Magac Waa Loo Shaqeystaa.
Posted by xaaji on June 23 2013 12:13:11

Bal hadda ka fikir adiga oo ka soo degey garoonka diyaarada ee Hargeisa oo markaad diyaaraddii ka soo degtay ad aragtey iyada oo ay ku qorantahay Gegeda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dahir Riyale. Markaad madaarka ka soo baxdeyna ad aragtay iskuulkii la odhan jirey Mohamoud.


Extended News

Bal hadda ka fikir adiga oo ka soo degey garoonka diyaarada ee
Hargeisa oo markaad diyaaraddii ka soo degtay ad aragtey iyada oo ay
ku qorantahay Gegeda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dahir Riyale. Markaad
madaarka ka soo baxdeyna ad aragtay iskuulkii la odhan jirey Mohamoud
Ahmed Ali oo loo bixiyey dugsiga hoose dhexe ee suufi warsame oo adoo
yaaban ad magaaladii soo gashey oo ad aragtey kheyriyadii oo loo
bixiyey golaha Mudane Silaanyo. Waxad markaba ka fikireysaa tolow waa
maxay inqilaabkan dalkii ka dhacey!

Markii laga soo noqdey dagaalkii dunida ee labaad ee dhamaadey 1945kii
ayaa Kabtankii magaalada Hargeisa xukumayey, Mr. Fisher, uu shicibkii
ku soo rogay cashuur dheeraad ah oo uu rabey in la ururiyo si loo
dhiso iskuulkii u horeeyey ee ay Soomaaliland yeelato. Shicibkii way
ka mudahraadeen oo wey diideen cashuurtaa balse Mr. Fisher, dad badan
ayuu xidhxidhey oo uu ku qasbey iney kala doortaan iney xidhnaadaan
ama ay bixiyaan cashuurta oo ugu danbeystii bixiyey. Lacagtii la
ururiyey wey gaadhi weydey wax lagu dhiso afar fasal iyo xafiiskoodii.

Mr. Fisher waxa uu tegey jeelka Hargeisa oo uu ka soo kexeystey tiro
maxaabiis Talyaani ah oo lagu soo qabqabtey dagaalkii dunida ee
labaad, oo ay ku jireen maxaabiis dhismaha wax ka taqaan. Lacagtii uu
ururiyey iyo maxaabiistii talyaaniga ahayd ayuu ku dhisay afar fasal
iyo xafiiskoodii oo ah dugsiga iminka la yidhaa Sheikh Bashiir ee
magaalada Haregisa ku yaal. Afarta fasal ee uu markaa dhisay waa kuwa
u jeeda dhinaca wuqooyiga oo nashqaddooda ayaa laga garan karaa inu
talyaani dhisay, oo waxa u eegyihiin “Roma Architect”.

Markaa iskuulka la dhisayey waxa meesha ku yaaley hal fasal oo geed
hoostii ah oo lagu soo wareejiyey ood. Ardeydii fasalkaa ooda ah ku
jirtey oo ah fasalkii wax barasho ee u horeeyey ee Soomaaliland laga
furo wax aka mid ahaa Dr. Ali Qaadi oo markaa Rool Nambarkiisu ahaa
“1” oo macniheedu ah inu ahaa qofkii u horeeyey ee Soomaaliland la
qoro iskuul. Waxa kaloo isna fasalka ku Jirey AHUN Abdirahman Ahmed
Ali “Tuur” iyo AHUN Mohamed Haji Ibrahim Cigaal. Markii uu dhamaadey
dhismihii cusbaa, caruurtii waa laga soo khexeeyey geedkii oo
fasaladii cusbaa ayey galeen. Iskuulkiina waxa loogu magac darey
ninkii dhisey oo ahaa Mr. Fisher.

Mr. Fisher xaaskiisii ayaa sannad dabadeed u dhooftey ingiriiska gaar
ahan gobolka Wales si ay uugu soo umusho. Markii ay umushey ayay
dadkii magaaladeeda dhex gashey oo ay ka codsatey in lacag loo ururiyo
si ay uugu dhisto rug caafimaad oo dumarka uurka leh ee Hargeisa loogu
daweeyo. Lacagtii ayay soo qaadey oo waxa ay ku dhistay rug caafimaad
oo ku tala meel u dhow maxkamadda Hargeisa dhabarkana ku heysa
dhakhtarka qaaxada. Rugtiina waxa loo bixiyey magaceedii oo ahaa “Ruth
Fisher Clinic”

Waxa jira dad badan oo kale oo muwaadiniin iyo ajinabiba ahaa oo is
xilqaamey oo mashaariic fuliyey oo iyagii loogu magac darey. Ha noqoto
Iskuulkii Riis ee uu Dhisey Sir Gerald Reece iyo Iskuulka Ahmed Gurey
oo uu dhisey nin la odhan jirey Sir Thomson.

Markii gobanimada aynu qaadaney 1960 ilaa maantadaa an joogno jiilba
jiilka ka danbeeya ayuu taariikhdii badh masaxayaa oo libin dad hore
sameeyeen inta uu ranji soo qaato masaxayaa oo uu magac kale ku
qorayaa. Iskuulkii Fisher magacii waa laga bedeley iyadoo xamaasad
xornimo ina haystay oo waxa loo bixiyey dugsiga Sheikh Bashiir,
Iskuulkii kale ee Sir Thomson dhiseyna waxa loo bixyey Ahmed Gurey.

Iskuulkii la odhan jirey Yurubyan iskuul, markii kacaanku dhashey waxa
loo bixiyey Dugsiga Shacabka wiilasha. Haddana dhamaadkii
sideetamadkii ayaa loo bixiyey dugsiga Hussein Giireh, maantana waxa
la yidhaa Dugsiga shekh hebel. Biyo dhacey oo magaacaa ku soo caano
maaley waxan u maleynayaa in iminka la yidhaa Dugsiga Shekh Ali
Ibrahim. Dugsigii Riis waxa la yidhaa dugsiga Sheikh Ali Cisman.

Waxa iyana aan meesha ka madhneyn qabyaalada, gaar ahaan intii ka
danbeysey 1991 kii. Magacyadan cusubi ee loo bixinayo meelaha qaarkood
waa Mujaahid ama sheekh xaafaddaas ah oo loogu magac darayo oo meel
hore loogu magic darey dad soo kifaaxey oo shaqo soo qabtey. Taasina
waxa ay u eekeysiineysaa inu xaalku yahay “Ku qabso ku qadi meyside”.
Waxa jira dhul iskuulo badan iyo wadooyin badan iyo meelo kale oo
badan oo la dhisey intii ka danbeysey 1991 oo loo bixin karo magacyo
dad dalka taariikh ku leh. Waxa la isu raacsanyahay in Mujaahid
Mohamed Ali (AHUN) iyo Mujaahid Lixle (AHUN) ay ahaayeen tiirarkii
adkaa ee hoggaankii SNM. Waxa ay aheyd iney maanta jirto meelo muhiim
ah anma wadooyin labada mujaahid loogu magac daro si loogu xasuusto
iney ahaayeen muwaadiniin naftooda u waayey dalka oo dhan. Waxey aheyd
in Hassan Madoobe (AHUN) oo ka dagaalgaley Ceel-Afweyn magaciisa loo
bixiyo meelo ka mida Gabiley si ilmaha ku soo koraya Gabiley u garto
in Mujaahidkaa Ceel-Afweyn ka soo jeedaa u dhintey Gabiley.

Waxyaabaha guusha laga gaadhey wax aka mida magacyada Xaafadaha Ahmed
Dhagax iyo Koodbuur. Waxa sheedaha lagaga faanayaa magaca Koodbuur oo
ah mujaahid masalaha ku dhashey halka ay xaafadda siinay ku faaneyso
Ahmed dhagax oo ah mujaahid ka soo jeeda Xaraf balse mabda’a uu u
dhntey saameyn ku leeyahay meel kasta oo dalka ah. Arrimahaas ayaa u
baahan in la dhiiri geliyo si looga baxo in xaafad kastaa isku
meereysato.

Iminka waxa xaalku u muuqdaa in jiilba jiilkii ka horeeyey masaxayo
taariikhdiisa. Waa inan ogaadnaa iney dhici karto iney iman doonaan
jiil inaga danbeeya oo waxan an iminka wadno masixidoona haddii aan
loo sameyn sharci iyo nidaam qeexa sida magac loogu bixinayo wixii dan
guud ah. Inta la xusuusto Bile Rafle waa Mayorka lagu tilmaamo inu
magaalada Hargeisa ka danbeeyey nidaaminteeda oo waxa uu jiixay
waddooyinka waaweyn ee magaalada, waxa uu baabi’yey xaafadihii isku
raranta ahaa, waxa maamulkiisu dhisey dhismaha iminka ay ku jirto
wasaaradda Daakhiliga ee Hargeisa, saldhigga weyn ee Bileyska ee
Hargeisa iyo Tiyaatarkii. Xaqu wuxu ahaa in meelo magaalada ka tirsan
loogu magac daro oo aan lagu daadifeyn qabiilkiisa oon la odhan wuxu
ka soo jeedaa Qabridahare iyo Gunnogado amase aan la odhan waa nin la
shaqeynayey dawlad aynaan jecleyn.

Qofkii doonaya Haddii aynu dooneyno inan magacyadii mujaahidiinteena
iyo culimadeena iyo siyaasiyiinteena meelo uugu magac darno, waxa
waajib ah inan uugu magac darno wax an inagu dhisaney ee aynaan noqon
qurux boob ku magac doonata wax dadkale u soo dhidideen.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

Bileaqoontaiyonolosha@gmail.com