Maxaa looga Cabsadaa Mugdiga iyo Mustaqbalka?
Posted by xaaji on June 19 2013 16:41:00

Habeenku uu ka cabsi badanyahay maalinta, iydoo laga yaabo in khatartu badantahay maalintii. Marka laga reebo xayawaanka qaarkii.


Extended News

Habeenku uu ka cabsi badanyahay maalinta, iydoo laga yaabo in khatartu badantahay maalintii. Marka laga reebo xayawaanka qaarkii, wixii kale ee naftaada khatar gelin kara oo dhami maalintii ayay socdaan, haddii ay tahay dad iyo haddii ay tahay gaadiidba. Haddaa maxaa haeenkii marka ay madowdahay ay u cabsi badantahay. Nin an saaxiibnahay ayaan saaka weydiiyey su’aashan waxaanu iigu jawaabey “habeenkii markey madowdahay si fiican wax u arki meysid oo laga yaabee in meesha ad mareysu uu qof fadhiyo geedka hoostiisa adna aanad iska arkeyn. Waxan ku idhi haddii geedka ad sheegtey uu qof hoos fadhiyo dharaar cad miyaad ka baqeysaa, wuxu yidhi maya. Hadda maxaad habeenkii uuga baqeysaa haddii uu qof hoos fadhiyo geedka?

Waxa cabsida keeney habeenkii markey mugdiga tahay maaha habeenimada, mana aha madowga. Marka ay meeshu iftiintahay ama ay dharaar tahay taladu adiga ayay gacanta kuugu jirtaa marka ay madowdahayna talada wax yar ayaa gacanta kuugu jira amaba talaba gacanta kuuguma jirto ee nasiib ayaad ku socotaa. Maalintii waxa ad arkeysaa dadka iyo gaadhiidka hortaada socda, kuwa ku weydaaranaya, kuwa kale ee meel taagan, cadceeddu dhinaca ay kaa xigto. Waxan oo dhan ee kuu muuqdaa waad ka cabir qaadaneysaa. Waxa ad sii arkysa waxa kugu soo socda waanad ka beydheysaa ama waad ka ordeysaa ama waad u diyaargaroobeysaa inad iska celiso haddii ay khatar tahay. Dad kale ayaa kuu soo gurmanaya xataa haddii ad khatar gasho dharaartii, balse habeenka madow qof walbaa isagaa naftiisa u werwersan.


Marka ay mugdiga tahay, waxa ad ka baqeysaa waa in wax fajisiciso ihi kula kulmaan. Ninka geedka ad ag mareyso hoos fadhiya dharaartii waxa ad arkeysa dharka nooca uu xidhanyahay oo kuu sheegi kara inu waalanyahay iyo inu miyir qabo. Waxa kale oo ad arkeysaa inu nin xoog weyn yahay oo khatar ku gelin kara iyo caruur yahay ama qof gaboobey. Habeenka madowse dhinaca xun ayaa wax kastaa kuugu khaakhaayirayaa.

Mustaqbalka laftiisa waa laga baqaa sida mugdiga looga cabsado, waayo waxa soo socda ee uu wato ayaadan garaneyn. Horta wax kasta oo noloshaadaa sameynayaa waxa uu kaa jiraa dhinaca mustaqbalka, markaa waa kugu qasab inad markasta mustaqbalka ka fikirtaa. Baqasho uu leeyahay oo waxaaba ku xidhan wadkaagii oo ad ogtahay inu kaa jiro dhinaca mustaqbalka oo wakhti kugu soo socda ad dhiman doonto. Noloshii reerkaaga, mustaqbalkii caruurtaada, imtixaankii ad gashey oo natiijadiisii aanad weli ogeyn, baayacmushtarkaagii oo dhan ayaa natiijadiisu ku xidhan tahay mustaqbalka.

Bal waxa ad ka warrantaa, haddii la sameeyo muraayad la xidhan karo habeenkii oo wax kasta sidii dharaarta oo kale kaaga dhigeysa. Dabcan maad cabsateen oo wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fogba waad arki laheyd. Dhibaatada kugu soo socotana waad sii ogaan laheyd wand ka sii gaashaaman laheyd oo meeshii ad ku socotey adoo nabad qaba ayaad gaadhi laheyd. Balk a warran haddii muraayaddaa mugsiga dharaarta kaaga dhigeysa iminkaba la sameeyey oo la isticmaalo. Diyaaraduhu habeenka madow inta ay cirka maraan iyaga oo ku socda xawli aad u sareeya ee daruuraha iyo roobabka dhex jibaaxaya inada oo markiiba boqolaal kun oo diyaaradood hawada ku wada jiraan ee aan hadana isjiidheyn ama aan lumeyn. Mid walbaa sida ay cirkaa madow u socoto ayay halkii ay ku socotey fadhiisataa. Diyaaradahaasi habeenka madow socdaa iyaga ayaa ka khatar yar gaadhiidka dhulka socda dharaarta cad. Waxay diyaaraduhu heystaan wax la mida muraayadda an sheegey ee ku sii tuseysa wax kasta oo kuu dhow iyo wax kasta oo kaa fog, sida darteedna inkasta oo ay mareyso meel madow haddana direewalka wadaa cabsi ma qabo oo taladu gacantiisa ayay ku jirtaa.

Oo haddii cabsidii madowga xal loo helay, miyaan cabsida mustaqbalkana xal loo heli karin?  Ka warran haddii ad leedahay karti ad ku garan karto mustaqbalka oo ad wax ku sii ogaan karto. Dabcan taa lafteeda cabsidu wey kaa yaraan laheyd. Haddii masalan ad sii ogaan karto natiijada ad imtixaanka keeneyso, ama meesha ad aqoon ahaan gaadh kartid 10 sanadood dabadood. Ama shaqada nooca ad dooneyso inad ka shaqeyso, amaba haddii ad tahay hoggaamiye dal ama umadeed halka ad rabto inad gaadhsiiso 5 sanadood gudahood. Ka warran haddaad awoodaaba leedahay ama ad heysato wax kuu sahlaya inad tidhaa umad yahay shan sanadood dabadood halkaa iyo halkaa ayaan idin gaadhsiinayaa, dhaqaalahana sidaa ayaan ka yeelayaa.

Muddo an ku qiyaasayo laba sanadood ka hor ayaan daawadey barnaamij ka socdey TV-ga, weliba an u maleynayo inu ahaa HC-TV oo ka warramaya xidgiska iyo sida Soomaaliladu xidigaha uuga sii garan jirtey waxa ku soo socda. Weriyihii barnaamijka sheegayey kolba waxa u soo dhaca tilifoon ay soo dirayaan dad TV-ga daawanaya oo ku leh, waar waad danbaabeysaa ee qeybka waxba haka sheegin, Ilaahey mooye qofna ma oga waxa soo socda e. Dadkaa tlifoonka soo diraya qaarkood London ayay ka soo dirayaan. Anigii ayaa yaabey oo idhi dadkani miyey is yeelyeelayaan mise ogaal la’aanta mustaqbalka ka heysa ayaa waxan oo cabsi ah ka keentey. Waa dhab oo Ilaahey mooyee cid wadka sii ogi ma jirto, balse wax kasta oo kale waa la sii ogaan karaa. Sowtan TV-gu sii sheegayo asbuuca soo socda oo dhan sida ay hawada London noqon doonto ee qofku u sii diyaar garoobayo haddii ay dhaxan tahay ama haddii uu roob imanayo saddex maalmood ka dib. Sowtan malaayiinta qof meelaha qaarkood laga daad gureynayo ee la odhanayo maalin heblaayo duufaan ayaan meel heblaayo ku habsanaya.

Mustaqbalkaaga iyo ka umaddaada inad ka taliso aqoon uun baa kaa xigta, caqli iyo maskax ayaa la isu geeyaa oo macluumaadka sii shiili kara oo kala shaandheyn kara oo ka soo saari kara sawir ama si cad kuu tusaya sida ay wax noqon karaan amase aad uugu dhow sidaasi. Waxa kasta oo qalin iyo bug loo qaato lagana dood, si cilmi ah, natiijo ayaa ka soo bixi karta wanaagsan. Wixii tegey wey tegeen oo tiigsimaad malaha, marka laga reebo sida ay muhiim u tahay inad cashar ka barato oo meelihii ad wanaagga kala kulanteyna sii adkeyso, meelihii ad qaladaadka ka sameyseyna ad isku deydo inaaney mar kale kuu dhuuman ee ad ka diyaar garowdo.

Marka siyaasadda laga hadlayo, waxa maanta jooga wax yar ayaa laga qaban kartaa amase waxba kama qaban kartid. Waxa ad arkeysaa waa natiijadii wax soo bilaabmey xilli hore. Waxa maanta jooga waxa keliya ee ad ka qaban kartaa waa inad iska ilaaliso inaaney khasaare badan kuu keenin iyo inad dhinaca faa’iidada lehna sii balaadhiso. Waxase gacantaada ku jiraa waa mustaqbalka oo u baahan inaanad marti u ahaane ee ad adigu sida ad rabto u xukunto. Waxa muhiim ah inad leedahay Kambas (Jiheeye) kuu sheega dhinaca ad u socoto inu yahay dhinicii saxa ahaa iyo inu yahay dhinicii kale. Waxad u baahantahay inad leedahay wax kuu sheegaya inad xawligii ad rabtey ku socoto iyo inad gaabineyso si ad u gaadho meeshi ad ku socotay wakhtigii ad ku talo gashey.

Haddii ad tahay ardey jaamacadda dhameynaya waa inad si cad kuugu muuqataa halka ad dooneyso inad gaadho shan sanadood gudahood. Haddii ad ganacsade tahayna waa inay kuu qorsheysantahay halka ad dooneyso inu ganacsigaago gaadho. Haddii ad hogaan umadeed heysana waa inay kuu caddahay oo ad sii sheegi kartaa halka umaddaada iyo dalkaagu gaadhayo wakhtiga soo socda, ka soo qaadba 5 sanadood ee soo socda. Haddii aanad hadafyadaa si cad u sii sheegi Karin maanta, waxay u badantahay inaadan meel fog gaadheyn.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com