Maxkamda Rafcaanka Gobolka Saaxil oo Xukunno Kala Duwan Ka Fulisay Xabsiga Dhexe Ee Degmada Mandheera.
Posted by xaaji on July 03 2013 13:46:32

Saaxil(Hargeysa Online)Maxkamada Rafcaanka Gobolka Saaxil, ayaa maanta
xukunno kala duwan ka fulisay Gudaha Xabsiga Mandheera ee Gobolka
Saaxil.


Extended News

Saaxil(Hargeysa Online)Maxkamada Rafcaanka Gobolka Saaxil, ayaa maanta
xukunno kala duwan ka fulisay Gudaha Xabsiga Mandheera ee Gobolka
Saaxil.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Saaxil Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac
Hayaan iyo KU/XIGeenka Xeerilaaliyaha Guud Ee G/S Mudane: Yuusuf Biixi
Muxumed iyo Qareenkii U doodayay Rafcaanlayaasha Garyaqaan Jaamac
Sanyare, ayaa u tegay Xabsiga Mandheera dhegaysiga rafcaanlayaal ku
xukunnaa dilal, isku day dil, kufsi iyo tuugo.
Waxaanay, Maxkamadu Rafcaanku xukunnada ka khafiifisay qaar ka mid ah
kiisaska todoba dacwadood oo ay dhegaysatay, halka kuwo kalena ay
xoriyadooda u soo celisay.
Gudoomiyaha Maxkamda Rafcaanka C/raxmaan Jamac Hayaan, waxa uu
Maxaabiistaas oo mudo dheer ku jiray Jeelka mandheera, ugu
Bushaareeyey In Maxkamdu sida ugu Dhakhsaha Badan ugu soo noqonayso,
inta kale ee wali cadaalada rajanaysa si ay cadaalad u helaan, iyada
oo ay socon doonaan Dacwadaha Dilka iyo isku Day Dilka ahi oo aan wali
wax Go,aan ah aanay Maxkamdu ka soo saarin oo uu Gudoomiyuhu dib u
mudeeyay dhagaysigooda, waxaana halkaas Maxkamda ugu duceeyay
Xukunsanayaashii Saaka Cadaalada ka Helay halkaas.
Magacyada todobada qof ee maxkamaddu shalay dhegaystay dacwadoohooda
kala duwan iyo xukunnada loo haystay.
1. Cabdi Haybe Cayngal oo ku Xukuman Dil Q.434 XCG
2.Cali Yuusuf Aadan oo Ku Xukuman isku day Dil Qodobka .434/17 XCG
3.Saleebaan Biixi Cabdi oo Ku Xukunaa kufsi Qodobka 398 XCG
4.kHadar Axmed Cali
5. Cabdi Cismaan Gaaxnuug
6. Cabdi KHadairar Faarax sadexdaas xukunsane oo si wada jira ugu
xukunaa Tuugo Qodobka 480-481 XCG
7. Axmed Maxamed Guuleed oo Ku Xukunaa isku Day Kufsi Q. 399 XCG