Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka oo kulamo la qaatay Madaxda aqalka Baarlamanka.
Posted by xaaji on July 10 2013 12:53:26

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo Booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyadda Ingiriiska ayaa maanta kulamo gooni gooni ah kula yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Aqalka.


Extended News

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya oo Booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyadda Ingiriiska ayaa maanta kulamo gooni gooni ah kula yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Aqalka Baarlamaanka Boqortooyadda Ingiriiska oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha aqalka Odayaasha (House of Lords) Haweenayda la yiraahdo Rt. Hon. Baroness D’souza, Madax Aqalka Odayaasha, Xildhibaano ka ka tirtsan Aqalka Common House-ka , xubno ka tirsan Mucaaradka oo ka tirsan Aqalka Baarlamaanka iyo khubaro kale oo lagu casuumay kulamadaas.

Madaxda aqalka Odayaasha Boqortooyada Ingiriiska oo si kala gaar gaar ah u hadlay waxey si isku mid ah u ammaaneen qaabka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sida muuqata oo uu u horseeday isbedellada hormarineed ee dalka ka jira gaar ahaanna dhanka siyaasadda waxaana ay sidoo kale si isku mid ah u muujiyeen sida ay u jecel yihiin wada shaqeyn joogta ah oo ay yeeshaan labada Baarlamaan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wafdigan sare hogaaminaya ayaa dhankiisa ka hadlay hormarrada dalka ka jira iyo sida Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya ay uga go'antahay iney usii wadaan howlahooda shaqo taasi oo ay marqaati katahay in Baarlamaanka uu xiligan magaalada Muqdisho ka shaqeynayo ayadoo la joogo xiligooda fasaxa ah.

Dhammaan madaxda ay la kulmeen Wafdiga waxay ka wada hadleen horumarinta xiriirka labada Baarlamaan iyo sidii loo sii hagaajin lahaa iyo arrimo la xiriira iskaashiga iyo xuquuqul Insaanka.

Dhammaan kulamdaa ayaa waxa ku soo dhamaadeen jawi is-afgarad iyadoo wafdiga kulamadaa loogu balan qaaday in gacan buuxda laga siin doon dhammaan arrimihii ay ka wada hadlaan oo ahaa kuwa aad xasaasi u ahaan, iyadoo si gaar ah Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha Boqortooyada Ingiriisku ay balan qaad buux oo la xiriira gacansiinta Dawladda curdunka ah ee Soomaaliya iyo Baarlamaankeedaba.

Hargeysa Online