Munaasibad Loogu Ducaynayo Suldaanka Cusub ee Beesha Yoonis Adaraxmaan oo Halleeya Lagu Qabtay.
Posted by xaaji on May 20 2012 10:23:58

Hargeysa(Hargeysa Online)Hadhimo Sharafeed Duco ah oo lagu Gardaadinayay Suldaanka Cusub ee Beesha Yoonis Adaraxmaan oo kamid ah Beelaha Ciidagale Suldaan Axmed Cismaan cadogude.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Hadhimo Sharafeed Duco ah oo lagu Gardaadinayay Suldaanka Cusub ee Beesha Yoonis Adaraxmaan oo kamid ah Beelaha Ciidagale Suldaan Axmed Cismaan cadogude ayaa Maanta lagu Qabtay Deegaanka Halleeya ee duleedka bari ee caasimadda hargeysa.



Qado sharaftan waxa ka qaybgalay Suldaanka guud ee beelaha danwadaago Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal, Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Xil. Jaamac Ismaaciil Shabeel, Culimaau diin, Madax dhaqameed, Aqoonayahan, Ganacsato iyo Martisharaf aad u tirobadan.


Cheif Caaqil Xasan Ibraahin Xuseen oo kamid ah Madaxda dhaqanka ee Beesha Yoonis oo halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyay suldaanka Cusub isla markaana ku soo dhaweeyay saaxada madax dhaqameedka dalka. waxaanu ilaahay ufga baryaya inuu u fudaydiyo xilka loo caleemo saaray.

Oday Axmed MAxamed Faarax oo kamid ah isaguna Odayaasha taariikhda haya ayaa ka warramay sooyaalka taariikheed ee suldaanka cusub iyo qoyska uu kasoo jeedo waxaanu tilmaamay in awawgii uu kamid ahaa Madaxdii dhaqanka ee sanadkii 1880kii markii gumaystihii ingiriisku dalka yimi la gorgortamayay.
Cheif caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warramay wakhtigii ay is barteen isaga iyo suldaan cado gude waxaanu tilmaamay in uu yahay shakhsi masuuliyad ku sifoobay, isla markaana xil kas ah.


sheekh maxamed cali geedi ooisna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay suldaanka cusuub isla markaana u duceeyay.

gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye md. jaamac ismaaciil shabeel oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay suldaanka cusub isla markaana ku tilmaamay innuu yahay shakhsi hanan kara xilka loo caleemo saaray.
Suldaanka guud ee beelaha danwadaago suld maxamed cabdillaahi galaal oo isagu soo gebogabeeyay xaflada qado sharafta ahayd ayaa suldaanka cusub mar kale caleemo saaray isaga oo ku tilmaamay inuu yahay shakhsi hanan kara masuuliyadda saaran isla markaana uu isagu suldaan ahaan ku nasan doono oo uu xilka qayb ka furan doono.
 
 


ayaan maxamed cismaan
Xafiiska Wararka  ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland