Gaari rakaab ah oo saaka ay miino kula kacday nawaaxiga isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho.
Posted by xaaji on June 24 2013 16:41:37

Qarax ayaa saaka waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaasoo geystay khasaaro nafeed sida ay sheegayaan wararka degaankaas naga soo gaaraya.


Extended News

Qarax ayaa saaka waxaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaasoo geystay khasaaro nafeed sida ay sheegayaan wararka degaankaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay ay la kacday gaari rakaabka ah oo noociisu yahay HOMEY xili uu halkaas marayey.

Lama oga in qaraxaas si ula kac ah loola beegsaday gaarigaas iyo in kale, hase ahaatee waxaa la sheegay in qaraxa uu geystay khasaare nafeed iyo burbur soo gaaray gaarigaas.

“Aniga markii aan meesha gaaray waxaan arkay dhaawaca darawalkii gaariga waday iyo kirishbooyga lacagaha u aruuriya oo halkaas yaala, gaariga gudihiisana dad kale kuma jirin ka dibna ciidan ayaa goobta yimid waa nala kala eryey, ma sheegi karo inuu jiro khasaare kale” sidaa waxaa yiri goob jooge ku sugan degaankaas.

Ma jiro war ku saabsan qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay oo ka soo baxay maamulka dowlada Somalia ee degmada Heliwaa hase ahaatee maahan markii ugu horeysay ee gaadiid rakaab ah ay qaraxyo ku qabsadaan jidadka magaalada Muqdisho.

Hargeysa Online