Lafa-Gur Ku Saabsan Shirqoolada Reer Galbeedku Ku Xagal Daacinayaan Qunyar Socodka Islaamiga Ah Ee Dalalka Masar Iyo Turkiga.
Posted by abdi on July 13 2013 14:26:42

Tan iyo markii kacdoonka shacabku hogaaminayaa ka Qarxay dalalka carabta ee uu Curtay waxa loo yaqaano Gu’ga Carabtu, waxa isa soo tarayay aragtiyo dadka qaarkood qabaan iyaga oo ku doodaaya in Kacdoonadaasiay yihiin kuwo ay Hurinayaan Yuhuudda.


Extended News

"Taqsiim Illaa Taxriir…Shirqool Mid Ah!!"

 

2. Siyaasadda xukuumadda Islaamiga ah ee Turkiga oo

noqotay mid gabi ahaanba ka madhan in ay u darbanaato danihii reer Galbeedka iyo Yuhuudda, waxaanay awoodda saartay Kobcinta iyo dhismaha Muwaadiniinta Turkiga ah iyo guud ahaan dalkooda. Xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogan Hogaamiyaa waxa ay si aan hore loo arag u yaraysay shaqo la’aantii dadka Turkiga ah haysatay iyada oo taariikhda markii ugu horraysay dalkaasi gaadhsiisay 8% iyada oo dhinaca kale dalalka Yurub shaqo la’aan baahsani ku dhufatay. Erdogan iyo xukuumadda Turkigu waxa ay ku guulaysatay in ay bixiso dhammaan daymihii sanduuqa lacagta adduunku ku lahaa dalkooda iyaga oo taariikhda markii ugu horraysay dalka Turkiga ka dhigay dal aan lagu lahayn wax deyn ah muddo 52 sanadood ah. Waxa ay xukuumadda Islaamiga ah ee Turkigu yaraysay danihii reer Galbeedku ku qabeen dalkooda oo ay gabi ahaanba meesha ka saartay waxaanay seeska u dhigeen xidhiidh ay la yeeshaan dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka waxanaay soo celiyeen haybaddii Turkiga ee taariikh ahaan soo jireenka ahayd.