Baarlamaanka Somalia oo ka Qaybgalaya 20-sano Kaddib shirka ACP-EU oo Magaalada Brussels.
Posted by xaaji on June 19 2013 16:32:05

Wafdi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 20-sano kaddib ka qaybgalaya shirka ACP-EU oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ay ku taallo xarunta Midowga Yurub.


Extended News

Wafdi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay 20-sano kaddib ka qaybgalaya shirka ACP-EU oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ay ku taallo xarunta Midowga Yurub.

 

Wafdiga baarlamaanka Somalia ee shirkaas ka qaybgalaya waxaa horkacaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar, waxaana ka mida ah: guddoomiyaha gudiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka, xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, xildhibaan Maxamuud Cabdi Xasan iyo la-taliyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cawaale.

Mudane Iikar ayaa uga mahadceliyay Belgium iyo madaxda Midowga Yurub sida heerka sare ah ee loosoo dhaweeyeen xubnihii ka socday baarlamaanka Soomaaliya, isagoo u gudbiyay qoraal ku saabsan howlihii baarlamaanka uu qabtay tan iyo markii la dhisay.

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ka socday ayaa ka dex-muuqday goobta uu shirku ka socday, iyagoo fadhiya boosas loogu talogalay, iyadoo tani ay ka mid noqonayso guulaha u soo hoyday dowladda cusub ee Soomaaliya.

Tallaabanadan ayaa waxay sidoo kale xoojinaysaa xiriir dhexmara golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa caalamka si ay u dhexmarto wadashaqeyn iyo iskashi caalami ah.

Hargeysa Online