Aabe iyo Wiil ku Naf waayay Dooxa Biyo Kulul.
Posted by xaaji on June 27 2013 16:28:46

Berbera(Hargeysa Online) Aabe iyo Wiil uu dhalay oo magaaladda Hargeysa uga kicitimay sidii ay Dooxa Biyo kulule ugu tagi lahaayeen xaalad Caafimaad ayaa ku geeriyooday Dooxaasi, oo wakhtigan aan dadka badidiisu booqan.


Extended News

Berbera(Hargeysa Online) Aabe iyo Wiil uu dhalay oo magaaladda Hargeysa uga kicitimay sidii ay Dooxa Biyo kulule ugu tagi lahaayeen xaalad Caafimaad ayaa ku geeriyooday Dooxaasi, oo wakhtigan aan dadka badidiisu booqan.

Lama oga ilaa hada sababta keentay dhimashada Wiilka iyo Aabaha Is dhalay ee geeriyooday, hase yeeshee wax aka soo baxaya warar is khilaafsan oo ay dadku tabinayaan kuwaasoo suuqa soo galay.

Mid ka mid ah wararka ku saabsan dhimashada labada qof ayaa sheegaya in Dooxu liqay Odayga, Inankuna isku dayay in uu kor u soo qabto, balse sida ay tabinayaan dadka sheekadda beekhaaminayaa inankii wax aan la garanayn isku duubeen oo dhiiga ka jaqay, taasoo labadooda oo mid ah goobta laga helay.

Wararka kale, ee dhimashada Labada Qof laga soo warinayo ayaa sheegaya in xaraarada dooxaasi ama xeebta uu ku yaala aan la booqan Karin laga bilaabo bisha May ilaa bisha September ee xagaaga, mudadaas oo la sheegay heer kulku inuu gaadho halka ugu saraysa,kaasoo sababa dhimashada Dadka.

Labada sheeko mid kasta dadka sheegayaa gaarkooda ayay u buun buuninayaan, hase yeeshee ka ay doonto ha noqotee labada Qof ee Geeriyooday oo ah Aabe iyo Wiil u dhalay ayay dadku ka naxeen.

Dooxa biyo kulule ayaa ah dhul dur dur ah oo biyo dadku dawo ka helaan leh, kaasoo dadweyne ka kala yimaada meelo fog fog u yimaadaan dawo dhaqameed ahaan, waxaana lagu maydhaa biyaha dabiiciga ah ee qul qula dooxaas oo ka soo baxa buuraha teedsan xeebta.

Hargeysa Online