa Online