Togwajaale wakhti xaadirka waayaha kajira duruufaha ku xeeran maamul xumada soo wajahday.
Posted by xaaji on July 07 2013 10:58:52

wuxuu xilka gudoomiyonimo hayey mudo sadex sanadood ah waxaa samaysantay shabakad balaadhan oo suutagalisay inuu xoogaysto musuqmaasuqu islamarkaana gacanta kudhigeen ilhii cashuuraha.


Extended News

wuxuu xilka gudoomiyonimo hayey mudo sadex sanadood ah waxaa samaysantay shabakad balaadhan oo suutagalisay inuu xoogaysto musuqmaasuqu islamarkaana gacanta kudhigeen ilhii cashuuraha ee dhaqaaluhu uga soo bixi jiray Degmada Tog wajaale si aanay dadwaynaha reer tog wajaale waxba uuga ogaan sida wax loo lunsanayo hantidii umadana loogu tagrifalayo waxaa dhamaan Buulka ladhigay shaqaalihii dawlada hoose ee kasoo jeeday wajaale waxaana lakeenay xoghayaha fulinta dawlada hoose deg mada tog wajaale oo kasoo jeeda Beesha Cabdale Abokor ee uu kasoo jeedo wasiirka wasaarada maaliyada Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo sitoos ah u maamula degmada tog wajaale isagana wax laga waydiiyo waxaana wehel looga soo dhigay gudoomiyaha tog wajaale xaashi maxamuud cabdi oo noqday mid istaraatijiyad gaar ah laga leeyahay islamarkaana fulinaya ujeedooyin qarsoon waxaanu wakiiladii dawlada hoose ee Wajaale kasaqaynjiray oo hore uwada aahaa deegaanka kuwada badalay wakiilo kasoo jeeda hayb ahaan ciddi isaga kursiga keentay inuu uugu abaalgudo inuu gacanta ka galiyo ilaha dhaqaalaha Degmada tog wajaale taasina waxay suurta galisay inay marqudha reer Tog wajaale laga dhex waayo nimanka Tog wajaale kashaqeeya ee shaqaalaha dawlada hoose oo kamid yahay Gudoomiyuhu ka kowyahay majiraan dhamaantood nin caruurtiisu degantahay sedex cishona Hargaysaa lasoo joogaa sedex cishana wajaale waxaana uu gudoomiyaha togwajaale oo ah masuulkii degmade usareeyey

wuxuu ogaankariwaayey kumbuyuutaradii dugsiga sare kaamilciise secondary school oo ay keeneen qurbo joogta udhalatay Gobolka Gabiley oon lagaranayn meel ay kudanbeeyeen iyada oo maamulkii kahoreeye QAWRAX MUUSE XUSEEN uu ahaa nin magaalada degan oo warhaya waxakale oo jirta ina M.C.Hka tog wajaale laga jaray foostadii biyaha ahayd marka dumarka lagaga dhaliyo dhiiga ay iskaga far xalayeen umulisooyinku sadaa waxa ii xaqiijiyey maamulaha M.C.Hk Maxamed Miigane Suldaan aniga oo ah maxamed cabdilaahi Qombor waxaan goobjoog uu ahaa maamulaha dugsiga hoose mahdi cali school tog wajaale oo gudoomiye xaashi kuyidhi calaankii iskuulka dabayshaa naga googoysee gudoomiye calamadan aad hayso mid nasii balse nasiib daro uu uugu jawaabay soo iibsada anaguba waanu soo iibsbanaaye wuxuu maamulihii dugsigu oo ah Aadan sheekh Abiibakar xuseen ku yidhi Gudomiye aduu manad degmada xukumin has ahaate uu ka jidh diiday dabadeena uu katagay hadabbab waxaan dawlada somaliland kula talinaynaa inay waxka qababto tabashooyinka reer tog wajaale siloo xaqiijiyo barnaamujyadii xisbiga kulmiye uu ku faanijiray

lasoco

waa Qallinkii Maxamed Cabdilaahi Qombor Tog Wajaale Soomaaliland