Dawlada Hoose ee Burco oo dadwaynaha ugu baaqday inay Cashuurta iska bixiyaan wadooyinkana baneeyaan.
Posted by xaaji on June 24 2013 16:28:43

Xoghayaha dawlada hoose Cismaan Maxamed Sh. Cismaan iyo Gudoomiye ku xigeenka dawlada hoose Muxumad Xasan Jaamac ayaa shalay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta dawlada hoose waxay kaga hadleen isla markaana dadwaynaha reer burco


Extended News

Xoghayaha dawlada hoose Cismaan Maxamed Sh. Cismaan iyo Gudoomiye ku xigeenka dawlada hoose Muxumad Xasan Jaamac ayaa shalay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta dawlada hoose waxay kaga hadleen isla markaana dadwaynaha reer burco baaq u direen inay cashuurta bixiyaan wadooyinkana baneeyaan ,waxaanay sheegeen in cidii cashuurta dhulka banaan bixin wayda ay kala noqonayaan lahaanshaha dhulka.


Xogahayaha Dawlada hoose oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan ugu horayn doonayaa inaan ka hadlo Cashuurta dhulka banaan, dhulka banaani waxa uu qofku ku yeelanayaa oo uu mulkigiisa ku noqonayaa inuu cashuurta bixiyo, aqalka dhisana sanadkii isagana ardiyad ayaa lagu leeyahay, dadwaynaha waxaanu mar walba ugu celcelinaynaa inay bixiyaan cashuurta dawlada, taasi waxay naga maanacaysaa in aanaan muwaadinkaas cashuurta bixiyay dhulkiisa cid kale siino, hadii uu qofku cashuurta bixin waayo kama xigo kamana laha dadwaynaha kale.

waxaa inta badan caadaysta dadka qurbaha ku nool inay dhul balaadhan oo aad u fara badan inta ay ootaan ama sees taan dabadeed iska dhoofaan iyagoo aan cashuurtii bixin, kuwaas waxan leeyahay kama xigtid dadwaynaha kale ee bilicda magaalada wax ka qaban lahaa ee dhisi lahaa, sidoo kale waxa jira meelo beero ah oo sarfayga laga saaray oo baloodho noqday iyagana waxaa leeyahay dadkii baloodhadaa lahaa waa inay iyaguna cahuurtaan, qofka muwaadinka ahi marka uu cashuurta ku waajibtay bixiyo ayuu anagana xaq noogu leeyahay wixii wax qabad ah oo nagula xisaabtami karaa, cashuurtuna waa ta kaliya ee wax qabadka dawlada lagula xisaabtami karaa, cidii cashuurta bixin waydana talaabada aanu ka qaadaynaa waa in aanu kala noqono lahaanshiiyaha dhulka.” Ayuu yidhi

Xoghayaha dawlada hoose Cismaan waxa kale oo uu digniin kama dambays ah u jeediyay dadka magaalada hareeraheeda dhulka iska oota kuwaas oo uu u sheegay inaanay jirayn dul danbe oo aan wax ba ka bixin oo layska ootaa ama moos lagu wareejiyo waxaanu sheegay in ay dhawaan talaabo ka qaadi doonaan.

Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Degaanka degmada Burco Muxumad Xasan jaamac(xoday) oo Digniin u diray Dadka wadooyinka xidhay aya ayidhi “Wadooyinka magaaladu way xidhanyihiin waxa kaliya ee xidhayna waa dhagax,intuu qofku guri dhistay ayuu hortiisana dhagax dhiganayaa,waxa kaliya ee ugu badan ee nala waydiinayay waxa weeyaan intii aanu meesha joognay waa goormaa wadooyinka banaynaysaan, intii aanu joognay waxaanu urursanaynay qalabkii wadooyinka lagu banayn lahaa,hadana waxaa la gaadhay xiligii la banayn lahaa,waxaan dadwaynaha reer burco leeyahay laga bilaabo shan iyo labaatanka bisha cidii loogu yimaado dhagax guriga hortiisa yaala waxaanu u aqoonasanynaa inuu ka maarmay,waxaanan ku dhisaynaa dan guud.” 

Hargeysa Online.